Friday, December 06, 2019
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

QURAANIYIINTU MAXAY QABAAN?

W.Q: CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi

Quran

Waxaan dhageystey muxaadaro uu jeediyey wadaad Somaali ah oo uu ku gaalaysiiyey Quraaniyiinta. Wuxuu kaloo sheegay inay yihiin qolo reer Galbeedku soo saareen oo la rabo in Islaamka lagu minjaxaabiyo. Waxaan goostay haddaba, anigoo isu arka dadka magacaas loola jeedo inaan ka mid ahay, inaan qormodan gaaban qofka run doonka ah ugu iftiimiyo waxa xaqiiqadu tahay.

Ugu horreyn, inkastoo uusan magacu xumayn, haddana waxaan ka jecelnahay in nalooku yeero muslimiin. Haddii Quraanka nalooku abtiriyo ammaan bay nootahay, laakiin Quraanku dadka Nebi Muxammed(NNKH) rumeeyey muslimiin iyo mu,miniin buu ugu yeeraa.

Dadka magacaan loogu yeero way kala fikir duwan yihiin waxayse ku midaysan yihiin inay diiddan yihiin in axaadiistu tahay waxyi, sida ay qabaan muslimiinta inteeda badani. Imaam Alshaafici ayaa ku nuuxnuuxsaday markuu dejinayey xeerarka fiqiga(usuulul fiqh) in axaadiistu tahay waxyi la mid ah Quraanka, isagoo daliishanaya aayadaha 3-4aad ee Suuradda Alnajm. Sidoo kale wuxuu ku dooday in xikmadda aayadda 113aad ee suuradda Al-nisaa iyo aayado kaleba ay sheegayaan  tahay axaadiista (oo uu ugu yeeray sunno). Culimadii muslimiinta intooda badani way ku raaceen ra’yigaas imaam Alshaafici.

Labadiisa kitaab ee Al-umm iyo Al-risaala wuxuu imaam Alshaafici falcelin iyo dood la sameynayaa dadkii diiddanaa axaadiista, taasoo caddayn buuxda u ah in diidista waxyinnimada axaadiistu ay horreysey oo uusan reer galbeedku abuurin, sida ay wadaaddo badani ku andacoonayaan. Sida horay loo yiri, taariikhda waxaa qora kuwa guulaysta. Dooddii waagaas waxaa guulaystay dugsiga ahlu-xadiiska oo Alshaafici iyo imaam Axmed ibn Xanbal hoggaaminayeen, diinta nasoo gaartay ee maanta muslimiintu raacaanna waa wixii ay qoreen. Laakiin,sida la ogyahay, guulaysiga iyo toosnidu iskuma xirna. Waxaa la is weydiin karaa sababta ay Quraaniyiintu hadda usoo bateen. Siday aniga ila tahay, labo sababood ayaa taas keentay:

  1. Cilmiga diinta oo faafay si dhibyarna qofku ku akhrin karo kutub aan horay loo heli karin ama lugu tarjumay luqado aan carabi ahayn. Taas waxaa door weyn ka qaatay internetka oo aqoon iyo warbixino baahsan si fudud looga heli karo. Doodo iyo barnaamijyo telefishannnada, raadiyayaasha iyo wargeysyada iyo internetka ayaa u fududeeyey dad badan inay maqlaan ama bartaan waxaan hore si loo ogaan jirin.
  2. Qalalaasaha ka aloosan dunida islaamka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo diinta ayaa dad badan ku khasbay inay is weydiiyaan meesha wax ka khaldan yihiin. Ururrada magaca diinta xasuuqa ka wada meel kasta iyo wadaaddada diinta oo u qaba inaan dadku caqli lahayn oo xoolo yahay ayaa keenay in dadku u dhabbagalo arrimaha diinta. Nasiib xumo, waxaa arrimahaas iyo kuwo kale oo badani keeneen in dad badan oo muslimiin ah , dhallinyarona u badan diinta ka baxaan.

