Shirkii dib u eegista Dastuurka oo baaqday

Muqdisho (WDN) Shirkii dib eegista Dastuurka oo lagu waday maalinta Axada ee bishan 8 – da uu ka dhaco caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa baaqday. Shirkaasi ayaa la sheegay in dib loo dhigay, ka gadaal markii ay qaadaceen ka qeyb galkiisa Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Dhamaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya, ayaa ka gaabsaday ka qeb galka shirka dib eegista Dastuurka, oo ay qaban qaabisay Wasaaradda Dasuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaadacaadda shirkaasi ayaa Maamul Goboleedyadu ku sheegeen in ay sabab u tahay qorshaha shirka ay iskugu imanayaan magaalada Kismaayo oo ay ku jirto qorshe arimaha Dastuurka lagaga wada hadlayo oo laga tashanayo.

Baaqashada shirkan dib u eegista Dastuurka ayaa waji gabax ku noqonaya Dowladda Federaalka, oo muran siyaasadeed soo kala dhex galay Maamul Goboleeyada.

Beesha Caalamka ayaa dhawaan uga digtay Dowladda Federaalka in ay khalkhal iyo burbur geliso ama ku abuurto Maamul Goboleedyada Soomaaliya, balse looga baahan yahay in wada shaqeyn iyo nabadeyn waarta oo ka fog isqabqabsi kula dhaqanto, Islamarkaana si dhexdhexaadnimo ah u xaliso wixii khillaaf ah ee soo dhex gala mas’uuiyiinta maamulladaasi.

WardheerNews