Shir aad u balaadhan oo uu soo agaasimay Mac’hadka Horumarinta Jubaland – Jubaland Development Institute (JDI), oo lagu wada hadlayay Khadka Telefoonka (teleconference call), maalintii Axada ee taariikhdu ku beegnayd Nofember 17keeda, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee dadka qurbe jooga ay gurmad dhaqaale ugu taageeri lahaayeen dadkii masiibadu ka soo gaadhay DUUFAANTII halaagga ka gaysatay inta badan deegaanada Carriga Dawlad Goboleedka Puntaland. Shirka oo uu furay gudoomiyaha Mac’hadka JDI Danjire Cabdikariin Aw Cali, waxaa ka soo qayb galay dad ka badan illaa 900 qof oo ku kala nool waddamo iyo magaalooyin kala duwan. Kaqeyb galayaasha shirka khadka telefoonka waxay intooda badan ka tirsan yihiin jaaliyadaha Soomliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika iyo deegaano kale oo ku yaala Afrikada Bari sida Dawlad Goboleedka Puntland, Kenya, Etoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Waxaa si gaar ah uga soo qeyb galay shakhsiyaad muhiim ah oo jooga magaalooyinka Nairobi, Addis Ababa, Garoowe, Boosaaso, iyo Dubai. Dhinaca degaanada Waqooyiga Ameerika, kasoo qeybgalayaashu waxay u badnaayeen gobolada Ontario, Alberta, Saskatchewan, Manitoba ee Dalka Canada. Dhanka USA, dadka ka soo galay waxay intooda badan ay joogaan gobolada (state-yada) Ohio, Atalanta, Illinois¸ Massachusetts, DC Metro Area, California, Colorado, Missouri, Minnesota, Washington Oregon, iyo kuwa kale.
Waxaa si gaar ah loo tilmaami karaa labo wasiir oo ka mid ah Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland oo kala ah Xaliimo Xassan Xaaji iyo Burhaan Cilmi Falag. Labada wasiirba waxay bixiyeen warbixinnadii ugu dambeeyey ee xaaladda adag ee ka jirta degaanada ay duufaanadu wax yeeleeyeen iyo qorshaha gargaarka guud ahaan halka uu marayo. Labada wasiirba waxay jaaliyadaha Waqooyiga Ameerika ku guubaabiyeen inla dedejiyo lana mideeyo gargaarka ayadoo waxa lagu deeqo lasoo marinayo guddiga Dawlad Goboleedka Puntaland u xilsaartay wax ka qabashada iyo gargaarka masiibada ka dhalatay duufaanada, oo ka kooban Wasiiro, Culunaa’u-diin, iyo Ganacsato, ku sugan deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday.
Waxaa kaloo xusid mudan inuu shirkaasi khadka telefooniga ah kasoo qeybgalay Mudane Yususf Xassan Cabdi, oo ah xubin Baarlamaanka Kenya ee laga soo doortay Eastleigh, Kamakunji oo haatan caafimaad awgiis u jooga magaalada New York, USA. Md.Yuusuf X Cabdi wuxuu dhamaan dadka soomaaliyeed ku booriyey in ay isu gargaaraan marka uu yimaado xilli adag sida kan hadda ka taagan Puntaland oo kale, si dhab ahna la isaga kaashado sidii loogu fidin lahaa gargaar dadkaasi dhibka weyn ay ka soo gaartay duufaanadaasi. Xildhibaanku wuxuu aad ugu booriyay inay dadka Soomaalida ah gacmaha is-qabsadaan oo ay isku xirnadaan, sidoo kale wuxuu ammaanay qaban-qaabiyaasha shirkan ee JDI.
