Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waa maxay ‘Jacbur’? Ragga jacburka tiriya se maxaa aynu ugu yeernaa?

W/Q: Cabdirisaaq Baraag

Hordhac

Waxa aynu doonaynaa in aynu qormadeenan ku faaqidno qayb ka mid ah maansadeena. Waa ‘jacbur’. Labo dhan ayaynu ka eegaynaa. Dhanka hore oo ah waxa aynu eray ahaan ‘jacbur’ u aqoon jirnay iyo dhanka labaad oo ah waxa aynu ‘jacbur’ suugaan ahaan doonayno in aynu u aqoonsano. 

Dhan 1 | ‘Jacbur’ Qaamuuska Af Soomaaliga ee 1976 waxa uu ku qeexay ‘wax si qaab xun isugu rakiban’. Eraygu waa lammaane magac. Waxa uu ka kooban yahay ‘jac’ oo uu isla qaamuusku 3 micne oo uu siiyay midkood yahay ‘ceeb weyn’; iyo ‘bur’ oo iyana isla qaamuusku 4 micne oo uu siiyay midkood yahay ‘qaar/cad yar’.

Qoraha buugga AFTIRSIINTA ERAYGA AF-SOOMAALIGA, Mudane Caliqayr M. Nuur, oo aan weydiiyay ayaa aad u dhuuxay asalka iyo salka erayga. ‘Jac’ waxa uu ku sheegay ‘hoos u diisan’. ‘Bur’ waxa uu ku qeexay ‘kor u taagan ama soo kuusan’. Israaca labada eray ee ‘jac’ iyo ‘bur’ waxa ay markaas noqonayaan ‘diisdiisan oo aan hal si u qaabaysnayn’. Sidaas darteed ‘jacbur’ waxa aynu eray ahaan ku qeexaynaa ‘hadal aan qaab wanaagsanayn oo la isku keenkeenay’. 

Dhan 2 | ‘Jacbur’ Qaamuuska Af Soomaaliga ee 1976 waxa uu mar siiyay micne suugaaneed. Waa midka kowaad. Waxa uu yiri 1) ‘(Suugaan), gabay ama wax la mid ah oo ulakas loo deelqaafiyo’. Waxa uu ula jeedaa ‘si aan wanaagsanayn oo kas ah loo qalloociyo’. 

Waa halkan meesha aynu u socono. Waxa aynu doonaynaa in aynu darisno magaca ‘jacbur’ suugaan ahaan waxa uu yahay. Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’ oo aan dhawaan weydiiyay haddii ay jiraan wax uu ka garanayo ‘jacbur’ waxa uu ku sheegay ‘gabay miisaankiisu hagaagsanyahay, aan se xarafraac lahayn’. Erayadiisa waxaa ku jiray ‘qaafiyad’. Waxa uu kaga jiray halka aan hadda galiyay ‘xarafraac’. Maxaa yeelay isugu waxa uu ‘qaafiyad’ u yaqaan waxa uu Gaarriye u yaqaanay ‘xarafraac’ aanan aniguna ku raacsanahay sida dambe, kan dambe. Idaajaa, waxa uu ku sheegay in jacbur waagii hore la oran jiray ‘gabay-xaar’. 

Hadda ba, waa maxay ‘jacbur’, suugaan ahaan? 

Jacbur waxa uu leeyahay saddex macne. Waa saddex micne oo kala horreeyay oo midba mar aan anigu helay. Sidaas darteed, waxa aan u kala hor marinayaa sidii ay iigu kala soo hor mareen ee aan u kala hor ogaaday.

#1 | Jacbur Hore: Waa waxii ‘jacbur’ loo yaqaanay markii ugu horreeysay ee uu suugaanta soo galay. Jacbur waxaa loo yaqaanay ‘suugaanta dumarka’. Wax kaste oo ay tiriyaan sida gabay, geeraar, hees iwm waxaa la oran jiray ‘waa jacbur dumar’. Sababta oo ah dhaqankeenu dumarka waxa uu u yaqaan ‘qof dhimman’ ama ‘nin barkiis’. Looma quuri jirin in ay sida ragga oo kale maanso shin ah tirin karaan. Waxa uu eraygu la bah yahay erayga ‘buraanbur’ oo isna taban. Waa maxay ‘buraanbur’? 

Caliqayr, isirka erayga sidan ayaa uu u faaqiday. ‘Buraan’ waa ‘kuraan ama taag’. ‘Bur’ waa ‘soo taagan ama kuusan’. Israaca labada ee ‘buraanbur’ waa soo celcelinta ama soo laalaabashada labo eray oo isku micne ah sida kuuskuusan, buurbuuran, faahfaahsan iyo taagtaagan. Waa la oran karaa kuusan, buuran, faahsan, taagan, iwm. 