Axaadiista waxaa ururintooda la bilaabay qarnigii 2aad ee Hijriyada, waxaana la hubaa inaan la oggoleyn qoristooda waqtigii nebiga(NNKA) iyo kii khulufadii 4ta ahayd ee toosnayd. Khaliifkii umawiga ahaa ee Cumar ibn Cabdicsiis (99-101 H) ayaa oggolaaday qoristooda ka dib markuu arkay in axaadiista nebiga lagu been abuuranayo ay faraha ka baxday. Waxay gaartay heer qolo kastaa xadiis u falkiso fikirkeeda, ha ahaado mid mad-habadeed ama siyaasadeedba. Xataa ganacsatadii waxay weriyeen axaadiis lagu xayeysiinayo waxa ay gadayaan. Dhibku ma ahayn uruurinta iyo qorista axaadiista iyo sifeyntooda midna. Dhibaatada aan laga soo waaqsan karin,siday ila tahay, waa markii axaadiista lagu sheegay inay waxyi yihiin oo ay Quraanka la mid yihiin. Intaa laguma harine, axaadiista ayaa la kor mariyey marka Quraanka iyo iyagu is khilaafaan!!

Dhammaan axkaamta waxaa lagu saleeyey axaadiis ayadoon loo aabayeelin xukunka Quraaanka. Tusaale ahaan,hal xadiis ayaa lagu nasakhay dhammaan aayadaha faraya dardaaranka dhaxalka. In ka badan 50 aayadood oo sugaya xorriyadda diinta waxaa lagu nasakhay xadiis nebiga(NNKA) loo tiriyey oo sheegaya in la dilo qofkii diinta ka baxa. Xaddiiskaasi waa kan ugu dhibaatada badnaa muslimiinta waayo koox kasta qolada ka mad-hab duwan ayey gaalaysiisay ka dibna bannaysatay dhiiggooda.Kooxaha xasuuqa ka wada dalalka muslimiinta oo Soomaaliya ka mid tahay xadiiskaas ayey daliishanayaan markay boqollaal qof oo Muslimiin ah dhiiggooda daadinayaan. Waxaa kaloo jira axaaddiis badan oo nebiga (NNKA) u gefaya oo magaciisa wax u dhimaya, waana wax laga xumaado werinta axaaddiistaas markaan ognahay in malaayiin xadiis la tuuray oo qaarkood lagu sheegay saxiix. Bukhaari wuxuu sheegay inuu 600,000 xaddiis ka xushay dhowr kun, imam Axmedna malyan xadiis ka xushay ilaa 40kun. Sida aan annagu qabno, diin cusub ayaa la sameeyey markii la dhidbay aragtida ah in axaadiistu waxyi yihiin, Quraankana waxaa laga dhigay kitaab la barakaysto, la xafido laguna luuqeeyo akhriskiisa. Mahad Alle weeye inuu Quraanku yahay kitaab aan la beddeli karin, waxaase la isku dayey in si dadban loo beddelo. Waxaa Quraaniyiintu rabaan in diinta lagu saleeyo Quraanka Kariimka ah, axaadiista Quraanka khilaafsanna aan la adeegsan (la daliishan).

Dadka ku adkaysanaya in axaadiistu waxyi tahay oo ah muslimiinta inteeda badani waxay si aan toos ahayn u qirayaan inaan nebigu (NNKA) risaaladii Alle usoo dhiibay wada gaarsiin maadaama uu Quraanka keliya qoray. Axaadiistu aad bay uga badan yihiin Quraanka, haddii ay waxyi yihiinna waxaa qori lahaa nebiga (NNKA), waxaase la weriyey inuu reebay qoristooda. Amarkaas jebintiisana muslimiintu kuma dhiirran  boqolkii sano ee u horreysey.

