Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Taxanaha Tarjumada Af Soomaaliga ee buugga GUBAN: Cutubkii 4-aad Shirkii Garbacasta

Qore: Cabdiladiif Cige
Tarjume: Boodhari Warsame

Odaygii waxa uu soo gaaray gurigii waynaa ee uu deggenaa ninkii ay tolka ahaayeen ee sarkaalka sare ee millitariga ahaa. Guriga waxaa dhooban askar dharcad ah.  Odaygii ayay salaameen markii uu guriga u sii dhaafayay, maadaama ay u yiqiinneen nin guriga wax badan soo booqda taliyahoodana ay tol wadaagaan. Odaygii waxaa lagu duway ardaa yar oo loogu talagalay in ay ku sugaan dadka doonaya in ay la kulmaan sarkaalkan muhiimka ah. Halkaa ayaa shaah loogu geeyay intii uu sugayay. Muddo aan sidaa u dheerayn ka dib, waxaa isaguna ku soo biiray Cabdi oo macawis Soomaal ku xarragoonaya. Dabadeed, odaygii ayaa salaan ku bilaabay, ”war  iska warran?” Cabdina waxa uu kaga jawaabay, “waa aan iska fiicanahay.” Odaygii ayaa sii waday, ”Ilaah mahaddi, gurigaygii waa lagu wada ladnaa. Laakiin gurigii Xoogsade, ganacsadihii ina’adeerkaa ahaa, musiibo deg deg ah ayaa maagtay. Xaaskii Xoogsade ee Tusmo ahayd ayaa mar uun saacad laga joogo ii timid oo ii soo sheegtay in Xoogasade iyo Abukar, ilma adeerteen, labadiiba gaari millitary lagu qaatay. Halka la geeyay, sababta iyo waxa dhibka jiraa uu yahay waa waxa i keenay ee aan kuugu imid in aan ku arko isla markii ay gabadhu iga tagtay.”

Sarkaalkii afkaa kala tegay oo arrinkii ayuu u qaadan waayay! Si qayaxan ayay taasi wajigiisa uga muuqatay. Waxa ay ku noqotay sidii tummaati ay haleeshay ama dharbaaxo meel jaan kaga timid ay ku dhacday. Waxaa ka soo hadhay uun ”Hmm!”,  isaga oo xoogaa maskaxdiisu dawaaf ku dhaaftay odaygii hor fadhiyay. Dabadeed inta kursigii ka istaagay ayuu odaygii ku yiri, ”i sug, arrinkan anigaa ka salgaaraya e.” Dabadeed, qol kale ayuu tegay oo bilaabay in uu taleefan diro.

”Qofka hadlayaa waa Taliye Bixiye. Iigu dhiib taleefanka taliyaha ugu sarreeya ee xerada haysta.”

”Haye!” ayaa ka yeedhay dhanka kale ee haatufka. Markii loo gudbiyay ayaa waxa uu maqlay taleefankii taliyaha sare oo dhowr mar dananay, dabadeedna waa laga qabtay.

”Waxa kula hadlayaa waa Taliyexigeenkii. Taliyihii sare xaruta ma joogo hadda.”

”Haa, Taliyexigeen. Waxa aan doonayay in aan ogaado cidda soo xirtay nin ganacsade ah galabta, sababta loo soo xiray, iyo halka ay geeyeen intaba. Yaa amarka lagu soo xiray baxshay? Isla saacad gudaheed ayaan doonayaa warbixin buuxda in ay gurigayga igu soo gaadho. Taliyexigeen, hadde waa ku sugayaa ee ogow!”

”Haye sarreeye, isla hadda ayaan ku dhaqaaqayaa hawshaa.”

Dabadeed, waxa uu ku soo laabtay odaygii oo halkii shaah iska fiiqsanaya, sida ka muuqatana ay wali ku taagantahay arrintii dareenka laheyd ee loo soo sheegay. Waa uu ag fariistay oo bilaabay in uu la sheekaysto odaygii. Odaygii ayaa dabadeed sidii ay u sheekaysanayeen hal mar ah la soo booday, ”xaggee hadda wax marayaan?” Xoogaa ayuu yara aammusay oo markaa u bilaabay in uu odayga uga warramo wixii hadda dhacay.

“Sida aad u yaabbantahay ayaan aniguna kaala mid ahay. Ma garanayo halka wax si ka yihiin. Millitarigu ma qabto shaqada booliiska loogu talagalay!”

“Haddaba, tabtaa ayay ahayd wixii galabta dhacay. Waxa aniga iga sii yaabshay waa waxa Maxamed loo abbaaray, dad fara badan-ne? Waxa aan maqlay in dad siyaasiin ah oo taliska hadda jira si qayaxan uga soo horjeestay inta la soo qabtay la laayay, laakiin bal muxuu galabsaday nin aan dhammaanteen u wada naqaan ganacsade Alle ka baqa oo miskiin aan sharciga jebin dambina lahayn ah?”

“Wax jawaabo ah hadda ka ma bixin karo su’aalahaa, laakiin bal aan xoogaa sugno. Waxa se aan hubaa in arrintani sabab leedahay.”

“Hadda maxaynnu yeelnaa?”

”Dee waxba, ilaa aan sida wax yihiin kala ogaanaynno!”

