Kismaayo (WDN)- War lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Jubbaland, ay maanta gelinkii dambe soo gaadheen magaalada Kismaayo, laba muddane oo sheegay in Muqdisho looga soo magaacaabay, loona soo igamday xilka hogaanka sare ee Nabadsugidda Jubbaland. Labadaas mas’uul oo kal ah:
1) Md. Cali Mire Ducaale, oo loo soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland iyo
2) Maxamed Ibraahim, oo loo soo magacaabay Taliye Xigeen.

Magacaabista labada sarkaal, ayaa la sheegay in aysan waxba ka ogeyn maamulka Jubbaland, isla- markaana aysan magacabitaasi ahayn mid waafaqsan wax sharci ah.
Ciidamadda Amniga ee Jubbaland, ayaa labadaas mas’uul xabsiga dhigay, iyada oo maalinta berri ah lagu waddo in lagu celin doona Muqdisho.
Arintan mid la mid ayaa horey uga dhacday Kismayoo , ka dib markii ay DFS ay wada tashi la’aan horey ugu soo magacowday Jen Cali Bagmadow, taliyaha Qeybta 43 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo Dowlad Goboleedka Jubbaland dib ugu celisay Muqdisho.
Waxaa xusid muddan in dhawaanahan uu khilaaf xooggani ka jiray xidhiidhka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xidhiidhkaasi oo sii xumaanaya.
WardheerNews
————-
Maqaalo kale oo la xidhiidha khilaafka Jubbaland iyo DFS:
–DFS IYO JUBBALAND OO KHILAAF KA DHEX DHASHAY SHIRKA BRUSSELS