Doodda imaam Alshaafici oo ah in aayadda 3-4 e suuradda Alnajm ka hadlayaan axaadiista waa dood aan toosnayn, una maleyn maayo in qofna aayadahaas sidaa u fahmi karo haddii daacadnimo jirto. Suuraddu waa suuradihii ugu horreeyey ee soo dega, waxayna labada aayadood sugayaan in Quraanku yahay waxyi ee uusan nebigu (NNKA) falkin. In loo daliishado waxyinnimada hadal kasta oo nebigu ku hadlo waa arrin fajac iyo yaab ah. Axaadiistana lamaba hubo inay nebiga (NNKA) ka sugnaatay si kastoo saxiix loogu sheego. Dhammaantood ama badankooda sugnaantoodu waa male, sida culimmada xadiiska naftoodu qirayaan. Sidee hadal aan la hubin loogu sheegaa waxyi,looguna nasakhaa Quraanka? In xikmadda aayadda 113 ee Al-nisaa laga wado axaadiista waa faham aan isna qummanayn. Xikmaddu waa aqoon faham qoto dheer oo loo yeesho falalka kuwooda suuban iyo kuwooda xun (eeg aayadda 39 ee suuradda Al-israa). Xikmaddu waa astaamaha nebiyada, laakiin qof kasta oo xikmad lihi nebi maaha. Garaad dheerihii Luqmaan ayaa Quraanku noo sheegayaa oo ahaa nin xikmad la siiyey. Adduunka marna lagama waayo dad xikmad leh diintay doonaan ha haysteene.

Markasta oo la rabo in Quraaniyiinta khaladkooda la muujiyo waxaa la soo qaataa salaadda iyo sida loo tukanayo oo aan Quraanku faahfaahin. Waa run inay jiraan qolyo Quraaniyiinta kamid ah oo diiday inay salaadda u tukadaan sida loo tukado, waana ila khaldan yihiin. Laakiin muslimiintu salaadda waxay tukan jireen intaan axaadiista la qorin, malaayiin ayaa midba mid ka arkay. Nebigu(NNKA) maalin kasta ugu yaraan 5 goor ayuu tukan jiray, dadka oo dhamina waa arki jireen salaaddiisa. Sidaa awgeed sunnada falkaas oo kale laga bartay ma dhunto.

Dadyowgii naga horreeyey way beddeleen diimahooda geeridii nebigooda ka dib, innaga muslimiinta ahna waddadoodii ayaan raacnay, sida Quraaniyiintu qabaan. Nebi Muxammed (NNKA) risaaladiisu Quraanka ayey ahayd waana sababta uu u qoray, una diiday in wax kale laga qoro. Laakiin sidii dadkii inaga horreeyey Quraankii waxaan ku beddelnay kutub ciiddaas ka badan oo nebiga (NNKA) loo tiriyey, wax badan oo ku qoranina ay Quraanka khilaafsan yihiin, khuraafaad kalena ka buuxo iyaguna is khilaafsan. Sida dadyowgii naga horreeyey muqaddas uga dhigeen ra’yiga culimmadoodii hore ayaan innaguna uga dhignay, waana sababta maanta  aan u haysanno mad-habado jira in ka badan 1200 sano ayadoo qof kastaa akhriyi karo wixii ay culimmadaasi daliishadeen.

Quraanku wuxuu noo sheegayaa in qolo kastaa diidi jirtay inay marna dood geliyaan wixii ay aabbayaashood iyo culimmadoodii ka dhaxleen. Cudurkaasi si ba’an ayuu muslimiinta ugu baahay, ilaa qaarkood la baxeen Salafiya! Ma diiddanin in taariikhda muslimiinta la barto, waxaanse diiddan nahay in falalkoodii iyo sidii ay u noolaayeen diin laga dhigo. Culimmadii hore in la qaddariyo kama soo horjeedno, waxaanse ka soo horjeednaa in ra’yigooda muqaddas laga dhigo, laguna nasakho Quraanka Alle ee ah risaaladii Nebi Muxammed (NNKA) Alle inooku soo dhiibay.

