Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Taxanaha Aadan Makina: Maandeeq Weli Mey Dhimman

W/Q Adan Makina

Dhurwaaga ama waraabuhu waa bahal xeelad badan. Inkastoo inta badan uu ku noolyahay waxa xayawaanaadka kale ay dilaan sida libaaxa, haramcadka, iyo shabeelka, dhurwaagu sidiisaba waa bakhti-quute. Ayadoo ay sidaas tahay, ayuu haddana ku xeeldheeryahay weerarka iyo khayaanada uu kula kaco xayawaanka kale ee aan is difaaci karin sida geella, lo’da, iyo adhiga intaba.

haliyonirigHaddaba beribaa dhurwaa weerar ba’an ku qaaday hal iyo nirig meel iska daaqaya oo warmoog ahaa. Intuu argagixiyay labadii is dhalay, ayuu midba dhinac u eryay. Nirigtii ayuu bishimaha ka goostay; hashiina candhada ayuu qardam ka siistay. Markaasuu intuu madax madax isku tuuray oo qosol la dhacay, yidhi: “maxay ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa”, oo ula jeedadiisu ahayd, haddiiba nirigtu bishimihii go’anyihiin, maxay haysaa oo ay ku nuugtaa naasaha hooyadeed. Teeda kale, maxay ka nuugi hooyadeed haddiiba hooyadu candho ku oolin oo ay go’anyihiin.

Anigoo tusaale usoo qaadanaya dhacdadaasi dhurwaaga, ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan arrimaha Soomaaliya wax ka furdaamiyo. Haddii aynu bidhaansanno sida wax uga socdaan Soomaaliya, waxaan odhan karraa hashu waa dalka, nirigtuna waa dadka, candhaduna waa Xamar, dhurwaaguna waa kuwa xumaanta u horseedaya dalka iyo dadkaba.

Hashii Maandeeq ahayd, oo dalka Soomaaliya ah, naasaha ama candhada ayaa go’an. Xanuun aysan u adkeysan karin ayay la ildaranathay, wax daawo ahna looma hayo. Dawadu waa xeeladihii, tabihii, ama maareyntii lagu xalin lahaa dalkani masiibada aafeysay. Waddankii Maandeeq ahaa wuu is dhex daadsanyahay oo maamul iyo maareyn ayaa ka maqan. Gees kasta waxaa asiibay fowdo iyo farosaar. Waxaa hashii Maandeeq ahayd had iyo jeer lala dhacayaa qoryo fudfudud iyo kuwo culays badan. Nidaamkii oo maqan awgeed, Maandeeq waxba isma tari karto. Waa dhaawac; waa naf-laf-caari; wey sumeysantahay; waxay u dhowdahay geeri.

Kuwii maareyn lahaa oo ah dadweynaha, waxay matalayaan nirigtii sida ba’aneyd loo dhaawacay ee bishimihii ay wax ku nuugi lahayd laga goostay. Waxay garan la’yiin sidii ay wax u hagaajin lahaayeen. Iskuma kalsoona oo waxaa ayagana dhib ku haya kala daadsanaan, garasho iyo garaad yari, xatooyo, musuqmaasuq, wax-is-dabamarsi, hunguri, iyo aargoosi aan dhammaad lahayn.

Dadkii ama ummaddii Soomaaliyeed bishimaha ayaa go’an oo jeermi halis ah ayaa ka quudanaya afkii lagu doodi lahaa illeyn jeermiga ishu ma qabatee. Xanuunka nirigta haya waa tan dadka iyo adduunweynuhuba wax ka qaban la’yihiin. Waa xanuun aan dawo lahayn xilligan aynu joogno. Qaxootinimada, dilalka qorsheysan, isqarxinta, dagaalka lagu riiqmo had iyo jeer, umulo dooxa, kufsiga, barakaca, gaajada iyo harraadka, is-dex-yaaca falsafadeed, iyo dhibaatooyinka faraha badan waa tan ay la xanuunsanayaan dadkii oo ah nirigtii bishimaha go’neyd.

Candhada waa caasimaddii Muqdisho aheyd. Candhadii ay nigrigta nuugi lahayd (haba iska liidatee) wey buktaa oo dhiigeysaa. Qanjidhadii, seedihii iyo xididdadii, ayaa wada dhiigaya ama dheecamaya, Dheecaankaasina ma aha caano ee waa dareere wasakheysan oo aan la quudan karin. Ilmihii (waa dadkii ee) ayaa qatan oo gaajo udhimanaya. Xitaa haddii la daweyn lahaa, farsamadii lama hayo, lamana yaqaan falkeeda.

Dhurwaaga ama waraabaha waa kuwa madaxda ah ah ee dhibkan guud u geystay Maandeeq iyo nirigteedi. Qaswadeyaashan qaar waa Soomaali, kuwana waa deriskeena, qaarna waa dad ajaanib ah oo dawlado shisheeye matalaya. Wax dan ahoo wanaagsan oo ay waddanka ka leeyihiin ma muuqdaan. Waxay daneynayaan keliya danahooda iyo danaha waddamada ay metelayaan.

Sida keliya ee lagu daweyn karo waa ayadoo lagu sameeyo waxa afka qalaad loo yaqaan Plastic Surgery. Qalliinkanna ma ahan mid xilligan farsamayntiisa ay shacabka Soomaaliyeed garanayaan, wuxuuna suurtoobaya marka la helo dawlad loo dhanyahay oo ku dhisan caddalad iyo sinnaan. Markaa kadib ayun baa lala tacaali karaa sidii loo daweyn lahaa candhada Maandeeq iyo faruurta nirigta.

Adan Makina
WardheerNews
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.