Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaaliya kadib Carta: Kaalinta Maqan ee Hoggaamineed

W/Q: Cabdifataax Xasan-Barawaani

Hordhac

Muddo badan, aad u badan, gaar ahaan soddonkii sannadood ee u dambeeyay oo ay soo lammaaniso soddonkii ka horreeyay, Soomaaliya waxa ay la daaladhacaysay helitaan la’aanta, hanasho la’aanta iyo in aysan jirin cid buuxisa kaalinta hoggaamineed ee waddanka lagu dhigi lahaa meesha ku habboon, wax lagaga beddeli lahaa ama lagaga samatabixin lahaa dhibta iyo godka uu ku dhacay. Iyada oo ay jirtay maamulxumo baahsan, ku darsatay sharci la’aan maaddaama oo xukuumaddii sharciga ahayd ay afgembiyeen askartii Kacaanku, haddana kolkii isla jabhado hubaysan ay xididdada u siibeen xukuumaddii Kacaanka, xaaladdu waa ay isbeddeshay.

Shirweynaha Nabaddeynta Soomaaliyeed, 2000, Carta , Jabuuti

Waxaana Soomaaliya soo waajahay caqabado hor leh oo ka waaweyn, kana culus kuwii hore. Haddii muwaadiniinta Soomaaliya ay ka cabanayeen kolkii hore xukuumad rayid ah, oo dimuqraaddi ah, laakiin caddaaladdii, garsoorkii iyo xaqii ku tumanaysa oo aan buuxinin baahidii dawladnimo iyo qarannimo ee Soomaalida. 

Isla arrintaas oo uu abwaankii Soomaaliyeed, Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin), Eebbe ha u naxariistee uu lahaa:

Daab gudimo weli sooma jarin wiilashaan diray e
Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maysaane
Ummaddii daryeel weli ma helin daacadda ahayd e
Sidii bay u doonyaysan tahay damashii weyneyd e
Sidii bay duleeddada dhar li’i ugu dabjeexaane
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha e
Sidii baa duddada Aar dhaciyo Dacow u joogaane
Sidii baa Dagaalow biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii bay u dabagoosi tahay haradii Dooloode

Oo weliba dibindaabyo iyo diriri joogtaaye
Waa kaa dareersaday Amxaar dayr cadkii dhalaye
Dembi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaa
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii oon dayeysnahay miyaan dawgii ka hallaabay.

Abwaanku waxa uu tixdan oo magaceedu yahay “Saadaal” uu tiriyay dhammaadkii dawladdii Rayidka, afgembgii ka hor. Waxa uu ku sifaynayaa in weli dawladnimadii uu rabay uusan helin, weli hammigii iyo hiigsigii uu rabay aan la helin, kuna hungoobay laablakacii uu qabay kolkii hore. Dhinaca kale, jeerkii uu Kacaanku dalka qabsaday waxa haddana bilaabmay rejo iyo hungo kale oo laga qabey in Kacaanku dhaami doono, oo daldallooladii muuqday uu noqon doono midka gufeeya. Laakiin, ma dhacday sidii la naawilayay? May.

Kacaanku waxa uu camcamo oo aasaaso dhibta jirtaba, ugu dambeyntii waa uu ku fashilmay wax ka qabashadeeda. Ilaa uu ugu dambeyntii miciinsaday hub iyo xoog in lagu muquuniyo dareenka shacabka muwaadiniinta ah ee wax tabanaya. Isla arrintan, barayaal iyo hal-abuurro Soomaaliyeed oo toddobaatanaadkii la geeyay Dusiga Tababarka Millateriga ee Bootiko Xalane, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Mooge Liibaan, Hadraawi, Cabdi Qays iyo Gaarriye ayaa tixdan hoose qalin-daraaleeyay. Ka dib ayaa abwaan Cabdi Qays uu heesta la yidhaa “Abidkayba Waan Jiray” allifay una dhiibay hoobal Maxamed Mooge Liibaan, waxaana ay ahayd heestaasi midda uu ugu jeclaa heesihiisa hoobalku, maaddaama ay ahayd mid ka dhalatay dareen iyo waayo uu soo maray.

Amar dhacay haddaad Aaminaay igala ooyayso
Ma ogtahay abkay macallin baa meel ku awdalane
Ma ogtahay Indiyan owshankaan ku ag wareegaaye
Ma ogtahay anfacdaan cunaa ma laha iidaane
Ma ogtahay askari jaahilaan amar ka qaataaye                       
Ma ogtahay waxaan wersadaa odayga weeyaane.

