Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Nidaamka Xisbiyada Puntland: Fursadaha iyo Caqabadaha

WQ/ Sakariye Axmad Maxamed

Hordhac

Tan iyo aasaaskii dawladnimada Puntland, dadka reer Puntland waxa ay ku taamayeen in ay iyagu yeeshaan go’aanka cidda metalaysa, iyaga oo ka duulaya Axdi-qarameedkii lagu aasaasay dawladda Puntland ee Soomaaliyeed. Axdi-qarameedkaasi oo qasab uga dhigayay dawladdii ugu horreysay ee Puntland yeelato 1998-kii, in ay dalka ka hirgaliso nidaamka Xisbiyada badan iyo in ay u fududayso bulshada reer Puntland in ay hannaanka hal qof iyo hal cod ku doortaan Madaxdooda iyo matalayaasha ku metalaya golayaasha degmad iyo Golaha-Wakiilada.

Xaruntii Golaha Baarlamaanka ee 1960-kii , Muqdisho, Soomaaliya

Haddaba riyadaas ayaa ah mid aan ilaa xilliga aan qoraalkaan qorayo hirgalin, balse ay muuqato in wakhtigan loo hoggaanqaaday, bulshaduna hiyikacday.

Marka laga yimaado xamaasadda loo qabo isbeddel hannaanka doorashada iyo hiyikaca bulshada ee hannaanka dimuqraadiyeynta, waxaan lagama maarmaan ah in si xeeldheer oo cilmiyeysan loo darso hayaankaas. Natiijada ka dhalata hayaankaas, waxay hadba ku xirantahay sida loo oddoroso loona taxliiliyo caqabadaha iyo fursadaha barnaamijkaas. Haddaba maxay yihiin fursadaha uu haysto barnaamijkaan? Maxaa se caqabado oo ku xeeran?

Hannaanka dowladnimo, waxaa saldhig ah shuruuc hagta iyo hay’addihii qaabilsanaa diyaarinta iyo fulinta xeerarkaas oo diyaarsan. Hadda ba xeerarka iyo dastuurka Puntland ee hadda jira ma yihiin kuwo si buuxda u dhaqan gelinaya yidiidalada bulshada reer Puntland ee ah inay helaan hannaan ay ku doortaan dadka matalaya, kulana xisaabtamaan? Hay’addihii aasaaska u ahaa xeerarkaas ma dhammeystiranyihiin?

Anigoo ku salaynaya fahankayga aqooneed ee xeerarka dowladnimo, waxaan weydiimahaas iyo kuwo kale ba isku deyi doonaa in aan qormadaan soo socota uga hadlo si faahfaahsan. Qormadaan waxa ay ka koobantahay saddex arrimood oo aan u kala horraysiin doono sida ay halkaan ugu kala horeeyaan:-

  1. Sooyaalka doorashooyinkii hannaanka xisbiyada badan ee Soomaaliya, caqabadihii haystay iyo guulihii laga dhaxlay.
  2. Saamaynta xisbiyada siyaasaddeed ay ku yeelan karaan bulshada
  3. Fursadaha iyo caqabadaha ka dhalan kara nidaamka xisbiyada badan ee Puntland

Waxaan rajaynayaa in aad si deggan u akhrin doonto qormadaan, dooddaadana aad ku salayn doontid warbixinnada iyo xogta ku qoron halkaan haddii aad ku qanacdo insha ALLAH.

1. Sooyaalka doorashooyinkii hannaanka xisbiyada badan ee Soomaaliya, caqabadihii haystay iyo guulihii laga dhaxlay:

  • Doorashadii golaha deegaanka 1954 [1]

Sooyaalka doorashadii ugu horreysay ee Soomaaliya ka dhacda waxa ay ahayd tii degmooyinkii gobolladii Soomaaliya ee xilligii daakhiliyadda—muddadii u dhaxaysay 1950—1960 ee dalka loo diyaarinayey dowladnimada. Doorashadaas oo dhacday 28-kii maarso 1954-kii waxa ay ka dhacday 35-tii degmo ee xilligaas ay ka koobnaayeen goballadii ku jiray nidaamkii daakhiliyadda ee Talyaanigu gumeysan jiray.

Waxa ay ahayd doorashadaasi tii ugu horreysay oo ay xisbiyada siyaasadda ee xilligaas jiray ay galaan iyada oo doorashadaasi muujisay sida uu ahaa wacyiga siyaasiyiintii Soomaaliyeed iyo kan buslahadaba.

