Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Oday dhaqameedka Beesha Geri Koombe: Boob iyo caddaalad daro ka dhacday Doorashada Aqalka Sare ee Jubaland

Ku: Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka  Heer Federaal, Muqdisho      
Ku Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal
, Muqdisho

Og: Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha DFS, Muqdisho        
Og: Xafiiska Madaxweynaha DFS
, Muqdisho        
Og: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland       
Og: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

 Ujeedo: Boob iyo caddaalad daro ka dhacday Doorashada Aqalka Sare ee Jubaland- Kursiga Beelaha Koombe

Sida aad la wada socotaan Doorashada  Soomaaliya waa mid uu ragaadiyey muran daba dheeraaday oo sanad  in ku dhaw socday. Muranka iyo ismaandhaafkaasi waxuu dalka dib-ugu celin gaarey  khatar dagaal sokeeye. Ugu danbeyn  Dowlada Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ayaa isla gaarey in doorasho Daahfuran, Xor iyo Xalaal ah loo dareero, iyada oo ay gadhwadeen ka ahaayeen R/Wasaare Rooble iyo  Saaxiibada Soomaaliya 27 May 2021.

Haddaba beesha Geri Koombe  iyada oo ka duulaysa heshiikaas, waxaan codsanaynaa in la xanibo ama dib loo dhigo Kursiga Koombe, oo aan la dhaarin Senatorka loo xirey kursiga ilaa goa’aan  caadil ah laga helayo:

  1. Waxaan filayney si waafaqsan heshiiska saamiqeybsiga Doorashada in kursiga Koombe loo galayo tartan daahfuran oo xalaal ah, sidii doorashadii 2016.
  2. Waxaan filaynay In la dhawro qodobada heshiiska, islamarkaana saxiixayaashii heshiiskaasi ay fuliyaan habraacyada iyo xeerarka doorashada qaran.
  3. 27-ka Julay,  Madaxweynaha Jubaland wuxuu soo saarey Afar (4) ka mid ah Sideeda (8) kursi ee Jubaland ku mateli doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faderaalka. Sida Sharciga Doorashada Dadban  dhigayo oo ah in  Baarlamaannada Dowlad Goboleedka Jubaland  u codeeyaan xubnaha u tartamaya Kursiga Aqalka Sare .
  4. Liiska Afarta Kursi ee uu soo saarey Madaxweynaha Jubaland, waxuu ka reebey si Sharcidaro iyo xishood la’aan  ah Md. Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan oo ahaa xubintii  Beesha Geri Koombe ugu tartami laheyd, kursiga Koombe. Taasi oo ah xadgudub, caddaalad daro, naasnuujin iyo sadbursi beeleed ah.
  5. Haddaba hadaanu nahay madax dhaqameedyada Beesha Geri Koombe, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in falkii caddaalad darada ahaa ee ka dhacay  29 Julay magaalada Kismaayo, uu yahay fal ka soo horjeeda nidaamka saamiqeybiga 4.5 ee doorashada 2021 ee Soomaaliya.
  6. Waxa hubaal ah in haddii caddaalad darasdaasi iyo boobkaasi qaawan ee ka dhacay Kismaayo, ee lagula kacay beesha Geri Koombe indhaha laga qarsado, ay horseedi doonto, falal kaleeto oo caddaalad daro iyo dulmi ka dhaca goobo kaleeto iyo kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed oo lunta.
  7. Haddaba waxaanu dhamaan la socodiinaynaynaa DFS, Gudiga Doorashooyinka, Khilaafaadka iyo Beesha caalamka in boobka iyo caddaalad daradaasi ka dhacday Kismaayo ee doorashada Aqalka Sare kursiga Koombe, dib loo eego, islamarkaana lagu saleeyo si waafacsan saamiqaybsiga 4.5 ee Doorashadii 2016.

Wa bilaahi Towfiiq
Odaya dhaqameedyadda guud beesha Geri Koombe
1. Garaad Cabdi Maalik Garaad Cusmaan Garaad Cali, Garaadka Guud ee Beesha Geri
2. Suldaan Cabdullaahi Suldaan Maxamed Sh. Xasan Wacdi
3. Ugaas Cabdulqaadir Sh. Muxumed Bile
4. Ugaas Cabdisalaam Jaamac Faarax
5. Suldaan Cali Sh. Axmed Faraweyne
6. Ugaas Cabdiraxmaan Maxamed Sagal
7. Nabadoon Maxamed Cali Xaydar


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.