Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SOOMAALIYA: BAAHIDA LOO QABO IS-AFGARAD SIYAASADEED OO CUSUB

Takhtar: intee lagaa haayaa, abooto? 

Abooto: waa leegu wada dhan yahay, takhtar.

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Waxaan soo dhoweynayaa maqaalkii 13kii Oktoobar 2022, Dr. Cabduraxmaan A. Baadiyow ku baahiyey WardheerNews. Maqaalkaas (REFLECTIONS ON SOMALIA’S POLITICAL DEADLOCK: THE NEED FOR A NEW POLITICAL DEAL) oo ku baaqay helidda is-afgarad siyaasadeed oo cusub.

Waxa kale oo aan Dr. Baadiyow ku hambalyeynayaa xilka loo magacaabay: la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dastuurka. Eebbe ha ku garab-galo. 

Run ahaantii, maqaalku wuxuu furay dood cusub oo wadatay su’aalo u baahan in laga jawaabo. Anigu se uma qalin qaadan in aan ka jawaabo weydiimahaas, laakiin waxaan ku darsan falanqayn sida aan u fahmay qoddobadii maqaalka.

 Aan ku billaabee, meerisyada ugu horreeya ee maqaalka wuxuu qalinku soo celceliyey “bulshada rayidka” oo ahaa kuwii u gogol xaadhay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Jabuuti, sannadkii 2000. Shirkaasi waa kii lagu unkay nidaamka caanka baxay ee afar iyo badh (4.5) oo uu diktoorku hadda raadinayo hannaan kale oo lagu beddelo. Haddaba, halkaa waxa ka soo bixi, kaftan ahaan, hal-qabsigii ahaa: jinni ninkii keena baa saara e’, bulshada rayidka ah ayaa looga fadhiyaa wixii lagu beddeli lahaa 4.5.

Teeda kale waxa maqaalku aad ugu nuux-nuuxsaday helidda doorasho hal qof iyo cod ah.  Doorashadu, sideedaba, waa waddo loo maro sidii lagu heli lahaa wakiillo shacab oo indhaha dadweynaha sharci ugu muuqata. Laakiin waxa doorashada ka horraysa hanashada xasillooni siyaasadeed iyo nabad buuxda. Qoraaguna midkaas kuma masuugin, waanu qiray in marka nidaam iyo xasillooni la helo ay dhici karto doorasho hal qof iyo cod ahi, hase-yeeshee soo celcelinta erayga doorasho ee qoraalka dhexdiisa ayaad mooddaa inay hadhaysay mudnaanta helidda nabad iyo xasilooni siyaasadeed.

Waxaan soo jeedin lahaa hannaanka doorashada ee dalku qaadanayo, ha ahaado mid maamul-goboleed ama federal bee, inay ku salaysnaato hannaanka doorashada wakiilashada saamiga tooska ah (direct proportional representation), goob doorashaduna noqoto heer gobol oo xisbi waliba ku taxo hal liis murashixiintiisa. Waa hannaanka hadda lagu doorto baarlamanka Somaliland. Doorashada baarlamanka ee dawladda federalka oo goob-doorashadiisa la geeyaa heer degmo waxay khilaafka bulshada ragaadiyey u celin doontaa deegaan hooseed ay jifooyinka reeruhu dhexdooda ku diriraan.

Waxa kale oo aan ka digi lahaa qaadashada nidaamka madaxweyne toos loo doorto, siiba maamul goboleedyada. Is-marin-waaga siyaasadeed ee maanta Somaliland ka aloosani wuxu ku arooraa nidaamka madaxtooyada. Soomaali waxa anfaca nidaam baarlamaani ah oo ku salaysan wada-tashi iyo talo-wadaag. Fadlan arag maqaal hore ugu soo baxay Wardheernews: Maxaa Laga Baran Karaa Doorashadii Ka Qabsoontay Somaliland 31-05-2021? – WardheerNews

Haddaba, haddii aysan suurtogal ahayn in la qabto doorasho qof iyo cod ah, muddada dhow, isla markaana laga maarmi karin, waxaan soo jeedin lahaa in xalka laga dayo dhinaca teknoolajiyada casriga ah ee dijitalka oo meel-marin karta in muwaadin kasta oo qaan-gaar ah oo moobayl lambar diiwaan gashan haystaa codayn karo, iyadoo lala kaashanayo shirkadaha adeegga internet-ka bixiya iyo khubarada ku shaqda leh. 