Waxaa doorashadaas ka qayb galay saddex isbahaysi iyo xisbiyo yaryar oo madax bannaanaa. Isbahaysiyadaasi waxa ay kala ahaayeen:

  1. Xisbigii SYL oo kalfadhigoodii 28–30 October 1953, ku doortay golaha dhexe ee xisbiga oo ka koobnaa 16 xubnood, sidoo kalena doortay guddoomiyaha guddiga fulinta oo ay u doorteen Aadan Cabdille Cismaan ku xigeenna ay u doorteen Faarax Cali Cumar, xoghaya guudna ay udoorteen Sheekh Ciise Maxamed.
  2. Xisbigii Isbahaysiga Dimuquraadiyadda oo ahaa isbahaysi ay ku midoobeen sagaal xisbi, 7-dii july 1953-kii oo kala ahaa  Digil iyo Mirifle , Xisbiga Midwga Soomaali-Afrikaanka, Dalladda Horumarinta Soomaaliya, Shirweynaha Soomaaliyeed, Ururka Dhallinyarada Abgaal, Midowga Dhalinyarada Banaadir, Midowga Shaqaalaha Birta Culus, Dalladda Qowmiyiinta Soomaaliya iyo Midowga Shaqaalaha Waddaniga. Waxa ayna ku heshiiyeen in saddexdii biloodba uu xisbi qabto xoghaya guud waxaana noqday xoghayihii guud Cabdi nuur Maxamed Xuseen oo ahaa guddoomiyihii xisbiga digil iyo mirifle.
  3.  Xisbigii Midowgii Waddaniyiinta oo isaganu ka dhashay isku biiritaan bishii Agoosto 1953-kii ay isku biireen labadii xisbi ee kala ahaa Dalladda Waddaniyiinta Soomaaliyeed iyo Jamciyadda Shaqaalaha Waddaniyiinta ah.

Doorashadaas oo tirada kuraasta golaha deegaanku ahayd 270 kursi oo Soomaalidu lahayd iyo 36 xubnood oo loo gaaryeelay ajaanibtii dagganayd Soomaaliya. Xisbiyadii waxa ay ku tartamayeen 270 xubnood oo Soomaalidu gaar u lahyd waxaana guushu ay raacday xisbigii SYL oo helay 142 kursi, natiijadiina waxay ahayd sidaan

  1. SYL oo helay 142 cod
  2. Isbhaysiga Dimuqraadiyadda oo helay 124 cod (Digil iyo mirifle 57; Xisbiga Midowga Afrikaanka 28; Dalladda Horumarinta Soomaaliya 22; Dalladda Qoomiyiinta Soomaaliya 9; Midowga Dhalinyarada Banaadir 5; Ururka Dhalinyarada Abgaal  3
  3. Inkoora : 1
  4. Timirta : 3

Ajaanibta ayaa iyana sidaan loogu qaybiyay kuraasta 22 Carabta lasiiyay, 10 Talyaanigii lasiiyay, 3 Bakistaaniyiintii lasiiyay iyo hal kursi oo gaar u ahaa Hindida.

  • Doorashadii Golihii Sharci Dajinta 1956[2]

Doorashadaas oo dhacday Maarso 1956-kii ayaa waxa ay ahayd mid lagu tartamayay golaha sharci-dejinta (Baarlamaanka) ugu horeeyay ee Soomaalidu yeelato wakhtigi daakhiliyada. Doorashadaas oo lagu tartamayay 60 kursi ayaa waxaa iyana helay aqlabiyada xisbigii SYL oo helay 23 kursi, Xisbigii Digil Iyo Mirifle oo helay 13 kursi, Xisbiga Dimuquraadiyadda Soomaaliya oo helay 3 kursi iyo Xisbiga Midowga Dhalinyarada Marreexaan oo helay 1 kursi. Si lamid ah tii golaha deegaanka ayaa waxaa qoondo laga siiyay ajaanibtii degganayd dalka iyada oo Talyaaniga lasiiyay 4, Carabta 4, Hindida 1 iyo hal Bakistaaniyiinta.

Inkastoo awoodda maammul uu lahaa Talyaaniga oo masuul ka ahaa u diyaarinta Sommaalida dowladnimada, hadda na doorashadaas ayaa waxaa ka dhashay in ay Soomaalidii daakhiliyada ay helaan xukuumad iyaga metasha, waxayna ahayd tillaabo horay loogu qaaday habkii Soomaalidu ay danahooda hoose u maamulanayeen, tababar fiicanna u noqonaysay xukuumaddaas xorriyadda kadib. Waxaana golihii xukuumadda soo dhisay xisbigii SYL maadaama uu haystay aqlabiyadda golaha deegaanka iyo tan baarlamaankaba waxaana Ra’isul-Wasaare loo dooraty mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud.