Diinta Quraanku waa diin naxariiseed caqliguna aqbalayo. Waa diin qiime siinaysa xorriyadda fikirka, diinta iyo adeegsiga caqliga. Waa diin dadku walaalnimo kuwada noolaanayo ayagoo kala diin, fikir  iyo mad-habado duwan. Waa diin qofku karaamo leeyahay oo xuquuqdiisu muqaddas tahay. Waa diin dadku siman yahay, rag iyo dumar, caddaan iyo madow, dumarkana aan loo abuurin raaxada ragga ee ay waajib iyo abaalmarinba kala siman yihiin ragga wax kasta,shaqo kastana loo oggol yahay. Waa diin qof kastaa gelayo isagoon la khasbin. Waa diin akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan sare u qaadaysa, waase haddii Quraanka la dhegeysto waxa uu sheegayo. Kutubta tafsiirka marka aayad la safirayo waxaa caado laga dhigtay in lasoo rogo xaddiiskii nasikhi lahaa oo lagu andacoonayo inuu aayadda fasirayo xataa haddii aayadda warkeedu cad yahay.

Islaamku waa diinta keliya ee Alle soo dejiyey, waxayna kasoo bilaabatay Nebi Nuux. Diintaas waxaa saldhig u ah in cibaadada Alle loo keli yeelo lana rumeeyo nolosha aakhiro. Waxaa intaas raaca: B) falalka wanaagsan (akhlaaqda) oo la sameeyo iyo in waxa Alle xaareemeyey laga fogaado. Waana tan ugu muhiimsan Islaamka. Akhlaaqdu waa soo badaneysey rasuulba rasuulka ka dambeeya, waxaana Alle ku kobciyey horumarka wacyiga dadka, waxaana lagu dhammaystiray risaaladii Nebi Muxammed(NNKA) oo aan risaalo ka dambeyn. T) Sharci dejinta oo la jaan qaadaysey horumarka dadka markaa jira oo isla beddeleysey meesha, dhaqanka, waqtiga iwm. J) Shacaa’irta oo ah kuwa muslimiintu ula baxday tiirarka islaamka. Qaybtani waxay isku xirtaa qofka iyo Alle, si go’an baana loo gutaa, isbeddelna kuma dhaco. Muslimiintu qaybtaan ayey diintii oo dhan ka dhigtay ilaa ay yiraahdeen qofkii salaaddiisu toosto janno ayuu horay ka gelayaa wuxuu doonoo kaleba ha sameeyee. Waana tan keentay in musuqmaasuqu ku baaho dalalka muslimiinta ah, dadkuna xumaan kasta sameeyo iyagoo tukanaya. Salaadda iyo cibaadooyinka shacaa’irta waxaa awoodda la saaray falalka muuqda ayadoo aan ahmiyaddii ay mudnayd la siin qaybta ugu muhiimsan oo ah qalbiga iyo xusuusta Alle, marka laga reebo suufiyada qaarkood.

Dalkeennu wuxuu ku jiraa dalalka ugu nabadgelyada xun adduunka, waxaana sababta ugu weyn tahay qalalaase diineed. Koox yar ayaa gaalaysiisay Soomaalidoo dhan dhiigga dadkana bannaystay. In dabkaas bensiin lagu shubo oo lasii wado gaalaysiinta dadka waa wax laga xumaado. Wadaaddada waxaan ka codsaneynnaa inay joojiyaan gaalaysiinta ay caadada ka dhigteen, waxaanan xusuusinaynnaa in Alle keliya leeyahay xukunka uuna isagu ogyahay cidda gaalowday iyo cidda toosan, aakhirona tahay meesha lagu kala baxayo. Adduunka korkiisa cid kastaa siday la tahay Alle ha u caabuddo, nabadgelyo iyo istixgelinna ha lagu wada noolaado. Nabadgelyada dalka iyo horumarkiisu waa dan guud oo dadkoo dhan noloshiisu ku jirto, in laga wada shaqeeyana waa waajib ina wada saaran.

Wa Billaahi Altawfiiq

W.Q: CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2019 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.