Shirkani oo socday muddo dhan laba saacadood ayaa la isku dhaafsaday xog warran, guubaabo iyo talooyin la xiriira sida ugu habboon uguna fudud islmarkana loo dedejin lahaa ama loo abaabuli lahaa awoodda ballaaran ee jaaliyadaha Waqooyiga Ameerika. Waxaana aad loo faaqiday sidii loo kaalmayn lahaa dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen, waxaa shirka si gaar ah talooyin u soo jeediyay wakiillo u hadlayay bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka North America Sida Toronto, Edmonton, Calgary, iyo Regina oo Canada ah, sidoo kale Seattle Wa, San Diego CA, Chicago Illinois, Columbus Ohio, Denver Co, Kansas City, iyo magaalooyin kale oo badan.
Shirka waxaa lagu soo gunaanaday hadal uusoo jeediyey Guddomiye ku Xigeenka Jubaland Development Institute (JDI) Xasan Faarax Shire, asagoo faafaahin ka bixiyay qaabkii loo soo abaabulay shirkaan telefooniga ah iyo sida markii lawada jiro wax wayn looga qaban karo dhibato kasta oo bulshada la soo darista. Ha ahaadaan dhibaatooyinka ka dhasha duufaanada, daadadka, abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah, ama kuwa dadku abuuraan sida dagaalada sokeeye iyo argagixisonimada wali dhibaatada ku haya dalkeenii iyo waxaa kale oo si wayn wax looga qaban karaa dhinaca kobcinta tiirarka aas-aasiga ah ee dadkeenu u baahan yihiin. Wuxuu kale oo gudoomiye ku xigeenku ka mahad celiayay dhammaan dadka wakhtigoodii iyo ra’yigoodii qaaliga ahaa galiayay shirkaan, isla markaana diyaarka u ah inay ka qayb qaataan maalgurista loogu gurmanayo walaalaha reer Puntaland ee dhibaatada duufaantu wax yeelaysay.
Baaqa iyo go’aanadii ka soo baxay shirka
Dhammaan ka qayb galayaasha shirku iyo mac’hadka Hurumarinta Jubaland (JDI) waxay si wada jir ah isula meel dhigeen :
1) In dhammaan qurba joogta reer Waqooyiga Ameerika loogu baaqo inay ka qayb qaataan gurmadka dhaqaalaha loogu arurinayo, dadka wax yeeladu ka soo gaadhay masiibadii duufaanta ee Puntaland.
2) In sida ugu dhaqsiyaha badan wixii la helo loo diro, iyadoo si aysan waqti badan u qaadan la soo jeediyay in magaalo kastaa toos gaarkeeda ugu dirto wixii ay ku deeqayaan.
3) In si guud xiriir joogta ah oo isku xiran loo sameeyo mudada ay hawsha dhaqaale aruurintu socoto.
Shirka telefooniga dhammaan dadkii ka soo qaybgalay, waxay Dawladda Puntland iyo Shacabka Reer Puntaland uga tacsiyadaynayaan iyagoo aad uga xun, guud ahaan dadkii masiibada duufaanta ku dhintay, kuwii ku xoolo beelay iyo cid kasta oo si toos ah iyo si dadban-ba ay wax uga soo gaadhay.
Xasan Faarax
Email:hshire@gmail.com
Ubax C/Laahi Cali (Eagan)
Email:ubahali123@gmail.com
_________________
Jubbaland Development Institute (JDI) is a non-profit Developmental Institute. JDI is also a non-political Organization whose sole purpose is to assist the people of Jubbaland in their basic human needs regardless of their religious conviction, political and clan affiliation, race and/or gender.
Ururka Horumarinta Jubbaland (JDI) waa urur samafal ah, oo aan wax siyaasad ah ku shaqalahayn, balse ujeedadiisu ay tahay oo kaliya inuu ka caawiyo dadka reer Jubbaland dhinaca aasaaska bani aadanimada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo aan loo fiirinaynin diinta ay rumaysan yihiin, siyaasada ama qabiilka ay taageersan yihiin, midabka iyo meesha ay ka soo jeedaan midnaba.
Leave a Reply