Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaa Laga Baran Karaa Doorashadii Ka Qabsoontay Somaliland 31-05-2021?

Geeddi-socodka doorashada golaha wakiilada ee Somaliland (SL) wuxu soo jiitamayay tan iyo 2010kii, waxaanu soo xirmay 3dii Ogosto 2021, markii loo doortay Cabdi-Risaaq Khaliif guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada ee xubnihiisa ku soo baxeen doorshadii dhacady 31dii bishii Maajo 2021.

Runtii wuxu ahaa geeddi dheer oo gebi-dhaclayn, xanaf iyo dhib badan laga soo mutay, tusaale-na u ah sida dadka Soomaalidu meel ay joogaan-ba doorsho dawli ah, sideedaba, inoogu adag tahay. Gol-daloolooyinkii hayaankaas dheer qaarkood waxaan hore ugu ugaga hadlay maqaal ku soo baxay Wardheer News.

Haseyeeshee, su’aasha qormadani soo jeedinaysaa waa: maxaa shacab weynaha Soomaalidu ka baran karaan doorashadaas? Waxa uu maqaalkani isku deyi inuu kormar guud ku sameeyo gaabiska ku jira hannaanka doorashooyinka Somaliland. Runtiina waa jiraan meelo uu ku xooggan yahay. 

Haddaba doorashadii golaha wakiilada ee Somaliland waxa ku tartamay 3 xisbi: Kulmiye, UCID iyo Waddani, iyadoo la raacayo hannaanka doorashada liiska gobollada ee saamiga tooska ah. Macnihii waxa xisbi kastaa uu ka sharaxay gobol kasta tiro go’an oo murashixiin ah, oo ku qoran hal liis. Codeeyuhu marka uu murashax u codeeyo , waxay ka dhigan tahay inuu codkiisa siiyey xisbigii uu murashaxaasi liiskiisa ku jiray. Ogow gobol kasta waxa loo qoondeeyey tiro go’an oo uu ku leeyahay kuraasta golaha wakiilada. 

Nidaamakan liiska saamiga tooska ah, tirada kuraasta uu xisbigu ka helayo golaha wakiilada ee gobolka waxay ku xiran tahay saamiga uu xisbigaasi ka helay wadarta codadka gobolka oo dhan. Ka soo qaad, haddii 20% xisbigu ka helo wadarta codadka gobolka, kuraasta gobolka ee golaha wakiiladana waxa uu ka heli 20%. Sidaas oo kale tirada kuraasta ee xisbi kastaa ka helayo golaha wakiilada waxay iyana toos ugu dhigantaa saamiga wadarta codadka uu xisbigu ka kasbaday dadweynaha codeeyey oodhan.

Nidaamka doorashada ee noocan ah wuxuu suurageliyaa in kooxo badan oo bulshada ka tirsani iska dhex arki karaan muraayadda waakiilashada; inkastoo tirada xisbiyada ee distuuriyan lagu xadiday 3da xisbi oo keliyi ay wax u dhimayso helidda metelaad buuxda oo dhammays-tiran, khaasatan xagga xoriyadda afkaarta kala duwan.

Hannaanka doorashada ee saamiga tooska ah waxa aad u adag in xisbi keliyi goonidiisa u helo aqlabiyad. Doorashadan 31dii Maajo 2021 waxa xisbiyadu u kala heleen kuraasta golaha: Waddani 31 kursi (38%), Kulmiye 30 kursi (36%), UCID-na 21 kursi (26%). Macnihii xisbiyaa is-bahaysiga mucaaridka (UCID iyo Waddani) waxay hanteen 52 kursi oo ka mid ah 82dii kursi ee golaha wakiilada.

Laakiin Akhriste aan ku xasuusiyo in xildhibaanku muddada uu murashaxa yahay waxa uu ku taagan yahay garbaha reerkiisa ama jifadiisa hoose. Marka se uu soo baxo lama hubo xisbiga iyo barta dacaadnimadiisu taal, sidii hore looga bartay. Waana sababta dawaladdu hadda u fagatay xildhibaanadii ka soo baxay is-bahaysiga mucaaridka. Guddoomiyaha cusub ee golahu, mudane Khaliif, oo ka socday isbahaysiga mucaaridka, waxa uu codayntii dhacday 3-08-2021 ku badiyey 3 cod oo keliya.

