Muqdisho (WDN): Ra’iisal Wasaaraha DFS Md. Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Eriteriya Md. Osman Saleh.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta ku kaliftay in uu Ra’iisal Wasaare Kheyre kaga hortago Wasiirka Eriteriya Garoonka Muqdisho, ee uu shaqadaas ugu dhaafi waayay dhigiisa Md. Axmed Cawad.
Arintan oo ku tusaysa isbarbar yaaca, nidaam darada, kala dambeyn iyo khibrad la’aanta dadka maanta hoggaanka u haya Soomaaliya.
Waxa xusid muddan in madaxda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, marka uu booqdo dalalka dibadda, khaasatan kuwa dariska
(Kenya iyo Itoobiya),uu heer wasiir uu ku qaabilo garoonka, oo aanu ka hor imaan dhigiisu!
Arimahan ay caadeysteen madaxda Soomaaliyeed, ayaa meel ku dhac weyn ku ah sharafta iyo karaamada (prestege) xafiiska Madaxweynaha, ka Ra’iisal wasaaraha iyo guud ahaan dadkak iyo dalka Soomaaliyeed.
War Saxafadeed ka soo baxay soo dhawenyta wafdiga Eriteriya oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:
———-
Muqdisho, August 13, 2018 Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab oo Muqdisho u yimid wadahadallo heerkoodu sareeyo kadib booqashadii bishii July uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegay magaalada Asmara.
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Osman Saleh ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladood, hir-gelinta heshiisyadii madaxweynayaasha labada dal ay wada saxiixdeen, Iskaashiga xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Gobalka geeska Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh ayaa uga mahad-celiyay madaxda dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay madaxda Qaranka horumarka ballaaran ee dalku ku tilaabsay.
Dhammaadkii Bishii Julay ee sannadkaan ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretea waxa ay Asmara ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in labada dal ay ku dadaalaan sidii ay u samaysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga, in la yagleelo xiriir diblomaasiyadeed la is dhaafsado danjireyaal, in sare loo qaado ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, in la iswaydaarsado fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka iyo in si wadajir ah uga hawlgalaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
