Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Noocyada Qurbojoogta Dalka Ku Soo Noqday

W.Q. Cabdullaahi M. Cawsey

Hordhac

Burburkii dalka iyo qaxii dhacay ka dib, dad badan oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku noqday dacallada aduunka. Qaxootigii dacallada adduunka u qaxay, waxay noqdeen qurbojoog muddo dheer dalka ka maqan. Soddon sano ka dib oo dagaallo sokeeye ah, qurbojoog badan ayaa dalkii ku soo laabtay. Qurbojoogta soo guryo noqday waxay u qaybsamaan noocyo kala duwan oo siyaabo kala jaad ah ula falgala nolosha adag ee dalka ka jirta.  Annaga oo adagaysanayna qawaacidda guud ee cilmiga-bulshada “Sociology’, qoraalkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaybaha iyo noocyada kala duwan ee qurbojoogta dalka ku soo laabtay. Inta badan qoraalkan wuxuu si gaar ah u eegayaa qurbojoogta ka timid dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerica.

  1. Qurbojoog Waaqica Garabmarsan:

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dalalka galbeedka wax ku bartay. Aqoon aad u sarreysa oo ay dhaxleen ka dib, qaar badan oo ka mid ah aqoonyahannadaas ayaa waxay go’aansadeen in ay dalkii ku soo laabtaan si dadka iyo dalka wax u taraan. Sababo badan oo cilmi-nafsi la xariira ayaa jira oo qasbay in ay dalka ku soo laabtaan taas oo aan ka xusi karno cunsuriyad ay dareemeen ama qiimayn la’aan ay kala kulmeen dalalkii ay wax ku barteen. Sababo kale oo waddaniyad iyo dal jaceyl la xariira ayay sidoo kale u soo laaban karaan.

Marka ay dalka yimaadaan, qaar badan aqoonyahannada noocan ka mid ah waxay garab maraaan waaqica dalka ka jira  ayaga oo aan ku soo tashan duruufaha bulsho iyo kuwa dhaqan- dhaqaale “socio economic”  ee dalka. Waxay dalka ku soo noqdaan ayaga oo aaminsan in Soomaaliya badbaado u baahantahay, isla markaana qasab tahay in ay ilbixiyaan ama wax baraaan Soomaalida dalka joogta ee ilbaxnimada iyo hormarka adduunka ka qaday. In sidaa ayaga oo aamisan dalka ku soo noqdaan waxaa sababaya ayaga oo aan fahamsanayn in aqoonta qallalan “Academic”  ee waddamada galbeedka lagu soo barto  aan toos looga dhaqan galin karin dalka Soomaaliya maaddaama dal walba leeyahay duruufo iyo dhaqamo u gaar ah.

Qurbojoogta waaqica garab maray waxay ka soocmaan bulshada, waxayna noqdaan aqoonyahanno ay ku adkaato  fahamka  bulshada ay la nooyihiin. Inta badan  waxay ku suganyihiin xaalad culimada-bulshada “ sociologists” ugu yeeraan “ double alienation” oo lagu Af Soomaaliyeen karo faquuqnaan labo shub ah. Xaaladdan waxaa inta badan gala ama dareema  aqoonyannada wax ku bartay  waddamada galbeedka ee la qabsan waayay nolosha reer galbeedka cunsiriyad ay dareemeen darteed isla markaana fahmi karin bulshadii Afrika ee ay ka yimaadeen,  kuwaas oo ay ka aaminsanyihiin in ay ilbaxnimadii adduunka ka qadeen.

Marka aad la sheekaysatid qurbo-joogta noocan ah waxay kuu sheegayaan in ay ku mashquulsanyihiin sidii ay siyaasadda ugu biiri lahaayeen ama u keeni lahaayeen mashaariic waaweyn oo dalka iyo dadkaba lagu badbaadinayo. Badanaa aqoonyahannadan qurbo-joogta ah waxaad ku arkaysaa goobaha Kofiga lagu cabbo ayaga oo laptops wata. Inta badan ma oggola in ay la shaqeeyaan dadka gudaha jooga “ locals” waayo waxay aaminsanyihiin in dadka dalka jooga u badanyihiin  reer miyigii oo magaalooyinka ku soo qammaamay kuwaas oo u baahan in la ilbixyo.

Mararka qaar waxay si kadis ah uga  soo muuqdaan siyaasadda dalka ayaga oo laga yaabo in ay qabtaan jagooyinka ugu sarreeya ee dawladda. Inta badan maamullada ama wasaaradaha ay  madaxda ka noqdaan waxay isku badalaan kuwo  fadhiid ah oo  laga dhaxlo siyaasado garab marsan waaqaca dalka ka jira.

2. Qurbojoog Waaqica Qiimeeyay

Waxaa jira qurbojoob badan oo waaqica dalka ka jira qiimeeyay ka dibna isku daya aqoonta iyo dhaqaalaha ay la soo guryo noqdeen in dalka iyo dadka uga faa’ideeyaan ayagana ka faa’idaystaan. Qurbo-joogga la falgala waaqica jira iyo qurbojoogga waaqaca garab maray waxay ku kala duwanyihiin hal aragti oo salka ku haysa fekerka laga aamisanyahay dadka aan ka bixin dalka  “locals” ee martida loo yahay. Sida  kor  ku xusan, qurbo joogta waaqica garab marsan  waxay qabaan aragti ah in dadka  dalka aan ka bixin u baahanyihiin in la ibixiyo iyo in siyaasadda lagu biiro oo Soomaaliya laga dhigo Soomaaliyadii ay ahaan jirtay waayihii wanaagsanaa  “nostalgia”.