  • Doorashadii golaha deegaanka 1958[3]

Waxaa xukuumaddii daakhiliyadu ee uu hoggaaminayay Cabdulaahi Ciise go’aansatay 30-kii Luulyo 1958-kii in la kala diro dhammaan xubnihii golaha deegaanka ee la doortay 1954-kii, waxaana doorasho loo ballamay 20-kii October 1958-kii [muddo saddex bilood gudahood!]. Doorashadaas oo ay ka qayb galeen codbixiyaal gaarayey 108,997 ayaa waxaa lagu tartamayay 663 boos, waxayna aqlabaiyadu raacday xibsigii SYL oo helay 416 kursi. Doorashadaan waxa ay ahayd tii ugu horreysay oo xaq u siisay gabdhaha Soomaaliyeed in ay codeyn karaan isana shirrixi karaan.

  • Doorashadii Golaha Sharci-Dajinta 1959 [4]

Doorashadaas ayaa waxa ay dhacday kowdii Maarso 1959-kii waxaana lagu tartamayay 90 xildhibaan oo gobollada loogu kala qaybiyay sidaatan: Gobolkii Majeerteeniya 12, Mudug 13, Hiiraan 12, Banaadir 18, Jubbada Sare 22, Jubbada Hoosena 12. Waxaa doorshadaas ku guulaystay Xisbigii SYL oo helay 83 xildhibaan, doorashadaan ayaa ahayd mid muran badan uu hareeyay ilaa ay ugu dambeyn xisbiyadii oo dhan ay qaadaceen natiijada doorashada marka laga reebo saddex xisbi oo uu kujiro xisbigii talada hayay ee SYL. Doorashadaasi waxay ahayd bilowgii muranka iyo isqabqabsiga siyaasadeed, kaas oo xargaha furtay doorashooyinkii u dhaxeeyey 1960—1969.

Kh. Doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya, 1964[5]

Doorashadaan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo dhacda xorriyada kadib, waxayna dhacday 30-kii Maarso 1964-kii waxaana doorashadaan ka qayb galay 914,069 oo cod bixiyeyaal ah, waxaana ku guulaystay aqlabiyadda Xisbigii SYL oo ka helay 69 kursi tirada kuraasta guud oo ahayd 123 kursi.

  • Doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya, 1969[6]

Waxa ay ka dhacday Soomaaliya 26-kii Maarso 1969-kii, Waxaana ka qaybgalay 64 xisbi siyaasadeed, qaybo ka mid ah xisbiyadaas waxaa la aasaaasay doorashada inta aaneey dhicin wax yar ka hor.  

Natiijooyinka doorashada waxaa ku soo baxay SYL oo ka helay 73 tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka oo ahayd 123 kursi. Tiro 27 xisbi ayaa doorashada ka helay kuraas, balse wax yar uun kadib doorashada, qaybo badan oo ka mid ah xildhibaannada xisbiyada yaryar waxa ay ku biireen SYL. Markaas  SYL waxa ay heshay 109 kursi. Dhammaadkii bishii Maajo, waxay kaloo SYL la jirsaday xisbiga SNC, taasna waxay ka  ahayed in ay fursad u helaan SYL kalsoonida 120 ee 123 kursi. Waxaana doorashadaas ka qayb galay 879,554 codbixiyaal.

  • Doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya, 1979 [7]

Waxa ay ka dhacday Soomaaliya 30-kii Diseembar 1979-kii. Doorashadaani waxa ay ahayd tii ugu horreysay ilaa iyo 1969-kii waxa ayna u dhacaysay hab ka duwan kuwii hore oo waafaqsan dastuurkii loo codeeyey ee aftida loo qaaday agoosto 1979-kii. Dastuurkaas dalka ka dhigtay dowlad-hal xisbi ah—Hannaankii dowladeed ee Shuuciyadda. Natiijadiina waxa ay noqotay in Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) uu yahay cidda keliya ee u tartamaysa doorashooyinka. Waxaana la kala dooranayay liis ka kooban 171 xubnood, habka doorashaduna ahayd “Haa iyo Maya”.

Waxaa lasoo sheegaa in doorashadaas 99.91% in ay ku codeeyeen ‘haa’, waxaana ka qayb galay 3,985,838 qof oo codbixiyeyaal ah.

  • Doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya, 1984

Waxa ay ka dhacday Soomaaliya 31-kii Diseembar 1984-kii, dalku na waxa uu ahaa dowlad-hal xisbi ah waqtigaas, XHKS ayaana ahaa xisbiga keliya ee sharciga ah. Codbixiyeyaasha waxaa la waydiistay in ay “Haa” ugu codeeyaan 171 xubnood oo ka socday Xisbiga Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed[8].