Maqaalku wuxu u nisbeeyey xasillooni darrada dalka ka jirta xagga Al-shabaab keliya, waxa se uu qalinka ka ilaaliyey joogitaanka ciidamada shisheeye. Su’aalaha halkaas ka dheegmi kara waxa ka mid ah: Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) ma dawlad maqaar- saar ah baa, mise waa dawlad xor ah? Hadday maya tahay, ciidamada shisheeye ee faraha ka batay maxay ka qabanayaan dalka? Inta ciiddamada shisheeye dalka joogaan, Al-shabaab heshiis ma lala geli karaa? Ogoow, waqooyiga Ireland waxay degtay markii dawladda Ingiriis la heshiisay IRA.

Waxa kale oo diktoorku inala wadaagay waayo-aragnimo uu ka soo tuujay muddadii dheerayd uu ku foogganaa siyaaasadda Soomaalida sida saamaynta taban ee is-ahaanta reer-nimadu ku leedahay dawladnimada Soomaalida, xalkeedana wuxu ka dhigay in fekerkii gumaysiga maskaxda laga saaro. Waa mowduuc faahfaahin badan u baahan, loogana fadhiyo Dr. Baadiyow iyo diktoorada kale ee Soomaaliyeed inay sharraxaad ka bixiyaan. Ka Sifaynta maanka fekerkii gumeystayaasha Yurub, waxay ka billaabantaa qormooyin ku dhigan luqad Afrikaan/Soomaali, sida uu qabo qoraaga caanka ah ee Ngugi Wa Thiong’o.

Waxaan qabaa in dawladnimadu tahay aalad loo samaysty in lagaga baxo tafaraaruqa sida is-ahaanta reernimada/qabiilka; qaranimaduna ku jirto hay’ado (institutions) la wadaago, loo wado siman yahay, sida helista ciidan qaran oo dalka oo dhan laga soo wada qoray, shaqaale dawladeed oo dalka oo dhan laga wada qayb-geliyey, nidaam lacageed iyo cashuur-ururin waddanka oo dhan ka dhexaysa iwm, isla markaana ka madax-bannaan faragelinta siyaasiyiinta.  Fekerka dawliga ahi waa inuu noqdo ilaalinta hay’adahaas la wada leeyahay, lagana tirtiro maanka damaca keli-qabsashada qaranka (state capture) ee koox ama reer. Dalku Xamar ka weyn.  

Qoddob kale oo aan is-leeyahay maqaalku wuu ka tegay waa: doorka Somaliland (SL) laga siinayo dastuurka nidaamka federalka ah. Macnihii Somaliland ma xubin maamul goboleedyada ka tirsan baa mise ma aha? Haddii ay haa tahay, yaa Somaliland ku metela dhammaystirka dastuurka cusub? Hadday maya tahay-na, maxay kursi ugu yeelan waayeen golaha wada-tashiga qaranka? Kol haddii kursigaa loo waayey Somaliland, sow aqoonsi sida u yaala ma aha? 

Isku soo wada duuboo, maqaalku wuxuu ka dayriyey in muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax isbeddel ahi dhaco, marka ay timaado xal u helista nidaam cusub oo dawladeed oo beddela ka hadda jira sida: hannaanka awood qaybsiga ee 4.5, nidaamka federalka ee maamul goboleedyada; iyo hanashada xasaillooni buuxda oo dalka wada gaadha 5ta sanno ee soo socda. Cinwaanka maqaalka ayaa tilmaamay in geedi-socodkii siyaasadeed soo oodmay. Runtu rag waa ka nixisaa, waxse ma yeesho. 

Gebagabadii, maqaalku wuxu soo jeediyey su’aalo muhiim ah. Su’aal sax ah inaad is-weydiiso oo aad jawaab khalad ah bixisaa, dhib ma leh; mar uun baa, Ilaah idankii, jawaabta saxda ah la heli; waxay ka wacan tahay inaad mar walba su’aal khalad ah is-weydiiso. Ilaah waxan ka rajeynayaa in su’aalaha Dr. Baadiyow yihiin kuwii saxda ahaa, mar uun baa jawaabta saxda ahayd loo heli. Insha Allaahu.

Soomaali dhibka haystaa ma tiro yara, waa shacab lagu wada dhan yahay sida ay ku tiraabtay abootada qoraalkani ku billaabmay. U dhabbo-galka xalka yaan laga daalin. Alloow noo sahal amuuraha. Eebbe ayaan magansanay.

Wa Billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.