Iyada oo bulshadu Soomaalidu ay labadaas kooxoodba salluugtay maamulkooda iyo sida ay u hagayaan dawladnimada. Ugu dambeyn shacabku waxa ay naf bideen in jabhado hubaysan lagu rido taliskaas. Maxaa ka dhashay haddaba taliska dabadeed? Labadii mushkiladood ee hore looga cabanayay, midi waa helidda dawladnimo sharci iyo caddaalad leh, iyo dimuqraadiyaddii uu Kacaanku afduubay soo celinteeda, ayaa waxa ku soo biirtay mushkilado cusub oo kuwaas horeba ka waaweyn, oo ah in la helo nabad, amni, dawlad uun, heshiis, iyo wax kale oo aan ku jirin maanka Soomaalidii jabhadaha abuurtay, ama rayidka diiddaneyd. Si fudud, waxa wax laga soo bilaabay gunta iyo sagxadda hoose. Waxa la filayay in kor looga kaco, la horumaro, waxna lagu biiriyo oo laga wanaajiyo inta yar ee la haysto, laakiin intii yareydna godka ayaa lagu hubsaday. Intaa ka dib, muddo toban sannadood oo colaado, qax, rafaad, dhac iyo boob iyo baaba’ oo dhammi uu Soomaalidii Jamhuuriyadda saameeyay, ayaa si niyadjab iyo yididiilaba leh la iskugu yimid Jabbuuti (Carta). Waxa la soo yabyabay oo la soo dhisay wax uun heshiis lagu yahay, oo la rabo in lagu gaadho halka la doonahayo. Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa madaxweyne noqday, Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku xigay, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kala wareegay, Xasan Sheekh Maxamuud baa kala wareegay, iyo hadda oo uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo joogo. Dad kalena jidka ayay ku soo jiraan, kuwaas oo raba kursigaas in ay ku fadhiistaan.

Haddaba, su’aasha mudan in la iswayddiiyo waxa ay tahay maxaa madaxdaas hore ay ugu fashilmeen gaadhidda iyo ka dhabaynta yoolkii la rabay, shacab ahaan iyo shakhsi ahaan isaga madaxweynaha ahiba?

Waa run in aanay bariis miisaynin madaxdaas hore oo ay shaqeynayeen, waxqabad muuqda iyo mid qarsoonba ku tallaabsadeen, halkaasna wax soo gaadhsiiyeen. Laakiin, haddana ma ku filantahay intani oo ma tahay intii laga sugayay ama uu isaguba ballanqaaday, tahayna wax uu qaban karayay haddii uusan hagranin? Se dhibaatooyinkaas kala duwan ee aynu qarni badhkiis ku jirno, maxaa sababay? Halkee ayay wax ka khaldanyihiin? Maxaa ay isu waafaqi la’yihiin rabitaanka gudaha ee muwaadiniinta ka dhex guuxaya iyo shakhsiga madaxda ah ee kursiga imanaya?

Is-waafaqid la’aantaas baa loo yaqaan “Hoggaanxumo, Hoggaan la’aan – Lack of Leadership, Failed Leadership, etc”. Waa dhibaato xididkeeda iyo gunteedu ku ururayaan hoggaan la’aan haysata waddanka. Ma aha hoggaan kasta, oo waddanku cid hoggaan u qabata ma waayin, laakiin waa in uusan helin hoggaankii ku habboonaa ee dubbaha ku dhufan lahaa halka sartu ka qudhunsantahay? 

1.       Qorshe iyo Fahan La’aanta

Waxa aad u baahsan oo ka jirta bulshada Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan kooxda siyaasiyiinta ah ee kursi-doonka ah, in ay yihiin dad aad u wacyi hoooseeya, keliya waxa u muuqda kursi, qabiilkiisuna kaga filanyahay in uu saaro. Wacyi la’aantaas ballaadhan baa horseedday in siyaasiga Soomaaliga ahi uusan kaba fekerin wax “Qorshe” iyo “Fahan” la yidhaa oo la xidhiidha dadka iyo waddanka uu kursiga ugu sarreeya ka doonayo. Fahan aad u badan oo gundheer, kaas oo isugu jira bulshada (Social) iyo dawladda ama Qaranka (State/Nation), haddaanad haynin marnaba ma jirayo qorshe aad yeelan kartaa. Qofku kolka uu fahansanyahay, ogaal buuxana u leeyahay shaley, maanta iyo berriba sida xaal yahay, ayaa uu qorshe ka yeelan karaa shaley wixii khaldanaa, maanta waxa khaldan iyo waxa berri ay doonahayso bulshadu.

