Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Wareysi: Dr. Maxamed Daahir Afrax

“Ka shaqaynta luuqadda iyo suugaanta waa sida kaliya ee jiritaanka Soomaalida lagu badbaadin karo.” Dr Afrax

Waxaa wareysiga qaaday: Dr.Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Muddaba waxaan ku hawlanaa qorista buug aan leeyahay oo cinwaankiisu noqon doono: “Wareysiyadeydii: Hal-door Soomaali iyo Ajaanibba leh” waa daligii iyo mirihii iiga soo go’ay tacabkaygii weriyenimo; ama “mihnadda mashaqada iyo daalka” sida ay carabtuba ku tilmaanto, marka ay ku hawlanyihiin ka shaqaynta xirfadda war-fidiyeenka. 

Dr. Ashkir iyo Dr. Afrax

 Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ku jiraa hal-doorka ay ii suuragashay in aan wareysi taariikhi ah la yeesho, waa aqoonyahan raad muuqda igu reebay, waa daadihiyahaygii igu hagay dhabbada qoraalka, iguna dhiiri-galiyay in wax-qoristu ii noqoto hab-dhaqan aan raaco mar kastoo maankayga ay ku soo maaxato fikrad mudan in akhristaha loo gudbiyo.

Ka sakow, in Afrax yahay qoraa saddexda luuqadood ee Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiskaba wax ku qora; misana,  waa qofkii ugu horreeyay Soomaaliya ee bilaaba naqdinta suugaanta masraxa iyo sheeko-curinta casriga ah.

Buugiisii caanbaxay ee “Maana-Faay” waxaa lagu tilmaamaa hooyada sheekofaneedda Soomaalida, Waxay ahayd tii ugu horreysey sheeko-xardhidda, waxaana macallin ugu ahaa -siduu ii sheegay-  qoraagii caanka ahaa “Najiib Maxfuud”  ee u dhashay dalka Masar, qaatayna  abaal-marinta Nobel Prize dhinaceeda suugaanta.

Afrax waa nin marka uu sheekeenayo hadal yar, hadduuse qalinka qaato waa sidii wabi fatahay, Wareysigan aan la yeeshay waxaan u turjumay Luuqadda Carabiga, si buugayga uu dhinac uga noqdo, nuqulkiisa Soomaaliga ah ayaanse jeclaystay in aan akhristow kula wadaago!

Dr. Ashkir: Dhalaashadaadii iyo waxbarashadaada hore ilaa dugsigii sare wax nooga sheeg?

Dr. Afrax: Waxaan ku dhashay degmada Jarriiban, Gobolka Mudug, Soomaaliya, sannadkii 1952kii. Waxbarasho waxaan ku bilaabay Qur’aanka Kariimka. Sidii aan ugu bilaabay waxay ahayd si aan caadi ahayn oo malaha ay aad u yaryihiin dad kale oo sameeya, haddayba jiraan. Anigoo shan sano oo keliya jira ayaa waxaa igu soo dagay jacaylka tacliin-raadinta. Markaasaan intaan loox iska qaatay waxaan raadsan jirey meeshii wadaad la iigu sheego. Intaan u tago ayaan oran jirey “adeerow quraan ii dhig”! wixii la ii dhigana isla markiiba si fudud intaan u xafido ayaan haddana raadsan jirey wadaad ii dhiga suuradda ku xigta. Sidaas ayayan ku dhammeeyey Juska koowaad ee Qur’aanka, Juz Camma. Ka kidibna aabbahay (AUN) markuu arkay mintidkayga ayuu igu daray dugsi Qur’aan uu macallin ka ahaa Macallin Maxamed Cabdille Halaq. Waxaa dadkii layaab ku noqotay inaan Qur’aanka ku dhammeeyey shan bilood oo keliya, halka ay dadka caadiga ah sannado ku qaadato. Naanaystii u horreysey ee la ii bixiyey waxay ahayd “Qur’aan-ka-adag”.