Haddii doorashada 31-05-2021 ay ahaan lahayd tartan madaxtooyo waxa cad in aan xisbina heleen aqlabiyadda (50% in ka badan) codka dadweynaha. Fadlan ogoow, in Somaliland Kursiga madaxweynuhu, xuddunta awoodda dawladnimo, aanu ka soo dhex-bixin baarlamaanka ee toos loo soo doorto. Hannaanka doorashada madaxtooyada ee Somaliland waxa loo raacaa habka codka  “hal-dheeriga ah” (single majority vote) oo ka dhigan in gobollada SL oo dhammi yihiin hal goob- doorasho. Taas oo macnaheedu yahay in hal cod lagu kala heli karo kursiga ugu sareeya.

Doorashadii madaxtooyada ee 2003, Silaanayo iyo Riyaale waxay ku kala baxeen saddex boqol cod keliya, muran badan ka dib. Waa nidaam doorasho oo dhiiri-gelinaya in murashax kasta oo madaxweyne iyo taageerayaashiisu ay isticmaalaan tab kasta oo ay ku sugi karaan cod ay ku hanan karaan kursiga ugu sareeya. Xalaal iyo xoog si’ uu ku xero galo sina kuma xuma!

Dalalka qaarkood ee tooska loo doorto madaxweynaha dhawr dariiqo ayey u maraan (inta aan garanayo) sida: (1) wadarta codka ee gobol kasta oo mid walba gooni loo miisaamo (electoral college) sida Maraykanka; (2) labada murashax ee ugu codka badan wareegga hore, ayaa wareeg labaad lagu tartansiiyo sida Faransiiska.

Hubaal haddii doorashadii Somaliland ee 31-05-2021 ay ahaan lahayd doorasho madaxtooyo waxa ka dhalan lahaa muran faro badan waayo ma jireen murashax guushiisu caddahay.

Maxaa laga baran karaa doorashooyinka Somaliland?

Waxa laga baranayaa doorashada Somaliland in hannaanka doorashada liiska ee saamiga tooska ahi yahay nidaam suuragelin kara helidda muraayad ay iska wada arki karaan kooxaha bulshada oo dhami; laakiin aan dastuuriyan la xakamayn tirada xisbiyada. Si gacanta xisbiyada loo xoojiyana waa in xisbigu soo sharaxo kaadarkiisa, si looga saaro meesha in reeraha/jifooyinka tartan dhexmaro, ama shaqadii xisbiyada qabtaan-ba.

Waxa kale gol-daloolo weyni ka jirtaa in tirada xisbiyadu ku koobnaadaan mar walba saddex xisbi keliya, tobankii sanno-bana xisbiyada la furo, taasoo keeni karta in xisbayadii jiray suulaan, kuwo curdin ahina soo baxaan. Waa nidaam aanan maqal meel kale oo uu dunida ka jiro. Siyaabo kale oo loo xakameeyo tirada xisbiyada ayaa jiri karta sida: shardiga ah in xisbiga hela 10% iyo ka badan codka dadweynaha uu noqdo karo uun xisbi qaran.

Ta ugu dambaysa, uguna muhiimsan, ayaa ah in dib loo fiirsado nidaamka doorashada madaxtooyada ee lagu kala baxayo codka hal-dheeriga ah. Waa hannaan doorasho oo waxa looga aayaaba yahiin is-qab-qabsi iyo xanaf joogto ah. Waa nidaam maxsuulkiisu khatar ku yahay xasiloonida siyaasadeed iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Gunnaanadka maqaalku waa in doorashadii ka dhacday Somaliland 31-05-2021 Soomaalidu wax ka bartaan: ka qaataan meelaha uu quwiga ku yahay, kana leexdaan meelaha uu ducfigu ka jiro.

Wa Bilaahi towfiiq

Maxamuud C/llahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.