Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Siyaasadda Arimaha Dibadda Soomaaliya:Talo iyo Tussaale

Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir)

Ka hor inta aanan u guda galin ubucda dhambaalkaygan, waxaan akhristaha sharafta iyo qaddarinta muddan doonayaa in aan xasuusiyo, ujeedada aan qoraalkan dul-marka milicsi taariikheedka ah u qoray, in aan talo iyo tusaale ugu soo jeediyo Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya. Qoraalkaygan maskax tuujiska ahna, waxaan jeclahay in loo fahmo, mid wax dhisaya, toosinaya islamarkaana talooyin soo jeedinaya.

RW Kheyre oo ku soo dhaweynaya Garoonka WAD ee Eriteriya

Dhawaanahaan waxaa Wasaaradda Arimaha Dibadda ee DFS soo food-saaray culaysyo mug leh, kuwaas oo ku noqday imtixaan laģu tijaabaniyay madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed, sida: dhacdadii khilaafkii dowladaha khaliijka Carabta. Taas oo ay Soomaaliya ka istaagtay mowqif dhexe,uguna yeedhay-dowladihii xurguftu soo kala dhex-gashay- in ay wada hadlaan.

Waxaa xigtay, in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo booqday dalka Ereteriya; isagoo halkaas ku suganna ku dhawaaqay, in Ereteriya cunaqabateynta QM ka qaado. Hadalkaas Madaxweyne Farmaajo ka soo yeeray, wuxuu dhaliyay sawaxan iyo muran cirka isku shareeray, Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan wlalaalaha iyo dariska nahayna- ay aad arinkaa uga carootay. Iyadoo ay jirto in Jabuuti iyo Ereteriya ku muransanyihiin dhul xuduud ah, Jabuutina ay qayb ka tahay 22 kun ciidamada “Amisom” ee Soomaaliya ka hawl gala.

Waxaa jirta in dhawaan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee DFS, ay soo saartay war-saxaafadeed kooban, kuna garab-istaagtay Boqortooyada Sacuudiga oo khilaaf diblumaasiyadeed  soo kala dhax galay dalka Kanada (Canada).  Go’aanka DFS wuxuu dhaliyay fal-celisyo, abuurayna kala aragtiyo duwanaan, iyo ismaan-dhaaf harreeyay goloyaasha siyaasadda dalka,  warbaahinta bulshada iyo baraha bulshada  (social media )  Soomaalidu aadka u adeegsato.

Ka hor inta aynaan qiimayn ugu dhaqaaqin go’aanadii iska hor imanayay ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya, aan tusaalayno, dalal kaloo dunida Islaamka ah iyo aragtiyadii ay u dajiyeen in ay hagto, hormuudna u noqoto siyaasadahooda arimaha dibadda.

1:Turkiga: Prof Axmed Daa’uud Oglow -oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda ku takhasusay- waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ninka dhidhibada u aasay siyaasadda arimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaana siyaasadda arimaha dibadda Turkiga hage iyo tusaale u noqday, buuggiisii la magac baxay Istaraajiyadda  fog ee Turkiga, iyap doorka Turkiga ee siyaasada adduunka  (Strategic depth of Turkey, Turkey’s position in international politics) oo ah, buug raad lama filaan ah ku reebay dunida oo dhan,afar qodob buuna diiradda saaray oo kala ah:

b) Strategic depth (isteraatijiyadda fog ) : Taasi oo o uu ula jeeday in Turkiya leedahay mudnaan istaraatiijiyadeed;taasoo dunida kale ku qasbanyihiin in ay ku ixtiraamaan, kana faa’iideeystaan,Soomaaliyana waxay ila tahay- in ay ka faa’iidaysato dunidadana uga faa’iidayso meesha istiraatiijiga ah ee eebbahay ku galaday.

t) Soft Power (Awoodda kasbashada iyo saameynta ): Waa aragti aan is leeyahay Prof Axmed Daa’uud Oglow in uu ka soo maan-guuriyay Joseph NYE oo ah: Bare Jaamacadaha Mareenkanka wax ka dhiga, aragtidaas wuxuu Joseph soo saaray, uuna bilaabay, suuq geeyayna sannadkii 1990, ula jeedadeeduna ahayd: in raad lagu reebo shucuubta dunida soo kobcaya. Oglowna faah faahin dheeraad ah ayuu ku sameeyay aragtidaas.