Dr. Afrax

Sagaal jir markaan gaarey ayaan go’aansaday inan Jarriiban ka dhoofo oo Xamar waxbarasho u aado. Waalidkay oo markii hore ii diiddanaana aakhirkii waan ku qanciyey. Sidaas ayaan Muqdisho ku tagey. Halkaas ayaan ku dhammeeyey waxbarashada asaasiga ah dugsiga hoose ilaa sare muddo shan sano ah, sidaan marba qolada iga sarraysa intixaanka ula galayey. Heerka jaamacaddana shahaadada koowaad (BA) waxan ka qaatay Jaamacadda Cadan, heerarka ka sarreeyana ilaa doktooraat (PhD) waxan ka qaatay Jaamacadda London (University of London).

Dr. Ashkir: Inta badan dadka ku yaqaan waxay kugu xasuustaan oo kaliya qoraaladaada dhinaca Af-Soomaaliga, waxayan ogayn in bilowgaagii aad Afka carabiga wax ku qori jirtay, wax inooga sheeg qoraaladaadii Carabiga ahaa?

Dr. Afrax: Maadaama waxbarashadaydii dugsiga dhexe iyo dugsiga sare aan ku qaatay afka carabiga, dugsiyo ay maamuli jirtey Dawladda Masar, qoraalka waxan ku bilaabay af Carabi. Anigoo wali ah arday dugsiga sare dhigta ayaan bilaabay inaan maqaallo iyo sheekooyin gaagaaban ku faafiyo jariidaddii rasmiga ahayd ee maalin kasta soo bixi jirtey  
“NAJMAT OKTOOBAR” Xiddigtii October, Markii dambe waxaa la ii qoondeeyey bog joogta ah oo toddobaadle ah oo hal-ku-dhaggiisu ahaa المكروسكوب.المجتمع الصومالي تحت  .

Buuggii ugu horreeyey ee an nashriyey waxaan ku qoray Af-Carabi. Wuxuu ahaa sheeko-faaneed taariikheed “RIWAAYAH TAARIIKHIYAH” magaciisuna wuxuu ahaa  (Nidaa’ul ALXORIYAH” Wargeyskii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee gobol ka soo baxa ahna majalladii ugu horreysey ee laba-afle ah, micnaha laba luqadood ku soo baxda wuxuu ahaa majallad aan nuskeed ku qori jirey Af-Carabi nusna AfSoomaali. Taas oo aan ka soo saaray Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose 1973-dii.

Majalladaas iyo meelo kaloo kala duwanba waxaan ku faafin jirey qoraallo isugu jirey, maqaallo, diraasado, sheekooyin oo intuba Af-Carabi ahaa. Waa dambena markaan  u wareegay dalal Carbeed 1980nadii waxaan dib u bilaabay qoraalladii AfCarabiga, ka dib muddo an soo saarayey buugaag iyo qoraallo kale oo Af Soomaali ku qoran. Markaas dambena qoraallo noocyo badan leh ayaan ku faafin jirey jaraai’d iyo majallado kala duwan oo Carabi ah, oo u badnaa kuwii ka soo bixi jirey dalka Yemen oo an degganaa. Waqtiyadaas dambe buugaag ahaan Af-Carabi waxan ugu soo saaray buug magaciisu yahay: “ Nadaraat fii Al-Thaqaafah Al Soomaaliya” iyo buug daabacaad ku maqan oo cinwaankiisu yahay:  “DIRAASAAT NAQDIYAH WA THAQAAFIYAH.” .