Sida Caliqayr ii sheegay, asal ahaan eray ahaan waxa uu ‘buraanbur’ ahaan jiray ‘cayaarta ama dheesha ariga siiba aaranka’. Marka maansada uu soo galay eraygii ayaa xiriir laga dhaxaysiiyay ‘cayaartii aaranka ariga’ iyo ‘cayaarta dumarka’ ee aynu ‘buraanbur’ u bixinay. Sababta oo ah labadaba waxaa ku jira ‘boodbood’ ama ‘ka cayaaris addimada’. 

Haddii aad u fiirsatid, ‘buraanbur’, waa godka ugu badan ee dumarku ka maansoodaan. Mararka qaar waxa aad arkaysaa tix buraanbur ah taas oo tiirarka maansada oo dhan ilaalinaysa. Xarafraac, habraac iyo/ama qaafiyad ba. Sidaas oo ay tahay, xeerarka buraanburka ee Dugsiga Gaarriye waxaa ka mid ah in aanu wax gaf ah ku dhicin qof haddii uu ka baxo ama jabiyo xarafkii uu buraanburku ku socday. Taas micnaheedu waxaa weeye in ay isku mid yihiin buraanburka jaban iyo midka aan jabnayn marka loo eego xeerarka maansada. 

Hadda ba, ‘buraanbur’ aynu ku micnayno ‘qaar ah aruuris’. Qeexid ahaana, ‘jacbur’, aynu u dayno in uu ahaan jiray ‘maansada dumarka’. 

#2 | Jacbur Dhexe: Maansadu waxa ay leedahay tiirar lagu ilaaliyo badqabkeeda oo lagu minqaado in ay jaban tahay iyo in kale. Waxaa ka mid ah ‘habraac/habdhac’. ‘Jacbur’ waa ‘gafka dhaca goorta habraacu jabo’. Tusaale, barahaygii suugaantu, mudane Max’ed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’, waxa uu i baray in habdhaca hoose ee aan asteeyay la kabay si in maansadaasi jacbur noqoto looga fogaado: 

  • Alif la kor dhigay
  • Alif la hoos dhigay
  • Alif laa* goday 

‘Laa* goday’ wax jira ma aha ee waxaa weeye ‘la goday’. ‘a’-da kale sababta loo keenay ayaa ah in aan gaf dhicin oo laga dheeraado in maansada habdhaceedu kala gaabto. Sidaas darteed, suugaan ahaan ‘jacbur’ aan mar kale ku qeexo ‘gafka dhaca goorta habdhaca maansadu jabo’. 

 #3 | Jacbur Dambe: Waa halkan meesha aan u socdo ee aan qormada oo dhan u qoray. Waxa aan rabaa in aan madaxyada maansada ku daro wax la yiraahdo jacbur oo aan 5 madax ka dhigo halkii ay awal 4 madax ii ahaayeen. 

Maanso:

  1. Gabay 2. Geeraar 3. Buraanbur 4. Hees 5. Jacbur

Hadda ba, waa maxay ‘jacbur’? Jacbur waa ‘hal suugaaneed duran’. Inta badan, si ula kac ayaa loo kala dhantaalaa. Suugaanyahanka ugu caansaan jacburiyiintu waa Cabdulaahi Macallin Axmed ‘Dhoodaan’. Isaga ayaa jacburka si toos ah oo bareer ah u abuuray, u badiyay, u faafiyay oo u suuq geeyay. Waxa uu jacburka ku soo daray qaybta ugu weyn. Mar waxa uu yiri: 

  • Gabar suuqa mulacyaysa oo diidda gurigooda 
  • Nin bajeero tumasho sitoo waalan baa heliye 
  • Markii ay lammaanaato ayuu dhaar ka marayaaye 
  • Markaasay ilmaysaa sidii ruuc basbasbaas gubaye
  • Iyadaa is balaysaye maxay qaaddi kaga roori? 

Kani waa gabay. Waa se gabay jacbur ah. Haddii aad u fiirsato, gabaygu waa laba dhacayaa oo hojis iyo hooris ba waa uu leeyay. Meeriska ah ‘Gabar suuqa mulacyaysa oo diidda gurigooda’ haddii meeris labaad looga dhigo ‘Nin garruun tumasho sitoo gaaban baa heliye’ waxa ay noqonayaan labo meeris oo gabay ah oo toosan. Sidaas darteed, gabaygani waxa uu jacbur ku noqday 1) xarafraaca oo jaban. 2) Iyo micnaha gabayga oo toos loo duray si loogu yar qoslo. 