”Farax ii ma lahayn aniga markii aan maantadii hore arkay argagaxa ka muuqday wajiga xaaskiisa. Ii la ma ekayn arrin ku sal leh khaladaadka iska dhaca ee laga fisho askari wareersan iyo waxa la midka ah ee waa arrin waxaa oo dhan ka wayn, maxaa yeelay; waxa uu ahaa ganacsade magaaladan caan ka ah oo yar iyo wayn la wada yaqaan. Nin sidaa oo kale ahna askari derajo hoose ama amid sareba lehi sidaa sahlan isaga ma xiri karo, maxaa yeelay; Soomaal si wanaagsan ayay u yaqaannaan milgaha uu mudanyahay nin Xoogsade oo kale ah iyo waliba ninkaa oo kale waxa tol uu yahayba uu ugu fadhiyo.

Waxaa noo cad in ciddii falkan ku kacdayba ay si qumman uga war qabtay waxa ay kaga falcelin karaan ee kaga iman kara xigtadiisa madaxda sarsare ah. Waxaa taa dheer, saaxiibbadiis waxay ahaayeen dad la yaqaan oo manfac iyo mansabba leh. Waa arrimahaa kuwa murugada iyo yaabka igu hayaa.”

”Aniga ruuxaygu waxyaalahaa aad ka sheegtay aad ayaan uga warqabaa, hase ahaatee dooni maayo in aan ku degdego aniga oo aan kala hubsan sida wax u jiraan. Been ayaan kuu sheegay haddii aan ku iraahdo ruuxaygu ka ma aragagixin warkan dareenka leh, waana run oo anigababa waa i gubaysaa in ina’adeerkay aniga oo aan dhiman dheeraynna xabsi la isaga taxaabo. Waxaa kale oo aan kugu raacsanahay in ciddii falkan ka dambaysayba ay anigana i maaggantahay. Si ay noqotaba se, bal aan dhawrno inta aan ka ogaanayno sida ay wax u dhaceen.”

Halkaa marka ay xaajo marayso ayaa qof shaqaale ah oo dheeraynayaa yimid. Taleefan soo dhacay ayuu ugu yeeray.

”Halow Taliye Bixiye!”

”Haa, waa Taliye Bixiye qofka kula hadlayaa.”

“Ninka shacabka ah ee magaciisu Maxamed Xaaji Xaashi yahay waxaa amarka lagu soo xiray baxshay taliye Cali Dheere oo ka socda qaybta ciidanka sirdoonka. Intaa ayaa war ku dhanyahay.”

Warkii ayuu kula soo laabtay odaygii sugayay oo u sheegay halka amarku ka soo fulay, hase ahaatee warka uu hadda hayaa intaa ku dhanyahay.

“Hadda ayaan u socdaa in aan haleelo Cali Dheere oo waxan aan la qaadan karin ka salgaaro. Iska bax hadda oo gurigaagii ku laabo. Aniga ayaa cid kuu soo diraya adiga iyo odayada kaleba ee soo kaxaysa, haddii la idiin baahdo. Caawa waa in aynnu shir ballaaran yeelannaa.”

Sidaa ayuu inta odaygii gawaaridii midkood ugu daray u yeertay kabtan kaaliyihiisa goobta ahaa, oo inta fooqa sare aaday labbiskiisii ciidanka oo buuxa isku boobbay. Waxa uu isku taagay iskujoog si wacan u feeraysan oo xiddig dhalaalaysa iyo kulleeti dhiin cas ahi ku astaysanyihiin, si ay cid walba ugu muuqdaan garaaddihiisa jananka iyo calaammada aan la garan waayin ee cududda kaga xardhan. Markii uu inta hoos u soo deggay uu barandadii bannaanka uga soo joogsaday ayay dhammaan askartii aqalkiisa joogtay wada joogsadeen oo mid walbaa digtooni bartiisa is ligay.

Waardiyeyaashii barandada hor taagnaa inta banaatiikhdii shabbaax calaacalaha la dhaceen ayay iyagiina digtooni is wada liqdaareen. Gaari qafilan oo isna meel in yar u jirta hoganayay ayaa isla markiiba albaabka dambe janankii loo ballaqay, halkaa oo uu isagiina kursiga dambe sal muggi isku dhereriyay. Kabtankii ayaa dabdeed xagga kursiga hore soo fariistay, darawalkiina waxa uu daaha ka rogay calankii janananka ee ahaa casaan xiddig qur ahi ay dhexda kaga astaysantahay. Waxa sidaa oo kale oo uu daaha ka rogay taargooyinkii dambe ee iyagana bir xiddigi ku summadantahay ah. Waa sida uu ahaa baratakoolka millitarigu e, si loo muujiyo in gaadiidka janan taagtay oo aan hortiisa la mari karini uu saaranyahay.

Halkan ka akhri Guban- Cutubka 4 raad:Shirkii Garbacasta

La soco Cutubka 5-naad.

Boodahri Warsame
Email:[email protected]

____________

Halkan ka kahriso:

Guban:Taxanaha tarjumada buugga GUBAN- Cutubka  1aad-  Dhaamiso

Guban:Taxanaha tarjumada buugga GUBAN- Cutubka  2 aad-  Xabsi

Guban:Taxanaha tarjumada buugga GUBAN- Cutubka  3aad-  Tolka

————-
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.