j) Zeroing problems ( ka gun’gaadhka saldhiga dhibaatada): Waa aragti uu Prof:Axmed Daa’uud Oglow buugiisa aad ugu sharraxay, yoolkeeduna waa in xiriirka arimaha dibadda Jamhuuriyadda Turkiya laga fogeeyo colaad oo dhan, dhammaana dowladaha xiriir wanaag lagu dhiso. Tollow! maxaa siyaasadda Soomaaliya maanta uga baahi badan in ay dhex dhexaad ka noqoto dhibaatooyinka dunida soo mara, murankana dhaliya?!

x) Benefit for all (waxtar guud):- Waa mabda’ ku dhisan aragti fog, waa tan hagta qorshayaasha maal-gashi ee Turkida, Siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliyana waa in ay arinkaas mudnaan gaar ah siiso, maankana ku hayso, had iyo jeer, sinnaanta xagga xiriirka dowladaha ah.

Markii uu soo baxay go’aankii la safashada Boqortooyada Sacuudiga, subixii xigay waxay Soomaali oo dhan ku waabariisatay, 27,000 oo neef oo dalka Sacuudiga laga soo ceshay, waa arin ka fiirsasho muddan wixii hadda ka dambeeya!

2:- Dalka Kuweyt:- Amiirka dalka Kuweyt ee hadda xilka haya Sheekh Sabaax Axmed Jaabir Al-Sabaax), waxaa lagu xasuustaa, in uu yahay ninkii dajiyay aragtida hagta arimaha dibadda ee Kuweyt markii uu ahaa wasiirka arimaha dibadda. Waa mas’uulkii xilka arimaha dibadda hayay markii ay Ciraaq ku soo duushay Kuweyt. Dhacdadaas foosha xun ee lagula kacay Kuweyt, waxay dhaxalsiisay in Kuweyt had iyo jeer ka qayb qaadato dhex dhexaadinta muranada dunida. Waa mabda’ gun-dhig u ah siyaasadooda arimaha dibadda. Soomaali haddaan nahayna waa in ay jirto arigti qoran oo dhex dhexaadin ah, majarahana ku hagta siyaasadeena arimaha dibadda;si aan uga fogaano dalambaabiga summadda u noqday siyaasadeena arimaha dibadda.

Qaranjabkii ka dib, siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliya wax midab ah ma ayan lahayn. Maxamuud Tuur-yare ayaa 1968 wuxuu qoray buug uu ugu wan qalay “Dhex dhexaadnimada waxtarka leh” in muddo ah buuggaas wuxuu ahaa tusaaleeyaha arimaha dibadda.

Marka aad akhriso buuggii uu qoray Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe ee la magac baxay “Danjire” wuxuu tilmaamayaa buuggaa s siday u sugnayd siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliya, walahowga iminka harreeyayna ay uga fogayd!

Talo soo jeedin:

1-Waxaan ku tallin lahaa in Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ay soo agaasinto shir Qaran, kaasoo looga arinsanayo, qorshe cadna loogu dajinayo siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliya.

2) In Wasaaraddu adeegsato, lana tashato ruug cadayaashii Soomaaliyeed (seasoned diplomats) ee aqoonta iyo aragrida u lahaa siyaasadda Arimada Dibadda Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

3- In la yagleelo dibna loo soo nooleeyo macahadkii tababbarka diblumaasiyiinta; si loo helo kaadir hanta hawsha arimaha dibadda Soomaaliyeed, iyada oo uu bar bar socdo dhisidda macahadkii daraasaatka diblumaasiyadda ee Soomaaliya.

4-Iyadoo aan ogsoonnahay in dowladda Federalka Soomaaliya ay xaq u leedahay go’aan ka gaaridda arimaha dibadda, sida ku xusan qodobka 57-Aad ee dastuurka Federalka Soomaaliya; misana meesha kama marna in laga talo-galiyo dowlad goboleedyada Soomaaliyeed; si laysugu dheeli-tiro danaha dowlad goboleedyadu leeyihiin iyo tan dowladda dhexe.

Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir)
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland
Email: [email protected]

————–

Qoraallo kale oo la xidhiidha mawduuca:

RW Kheyre oo garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir

What’s in a picture: Farmajo’s poor grasp of protocol  By WDN


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.