Siyaasiga aan garanaynin taariikhda waddanka, sooyaalkiisa siyaasaddeed, burburkii iyo waxa shaley godka ka tuuray qarannimadii Soomaaliya, colaaddihii, dib-u-heshiisiintii, iyo gebi ahaanba xaaladda dhaqan-dhaqaale ee sida aadka u ballaadhan isu beddeshay, runtii mana garan karo halka uu wax ka bilaabi doono kolka uu kursiga ku fadhiisto. Muddadaas afarta sannadood ah ee uu joogo gebi ahaanba wax kasta waa uu kharriibaa, oo madaxa ayaa uu isu wada geliyaa, deedna waa uu ka dhaqaajiyaa. Kooda ugu liita waa midka isku deya in uu dhaqaalihii beesha caalamka iyo kii dalku lahaaba, ciidanka socod-baradka ah iyo sharciyadda dawladdeed uga faa’iidaysta in uu mar labaad isku sharraxo oo soo baxo.

2.       Jiritaan La’aanta Indheergaradnimada Siyaasaddeed

In kasta oo bulshada Soomaalidu aysanba si dhab ah u lahayn indheergarad bulsheed, kolka laga tago abwaannada oo ah iyagu cidda keli ah ee innoogu jirta kaalinta ‘Indheergarad”. Dadka barta waxbarashada casriga ee jaadadka kala duwan ah, weli waa ay ku fashilanyihiin abuuridda indheergarad bulsheed oo casri ah. Si kalena waa la odhan karaa, oo suugaanta iyo hal-abuurnimadu waa wax soo jireen ah, kolka la joogo bulshadeenna. Taas baa keentay in laga soo dhambalo oo la helo indheergarad suureyn kara oo farta aqoonta ku fiiqi kara halka sartu ka qudhunsantahay, laakiin aqoontan casriga ah waa innagu dool oo waa wax ku cusub bulshada Soomaalida. Aqoontii Soomaalidu lahayd, diinta iyo nolol-maalmeedkooda ku jaango’an dhaqanka iyo deegaanka wax kooban baa u raaci jirey, oo xeeblaydu ugu il roonayd. Lixdanka sannadood ee Soomaalidu kansho u heshay la dhaqanka dunida kale si toos ah, iyo in laga faa’iidaysto waxbarashada ummadaha kale, haddana weli ma hayno siyaasi aqoon iyo waaya’aragnimo u leh dawladnimada casriga ah iyo maamulka dimuqraadiga ah ee dawladaha lagu dhiso, innaguna hadda aynu ku hawlanahay dhismihiisa.

Siyaasiga Soomaaliga ahi waxa uu u badanyahay ganacsade hore, oday dhaqameed, qabqable iyo jabhad, xataa kooda waxbarashada kansho u helay ma uu baranin wax la xidhiidha dawlad, sida qaanuunka, xidhiidhka dibadda, dhaqaalaha, siyaasadda, maamulka dawliga ah. Waxa ay u badanyihiin dhakhaatiir, ganacsi, diin, injineerin, ciidan iyo askarnimo, beeraha, warbaahinta, iwm. Aqoon la’aanta seeska u ah siyaasaddana, waxa u sii raacay in aannu qofkuba isku lurin helidda waaya’aragnimo iyo aqoon toos ah ama dadban oo la xidhiidha siyaasadda iyo dawladnimada, muhiimba uma arko. Wax lagu dhasho ayaynu siyaasadda u haysannaa, oo aan aqoon iyo waaya’aranimo u baahnayn.

Sidaa darteed in la helo siyaasi aqoon u leh dawladnimada, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, bulshada iyo wax kasta oo la xidhiidha qarannimada, waa waxa aynu ugu yeedhayno siyaasi ka dhex tilmaaman siyaasiyiinta kale, loona garan ogyahay “Indheergarad siyaasadeed”. Kaas oo dhacdooyinka lafagur aqooneed ku sameyn kara, kala basrin kara caqabaha dawladeed, siyaasadeed, nabadeed, amni, dhaqaaleed iyo bulsheedba.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Soomaaliya kadib Carta: Kaalinta Maqan ee Hoggaamineed

Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.