Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Wasiirkii Amniga ee Jubbaland oo Muqdisho lagu xidhay

Muqdisho (WDN)- War lagu kalsoon ayhay oo soo gaadhay wardheerNews, ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga ee Jubbaland Md. Cabdirashiid Xasan Janan, lagu xidhay Garoonka Diyaaraddaha ee Muqdisho. Wasiirka ayaa la sheegay in uu ku gudajiray safar dalka Itoobiya ah.
Md. Cabdirashiid ayaa la sheegay in uu ka yimid magaalada Doolow, isaga oo u sii jeeday magaalada Addis Ababa, ee caasimadda Itoobiya.

Md. Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho, booqashadiiisii June, 2019

Waxa xusid mudan in Wasiir Cabdirashiid Janan dhawaan bishii June ee sandkan 2019, uu booqday magaalada Muqdisho, halkaasi oo si wacan loogu soo dhaweeyay, islamarkaana aanu kala kulmin wax dacwad ama xidhig ah dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar ay horey u heshay WardheerNews,  ayaa sheegay in booqashadaasi u dambeysay ee Wasiir Cabdirashiid ku tagey Muqdisho bishii June, lagu wargeliyay in uu taageero ol’ole ka dhan ahaa dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Isaan Madoobe.

Haddaba xidhitaanka Md. Cabdirashiid ayaa la xidhiidha in  uusan fulin codsigii DFS, ee ka dhanka ahaa Axmed Madoobe. Arinkaasi ayaana lagu sababaynayaa xabsiga Wasiirka Amniga ee Jubbaland.

Waxaa  iyna xusid mudan in ay jireen dacwado horey xafiiska xeer ilaalliyaha guud, uu ku soo oogay Wasiirka Aminga ee Jubbaland oo la xiriirtay maxaabiis  lagu dilay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Hase yeeshee ka gadaal ay maxkamadda Gobolka Banaadir laashay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii ay ka noqotay xeer ilaalinta guud ee qaranku.

Xadhiga wasiirka ayaa waxa uu imanayaa iyadoo dhawaanahan meel aad u xun uu gaadhay xidhiidhka dawladda federaalka iyo Jubbaland ka dib faragelintii ay ku samaysay DF doorashooyinkii ka dhacday Jubbaland iyadoo islamrkaana waxba kama jiraan ka soo qaadday natiijadii dooraashadii dib loogu dooratay madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Md. Axmed Madoobe.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.