Qof kale oo gabay jacbur ah tiriyay waxa uu yiri: 

  • Jirri dhalacad guursaday oo tuulo ku aroosay 
  • Oo laba darmuus iyo firaash xoolo ka ag jooga
  • Soo bookhasho mooyee ninkii yarad u doontow ha’

Mid kale waxa uu yiri: 

  • Caydiid markay qoonsadeen qaramadii Naato 
  • Gaaladii la soo dhoobay ee dirirta loo keenay
  • Iyo kuwo Muslim ah oo la yiri xoojis ku ahaada 
  • In kastoy madaafiic rideen mootar iyo kaare 
  • Oo ay diyaaradi cirkaas siigo kicinaysay 
  • Laga saari waa!

                      -Axmed-Gabay

Mar kalena isla Axmed-Gabay waxa uu yiri: 

  • Dismiskii mindida laga dhigay ee hilibka loo qaatay 
  • Goyn waa! 

Afarta madax ee kale maansada sida gabay, geeraar, buraarbur iyo hees ba waa la jacburin karaa. Iyo waliba qaar ka mid ah madaxyada murtida. 

Hadda ba, maxaa aynu ugu yernaa ninka jacburlowga ah ama jacburka tiriya ee ku caanka ah? 

Qofka gabya waxaa la yiraahdaa ‘gabayaa’, qofka geeraara waxaa la yiraahdaa ‘geeraarshe’, qofta buraanburta waxaa la yiraahdaa ‘hebla buraanbura’, qofka heesa na ‘cayaartoy’ ayaa la oran jiray. 

Anigu waxa aan qabaa ninka jacburka tiriya in aynu u aqoonsano ‘Qaryaan’! Sabab? Jacburiyiinta midkii ugu weynaa, Dhoodaan, ayaa isagu isu bixiyay ‘Qaryaan’! Oo waa maxay ‘Qaryaan’? Waxa aynu naqaan eraygan mid ay isku isir yihiin aad na ay isugu dhaw yihiin oo la yiraahdo ‘Qaryad’. Qaryad waa ‘dumar’. Waa dheddig. Waa kan Hadraawi geeraar ku leh sidan: 

  • Qaranimadu waa tii 
  • Qoorgooyo laqaniyo
  • ‘Qaryad’ weer cad xiratiyo 
  • Lagu helay qisaastee
  • Hadmaa qaabkan loo rogay? 
  • Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’, QUDURO

Meel kalena waa kii ku lahaa: 

  • ‘Qaryad’ geel ku maqanyahay
  • Maryaheedu giir ma leh
  • Gayngayna kuma dhaco
  • Waa garays xirxirantahay
  • Wayna guudad bilantahay 
  • Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’, KALAGURAN

Sidaas oo kale, aqoonyahanada qaar ayaa qaba in uu jiro wax la yiraahdo ‘af jaaqeen’ kaas oo ka mid ah afguriyada Soomaaliga. Dadka qaar ayaa isku af garta sidaas darteed na xantooda ku qarsada. Erayada soo socda sida kale ee aan u dhigay ayay u yaqaaniin: 

  • Madax = Barkhin 
  • Nin = Qaryad (lab) 
  • Naag = Aswaan 
  • Lacag = Makaabuur 
  • Wax xun = Shaa
  • Wax fiican = Niiq 
  • Geel = Jindheer 
  • Guri = Yaqool 
  • Qori = Bullaaliye 
  • Rasaas = Ilgan 

Halkaas waxa aynu ka soo dhiraandhirin karnaa in ‘Qaryad’ oo dheddig ah ay ahaan jirtay ‘dumar/naag’ iyo sidaas oo kale in ‘Qaryad’ oo lab ah uu ahaan jiray ‘rag/nin’. Halkaas ayay ila tahay in uu Dhoodaan ka keensaday magaca ‘Qaryaan’ oo uu waxkabaddal kooban ku sameeyay. Waxa uu u ekaysiiyay ‘abwaan’. 

Sidaas darteed, waxaa inoo dhuroobay:  

  1. ‘Qaryad’ oo dheddiga ah in aynu u bixino oo si rasmi ah ugu yeerno ‘dumarka’ maansooda siiba kuwa buraanbura. 
  2. (2)‘Qaryaan’ oo lab ah in aynu u bixino oo si rasmi ah ugu yeerno ‘ragga’ jacburka tiriya. 

Fiiro Gaara: Erayada ‘Qaryad’ oo lab ah iyo ‘Qaryad’ oo dheddig kuwaas oo aan midna ka soo dhiraandhiriyay maansooyinkeena midna aan ka soo dhiraandhiriyay af jaaqeenka, waa ‘isku-dhigid, kala-dhihid iyo kala-micne’ sida ‘inan’ oo lab ah iyo ‘inan’ oo dheddig ah. 

Dhammaad. 

W/Q: Cabdirisaaq Baraag | [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.