Dhinaca kale, qurbojoogta waaqiciyiinta ah waxay qabaan aragti ah in dadkii ku haray gudaha   ee awoodi waayay in ay dalka  ka qaxaan aad u dadaaleen, iskuna dayeen in dalka dib loo  dhiso intii karaankooda ah   ayaga oo waliba ku sugan duruufo adag. Aragtidan lagu kala duwanyahay waxay sababtay in qurbojoogta waaqiciyiinta ah dalka ka shaqeeyaan isla markaana si dhow ula shaqeeyaan dadka gudaha jooga ee dadaalay. Qiimaynta  iyo la falgalidda waaqaca, wuxuu keenay qurbojoogta noocan ah in dalka ka noqdaan aqoonyahanno iyo ganacsato wax badan dalka ku soo kordhiyay.  Goobaha ugu badan ee qurbojoogta noocan ah aad ku arkaysid waa shirarka qabiilka, kulamada kooxaha diinta, bandhigyada ganacsiga iyo xarumaha looga doodo siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Mararka qaar waxay noqdaan siyaasiyiin adeegsada furaha qabiilka si ay dalka uga qabtaan jagooyin sare. Dhibaatada ugu weyn ee la soo darsa qurbojoogta noocan ah waa in muddo ka dib dadka gudaha “ locals”  aad ugu milmaan oo ay adkaato in ay gacanweyn ka geystaan wax ka beddelka xaaladda dalka ku suganyahay mustaqbalka fog.

3. Qurbojoog Khiyaali Aaminsan

Waxaa jira rag iyo dumar Soomaaliyeed oo la qabsan waayay nolosha adag ee Qurbaha. Sida badan qurbojoogta noocan ah waxaa ku adkaaday in ay wax bartaan ama shaqaystaan. Sida la ogyahay nolosha waddamada galbedka way adkaataa haddii uusan qofka wax baran ama shaqaysan. Marka laga soo tago cayrta wadddamada galbeedka ay ka qaataan, qurbojoogtan dhaqaale kale ma soo galo. Qaar ka mid ah qurbojoogta noocan ah waxay go’aansadaan in ay dalka ku soo laabtaan ayaga oo rajeynayaa in ay ka soo yara nafisaan nolosha adag ee Galbeedka. In badan oo ka mid ah qurbojoogta noocan ah waxay dalka ka billaabaan nolol khiyaali ah

Qaar waxay noqdaan waddaniyiin wareersan oo hadba madaxda maamula magaalada ay joogaan u guulwadeeya. Afartii sano ee la soo dhaafay waxay qurbojoogta noocan ah aad ugu biireen dadka dhaqaalaha ka sameeya taageerada maamulka madaxweyne Farmaajo kuwaas oo baraha bulshada ka caaya mucaaradka (CBB).  Qaar kale waxay noqdaan dad ku qarash gareeya cayrta ay qaataan iyo lacagaha ay ka helaan guulwadeynta balwadaha dalka ka jira iyo la tumasahda wiilasha iyo gabdhaha duruufaysan ee dalka ku sugan. Goobaha ay ku badanyihiin qurbojoogta noocan ah waxaa ka mid ah hoteellada aan badnayn ee sida casriga ah dalka looga dhisay iyo goobaha  lagu dalxiiso ee faro ku tiriska ah . Inta badan waxay ku mashquulsanyihiin in baraha bulshada lagu faafiyo  sawirro khiyaali u  badan oo aan ka tarjumuynin duruufaha dhabta ah ee dalka ka jira.

4. Qurbojoog Qasban

Qaybtan ugu dambaysa qurboogta dalka yimid waxay iskugu jiraan dhowr nooc oo siyaabo kala duwan ugu qasban joogitaanka dalka. Waxaa ka mid ah qaybtan kuwo dambiyo ka soo galay dalalkii ay ka yimaadeen sida dil ama dhac hanti kuwaas  oo aan ku laaban karin dalalkii ay ka soo carareen. Kuwo la soo tarxiilay oo sharcigii lagala noqday. Qaar badan oo ku biiray ururada xagjirka  ah ee dalka ka dagaallama taas oon  suurtagal ka dhigaynin in ay dib ugu laabtaan waddamada galbeedka. Qaar aaminsan in qurbaha lagu fasahaaday oo kuu sheegaya in ay naftoodii iyo caruurta la soo baxsdeen si ay diintooda iyo dhaqankooda u ilaalashadaan.  Wayna adagtahay qurbojoogta  qasban in si fudud loola kulmo sababo la xariira tiradooda oo yar iyo ayaga oo bulshada aad u dhaxgala isla markaana aad  u  qariya taariikhdooda.

Gunaanad

Qoraalkan ma ahan mid cuskan cilmi-baaris dhab ah balse waxaa saldhig u ah indho-indheyn cuskan cilmiga-bulshada “sociological observation” iyo waayo aragnimo labo sano ah oo dalka aan ka shaqeeyay. Farriinta ugu  muhiimsan ee maqaalkan gudbinayo waa fahamka qaybaha guud ee ay u qaybsami karaan  qurbo-joogta dalka ku soo laabtay dhawaanahan.  Waxaa macquul ah in ay jiri karaan qaybo kale oo ka mid ah qurbojoogta dalka ku sugan oo uusan  qoraalkani xusin. Ugu dambayntii qoraalkan wuxuu akhristaha ku baraarujinayaa halista ka iman karta marka ay siyaasadda iyo maamulka  dalka ku soo biiraan qurbojoog waaqaca garab marsan iyo qorbojoog khiyaali aaminsan.

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.