Tacsi: Innaa Lillaahi Wa Ina Ilayhi Raajicuun

Tacsi: Innaa Lillaahi Wa Ina Ilayhi Raajicuun

Dhammaan Qurbajoogta beesha Geri ee ku kala nool dunida dacalleedu, waxay halkan iyagoo ka tiiraanyaysan taci uga dirayaan ehelladii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Suldaan Bade Xuseen Nuur oo ku geeriyooday magaalada Dir Dhaba, laguna aasay taariikhdu markay ahayd 17/11/2013 magaalada Jigjiga ee xarrunta dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Marxuum Suldaan Bade Xuseen Nuur waxa uu ka mid  ahaa hoggaamiye dhaqaneedka gobolka Jigjiga ee sida weyn loo tixgeliyo, waxaanu ku caan baxay hawlkarnimo iyo karti dheeri ah.

Haddaba waxa ay Qurbajoogta beesha Geri uga baryayaan Ilaah inuu naxariistii Janno ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisiina samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.