Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Soomaaliland: Haweenka oo dadaal ugu jira inay kuraas ku yeeshaan golaha wakiillada

Kaydka sawirrada/Ergo

Haweenka Soomaaliland ayaa dadaal ugu jira sidii ay kuraas uga heli lahaayeen golaha wakiillada oo doorashadood la filayo inay qabsoonto bisha May ee 2021. Golaha wakillada Soomaaliland ayaa 27 bishi Sebteebar ee 2020 laalay xeerka kootada haweenka oo dhigayay in 18 kursi loo xiro haweenka, kuwaasi oo kalidood ay ku tartami lahaayeen.

Nefiso Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha dallad Negaad oo ay ku midaysan ururrada haweenka Soomaaliland ayaa sheegtay in marnaba aysan filayn in golaha wakiillada iyo culimada oo iskaashanaya ay diidi doonaan ansixinta xeerkan. Nafiso ayaa u aragta in haweenka oo ku biira baarlamaanka ay sahalayso hormar laga gaaro arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxabarashada iyo tacadiyada ku dhaca dadka nugul.

“Dhaqanka iyo diintii oo imika ku biirtay oo wadaadii leeyihiin waa xaaraan, dhaqanku wuxuu saameyn ugu leeyahay in haweenku tartamaan, odaygii caaqilka ahaa nin ayuu keenayaa ee dumar keeni mayo. Maanta arrintaasi himilo fiican ayaa noo baxday markaanu go’aankayagii ku adkeysanay oo waxaa jira odayaal noo keenay haween oo noo sheegay inay ku matalayaan golaha wakiillada”.

Haweenka oo u tartama kuraasta golaha wakiillada iyo deegaanka oo inta badan aan ku guulaysan ayaa keentay in la qoro xeerkan oo baarlamaanku sheegay in sababta ay u meelmarin waayeen ay tahay in uusan ku jirin dastuurka Soomaalilnad, taasi oo welwel ku abuurtay haweenka danaynaya inay ku biiraan golayaasha.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa ansixiyay xeerka kootada haweenka sanadki 2018-ki. Tirada baarlamaanka Soomaaliland oo ah 163 xubnood waxaa ku jirta hal gabar oo kaliya.

“Waxaa dadaal ugu jirnaa in haweenku helaan kuraas, sababtoo ah xeerarka haweenka ee aan gaynno golaha lama meelmariyo, sababtana waa dumarka oo aan qayb ahayn golaha waayo raggu dareemi maayaan baahiyaha dumarka, shirar ayaan u qabbanay haweenka kuwaasi oo aan ugu sheegnay inay isa soosaaraan”.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ku doodaysa in dastuurka aan lagu cadeyn diidmada kootada haweenka oo waxyaabo badan oo sidan oo kale ah Somaliland horumar ku gaartay ayna fiicantahay in haweenka la siiyo fursad ay bulshada ugu shaqeeyaan.

Wasiir Shukri ayaa xustay in xeerkan hadda la diiday muddo toban sano ah ay ka shaqeynayeen siddii loo ansixin lahaa haseyeeshee laalista lagu sameeyay aanay ahayn mid haweenka hiigsigooda hoos u dhigaya.

“Wax badan oo aanu dastuurku qorinba Somaliland way ku dhaqantay oo ay ku horumartay, marka la eego tanna kuwii ayuunbay la mid tahay, markii dastuurka la qorayay dumar kuma jirin, oo lama soo fariin oo laguma oran dadkii idiin doodi lahaa keena, maanta wax badan oo aanu dastuurku qorin dalku wuu ku shaqeeyay markaa caqabadaha ayay ka mid noqotay”.

Shukri ayaa tusaale u soo qaadatay waxaayabaha dastuurka Soomaaliland aan ku jirin ee haddana lagu dhaqmay ay ka mid yihiin saami qaybsiga kuraasta iyo in xilliga doorashada golaha wakiillada oo shan sano ahayd dib loo dhigay.

Luul Xasan Mataan oo ah, musharax u taagan ka mid noqoshaha golaha wakiillada ayaa sheegtay in tacadiyada loo gaysto haweenka iyo carruurta ee batay ay keentay haweenka oo aan ku jirin baarlamaanka Somaliland.

“kufsigii ayaa batay, tacadigii dumarka iyo carruurta lagu hayay ayaa batay, waxaa laga yaabaa in 20 hablood oo kaliya hadday soo galaan golayaasha wasiirada, wakiillada iyo guurtida in xuquuqdooda heli lahaayeen dhibanayaasha, oo ay wax badan bedeli lahaayeen. Imika nimanku dan iyo muraad kama leh wixii arrimaha bulshada ku saabsan oo dhan, ma jiraan wax xeerar ah oo la soo saaro”.

Luul ayaa xustay inaanay ka tanaasuleyn musharaxnimadeeda si kasta oo loo laalay xeerka kootada haweenka ee baarlamaanka oo ay codka ka raadsanayso dadka si ay wax ugu qabato. Waxaa ay tilmaamtay in haweenka looga baahanyahay inay doortaan cidda dareemaysa baahidooda oo uga dooda goobaha talada dalku ka go’do.

“Kollay annagu haddaanu nahay dumarka aqoonyahannada ah ama musharaxiinta ah intooda badani waxaannu ku tashanay inaanu ragga la baratano oo aan oradno inti aan sosocon karno”.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.