Sida aan ku bilaabay qoraaladayda Af-Carabiga ah waxay leedahay qiso cajiib ah, anigo arday ah oo madrasada Masaarida dhigta ayaan qoray dhambaal aan ugu magac-daray “ YAJIB AN YAKUUNA ALMASRAX MADRASAH LIL-MUSHAAHIDIIN WALAYSA MALHAA” macallinkaygii luuqadda Carabiga oo Masri ahaa, lana oran jiray “ Maxamed AL-Marzuuqi” ayaa markaan u dhiibay dhambaalkaas intuu ku dhagagay igu yiri: “ dhambaalkaan joornaalka xiddigta Aktoobar ku daabac, waxaan yeelay taladuu I siiyay macallinku, waxaana la kulmay –alle ha u naxariistee- Axmed Cumar Azhari oo aad ii dhiiri-galiyay, abaal-marin lacag ahna igu siiyay markii dhambaalkaygii lagu daabacay joornaalka.

 Dr. Ashkir “ Maana-Faay” iyo “ Galti-macruuf” waa labo riwaayadood oo Soomaalidu aad u taqaan, wax inooga sheeg sirta ku duugan caan-baxooda?

“Maana-faay” oo ah qiso-faneed casri ah oo Af Soomaali ku qoran tii ugu horreysey iyo qiso-faneeddii ku xigtey ee “Galti-Macruuf” labadaba caan-bixiddooda aan caadiga ahayn xeeldheerayaasha suugaanta darsaa sababaha ay u aaneeyeen waxaa ka mid ah sida ay akhristaha u soo hordhigayaan sawir uu iska dhex ari karo, kana arki karo nolosha dhabta ah ee mujtamaca Soomaaliga ah, dhanka samaha iyo dhanka xumaha halista ku ah jiritaanka bulshada ee ay kashifayeen sheekooyinkaasi.

Sababta kalena waa habka casriga ah ee ay u qoran yihiin iyo farsamooyinka fanniga ah ee heerkoodu aad u sarreeyo qof kastana soo jiidanaya. Markii uu dhacay burburkii iyo qaranjabkii Soomaalida ee wax kastaa burbureen waxaa ii muuqatay in sida jiritaanka ummadnimo ee dadkan lagu badbaadin karaa ay tahay oo keliya in la badbaadiyo afkooda iyo hayb-dhaqameeddooda. Sababtaas ayaa igu kalliftay inaan anigoo qurba-joog ah bilaabo qayla-dhaan aan waxgaradka Soomaaliyeed ku baraarujinayo, af iyo qoraalba, qiimaha uu ugu fadhiyo afkooda iyo dhaqankkodu, halista ku soo fool yeelatay iyo waajibka ka saaraan inay badbaadiyaan, hadday doonayaan inay badbaadaan.

 Aaladihii ama mu’asasaadkii aan u asaasay in hadafkaas lagu fuliyo waxaa ka mid ahaa Hal-abuur, wargeys-xilliyeedka Dhaqanka iyo sugaanta Soomaalida, oo an London ku aasaasay 1993kii; Naadiga PEN ee qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) oo an asagana London ku asaasay 1996; iyo Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Dr. Ashkir: Iminka maxaa qorshehaagu yahay oo aad damacsantahay, ma jiraan buug aad ku hawlantahay curintooda?

Dr. Afrax: Waxaa jira buuggaag kala duwan, oo ku kala qoran saddexda af ee aan wax ku qoro, Carabi, Soomaali iyo Ingiriisba, oo qaar ka mid ah an qoraalkooda mar hore dhammeeyey sixitaan an badnayn mooyaane, haddana aan wali la daabicin. Waxaa kaloo jira buuggaagtaydii hore oo muddo dheer dadku baafinayeen oo waayeen meel ay ka helaan, maadaama ay mar hore dhammaadeen, sidaa awgeed loo baahan yahay in dib loo daabaco si ay u helaan da’yarta iyo daneeyeyaasha kaleba. Hammiga hadda iigu weyn waa inan ku dadaalo sidii loo soo saari lahaa buuggaagtaas.

Dr. Ashkir: Aad ayaad u mahadsan tahay Md. Afrax, fursada aad ii siisay in aan ku waraysto.

Dr. Afrax: Adigaa muddan Ashkar.

Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir)
Email: [email protected]
——
Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.