Maamul Goboleedyada oo qaadacay shirka dib u eegista Dastuurka

Muqdisho (WDN)- Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay qaadaceen oo aanay ka qeyb geli doonin shirka dib u eegista Dastuurka FKMG,  ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho bishan Oktoober 8-da.

Shirka dib u eegista Dastiuurka oo lagu marti qaaday in ay ka soo qeyb galaan wafuud ka socota Maamul Goboleedyada dalka, ayaa  muhiimaddii iyo miisaankii uu lahaa wax badani iska badalayaan, maadaama aynan ka qey geli doonin Maamul Goboleedyadu.

Ka maqnaashaha shirkaasi ayaa Maamul Goboleedyadu ku sheegeen in ay sabab u tahay qorshaha shirka Kismaayo oo ay ku jirto in arimaha Dastuurka laga wada hadlo oo laga tashado.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa lagu wadaa in shirka Kismaayo uga furmaya maalinta Axada ah, ay kaga arinsadaan wada shaqeynta Dowladda Dhexe, arimaha Dastuurka, xalinta  caqabadaha soo foodsaaray iyo danaha guud ee ka dhaxeeya Maamul Goboleedyada.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.