W/Q. WardheerNews
ESTV waxa uu ahaa, meel uu maamulkii Cabdi ilay ku marinhabaabiyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka Soomaalida.
Horumar, ceelal biyo ka burqanayaan, waxbarasho iyo caafimaad meelwalba la gaadhsiiyay, ammaanta Cabdi ilay iyo maamulkiisa iyo dabcan dhaanto aan kala go’ lahayn,
waxay ahaayeen waxyaabihii uu caanka ku ahaa ESTV ee hadh iyo habeen laga daawan jiray.
Waxa uu ahaa TV ku caanbaxay borobagaandhada iyo ammaanta, buunbuuninta iyo weyneynta Aabo Cabdi Ilay.
Haddaba iyadoo arrimahaas iyo kuwo kale oo la mid ah dadku hore uga barteen ayaa waxaa markii u horreysay laga daawaday ESTV, dad ka cabanaya dhibaatooyin uu u geystay maamulkii Ina Ilay, kuwa la xidhay, la jidh dilay iyo kuwo kale oo hantidoodii ku waayay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada jigjiga.
Arrinta yaabka lihi waxay ahayd madaxweyne ku xigeenka deegaanka Xamdi Aadan oo ka mid ahaa gacanyarayaashii Cabdi Ilay, ee ka mas’uulka ahaa dhibaatooyinkii naxariis darrada ahaa ee maamulku ku hayay shacabka oo goobta ku sugna.
Waxay arrimaha goobta laga sheegayay ku ahaayeen wajigabax Xamdi Aadan, waxaanu qiray in dhibaato badani jirtay, isagoo ku andacooday in ay dhammaantood wada cabbudhisanayeen, inkastoo uu isagu ka mid ahaa kuwii wax cabbudhinayay!.
Cabashooyinkan oo laga soo jeediyay shir lagu sheegay in ay aqoonyahanka deeaagaanku ku yeesheen magaalada jigjiga, ayaa waxay xasuusinayaan shacabka in deegaanka Soomaalidu u baahanyahay isbeddel ka qotodheer sida ay hadda wax yihiin. Sidoo kale islamarkaana ay caddaalad helaan dhibbanayaashii uu gabboodfalka u geystay nidaamkii uu horjoogaha ka ahaa Cabdi Ilay oo hadhaagiisii weli ka arrimiyo magaalada Jigjiga.
WardheerNews
Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca:
– Cabdi Ilay iyo Abiy Axmed W/Q WardheerNews
– Xisbiga haya talada Deegaanka Soomaalida oo doortay guddoomiye cusub W/Q WardheerNews
