Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Rajadii Doorashada Puntland iyo isbadal doonka oo u eeg mid lacag isku badashay!

Garoowe (WDN)- Doorashada Puntland ayaa gashay waji xasaasi ah, kadib markii habeenimadii Isniinta ay soo baxday in kursiga madaxweynaha Puntland lagu kala bixi doono lacag. Taasi oo meesha ka saaraysa in wax isbadal ah uu yimaado, balse ay tahay lacag iyo wax kala gadasho (horse trading).

Xildhaabanada Puntland oo tiro ahaan dhan 66, ayaa in ka badan 40 ay yihiin dad cusub oo dhalin yaro ah, taasi oo abuurtay jawi rajo ku aadan in waa cusubi u beryii doono Puntland 8-da Janaayo, 2019, hase yeeshee waxaa jira warar aad loogu kalsoon yahay oo sheegay in lacago badani soo galeen Garoowe, taasi oo loogu talo galay in lagu gato kursiga madaxtinimada Puntland.

Haddii doorshadii Baydhabo, ee Koonful Gabeed, xildhibaano loo qaaday Muqdisho, Garoowe, waxba kama duwana, waayo, iyada oo la keeney Puntland lacag xad dhaaf oo wararku sheegayaan in qiimaha codka uu gaadhay $100,000. halka in ka badan ama ku dhow sanad shaqaalaha iyo ciidamada Puntland aysan qaadan mushahar.

Musharaxiinta lagu sheegayo in ay lacago bixinayaan waxaa ka mid; Cabdiwali Gaas iyo Jabiye, halka la sheegay in musharaxiinta isbadal doonka sida Dr. Cali Ciise iyo Cabdi Faarax Juxa aysan wax lacag ah biixn.

Ilaa hadda ma cadda sida rasmiga ah ugu guulaysan doonta, iyo in saadaasha lacagtu ay dhaboobi doonto.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.