Muqdisho (WDN)- Ciidamada Amaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjarey weerarkii Alshabaab xalay ku qaadeen Hotel Villa Rosa ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay gudaha u galeen maleeshiyaad Al Shabaab ka tirsan iyaga oo qaraxyo la beegsaday ka hor inta aysan gudah u galen hoteelka.

Ciidamada amaanka ayaa gudaha hoteelka kula dagaalamayey 6 maleeshiyo Alshabaab ah,waxaana ugu danbeyn ay dileen 5 ka mid ah kooxdii hoteelka ka dhex dagaalamaysay, halka midka kale uu isqarxiyey.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Saadiq Doodishe oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in hawlgalkii weerarka hotel Villa Rosa la soo af jaray, iyada oo lasoo badbaadiyay 60 qof oo isugu jira masuuliyiin ka tirsan dowlada, Baarlamaanka iyo dad rayid ah.
Laamaha amaanka ayaa sheegay in intii weerarku socdey ay dhinteen 8 qof oo rayid ah waxa ayna weerarkani ku tilmaameen mid naf la caarinimo ah oo muujinaya in kooxda Alshabaab uu gabalkeedu dhacey iyo awoodii ay lahayd oo inta badan lagala wareegay deegaanadii muhiimka ahaa ee gacanteeda ku jiray, halka inta ay ku harsantahayna laga xoreyn doono.
Hoteelka Villa Rosa, Villa Rays oo si aad ah ugu dhaw aqalka Villa Soomaaliya ee looga arimiyo Soomaaliya, ayaa maleeshiaad ka trisan Alshabaab ayaa xalay weerar qarax ismiidaamin ku bilowday ku qaaday hoteelka, taasi oo muujinaysa marka la eego goobta uu ku yaalo hoteelku, habacsanaanta laamaha amaanka ee u xilsaaran sugida amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply