Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Garowe

Muqdisho (WDN) Qarax xooggan, oo laga maqaly dhamaan daafaaha magaalada, ayaa ka dhacay Garowe, caasimada Dowlad goboleedka Puntland.

Goroowe, Puntland

Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in gaadhi ismiidaamin ah lala beegsaday gaadhi uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Md. Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta Booliska gobolka Nugaal. Ismiidaamiskaasi oo sababay dhaawaca Gudoomiyaha iyo taliyaha, inkasta oo aan wali la heyn war sugan oo ka soo baxay hay’addaha Aminga.

Wararka hordhaca ay ee soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegay in dhaawac isugu jira labada mas’uul iyo askartii ilaalada ahaa ee la socotay , la geeyay Cisbitaalka Garoowe.

Wax dhimasho ah wali lagama soo sheegin qaraxa ismaadaamiska ah.
Wixii warara ee ku soo kordhana, gadaal ayaan idinkala socodsiin doonaa, hadii Eebi ismo.

WardheerNews