Aftidii Dastuurka Soomaaliya

Marka laga yimaado doorashooyinkaas waxaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ay afti ku ansixiyeen Dastuurka Soomaaliya laba jeer oo kala ahayd

  1. Aftidii Dastuurka Soomaaliya, 1961[9]

Waxa ay dhacday 20-kii Juun 1961-kii si loogu codeeyo dastuurka cusub ee dalka. Waxaa soo abuubulay afttida labadii maammul ee ku midoobay Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Dhulka Biritishka ee Soomaaliya iyo Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya). Waxa ayna ku ansixiyeen 90.56% , waxaana ka qayb galay 1,948,348 oo cod bixiye.

  • Aftidii Dastuurka Soomaaliya, 1979[10]

Waxa ay ka dhacday Soomaaliya 25-kii Agoosto 1979-kii. Waxa uu ahaa dastuur cusub oo lagu beddelay kii 1961-kii, waxa uuna ka dhigay dalka dowlad-hal xisbi ah, madaxweynuhuna yahay cidda keliya ee sarraysa. Waxaana lagu ansixiyey 99.78%, iyada oo ay ka qayb galeen 3,605,490 oo cod bixiye.

Caqabadihii iyo guulihii laga dhaxlay doorashooyinkaas

Sida aad aragto waxaa Soomaaliya ka dhacay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah, oo dhammaantood ahaa kuwo lagu dooranayay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Golayaasha Degmooyinka.

Marka laga reebo doorashooyinkii dhacay xilligii kacaanka, oo iyagu ahaa kuwo ku dhisan nidaamka halka xisbi (One Party System), dadkii goob joogga ahaana ay dood badan galiyeen xalaalnimada doorashadaas, haddana waxa aan dhihi karnaa guusha ugu wayn oo doorashooyinkaas laga dhaxlay ayaa ahayd in dadka Soomaaliyeed ay gacantooda ku jirtay ka talinta aayahooda. Taas oo u sahlaysay in ay doortaan qofka ku metalaya dawladda dhexe iyo tan degmadaba, oo ka dhignayd, in qof muwaadinka uu haystay fursad dhab ah uu kula xisaabtamo dadka matalaya.

Wakhtigii daakhligi ay doorashooyinka dalka ka dhacayeen, aqoonta bulshadu aad bay u hoosaysay, guud ahaan dalku ma lahayn awood dhaqaale, bulshada iyo hoggaanka siyaasiga ahna midna waayoragnimo uma lahayn hannaan doorasho oo dadweyne. Dhammaan duruufahaas jiray, bulshadii xilligaas kama hor istaagin inay ku dhiirradaan barnaamij doorasheedka qof iyo cod. Waa cashar laga baran karaa sida bulshada Soomaaliyeed ugu bisilyihiin dimuqraadiyeynta.

Marka laga yimaado fursadahaas, waxaa jiray cillado uu lahaa nidaamkaas xisbiyada badan: Hannaanka doorashada oo ahaa mid ku dhisan baarlamaani, taas oo ka dhignayd in aysan shacabku helin fursad ay ku doortaan madaxda ugu sarraysa dalka sida madaxwaynaha. Hannaankaani waa midka ilaa hadda uu ku dhisan yahay dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dastuurrada Dowladaha Xubnaha ka ah.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ahayd, in hannaankaas bulshadu aysan aqoon buuxda u lahayn, aysana helin wacyigelin iyo tabobarro ku filan. Tani waxay dhali jirtay in mararka qaar ay dhacaan fawdo iyo qalalaase gaara gacan ka hadal.

II: Saamaynta xisbiyada siyaasaddeed ay ku yeelan karaan bulshada

Marka la sharraxayo heerka ay gaarsiisan tahay dowladnimada dal uu leeyahay, waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga cabbir-qaato waxaa ka mid ah hadba sida ay yihiin xisbiyada siyaasddeed ee ka jira dalkaas.

Dalka oo aysan ka jirin hannaan xisbiyo oo awood badan, waxa ay ka dhigantahay in la waayo:

  1. Miisaankii talowadaagga,
  2. Islaxisaabtanka,
  3. korjoogtaynta xukuumadda iyo
  4. Ilaalinta sharciga.

Dhanka kale, xisbiyada siyaasaddeed waxay saameyn toos ah ku leeyihiin noloshada bulshada, si ay u helaan kalsoonida shacabka, waa inay wax ka qabtaan adeegyada, daryeelka iyo baahiyada bulshada. Sidaas si la mid ah, kuwa aan talada hayn, waxay u qareemaan bulshada, una usoo bandhigaan galdaloollada xukuumadda.

Dhanka kale, xisbiyada siyaasiga ah waxa ay dhaawaci karaan midnimada bulshada iyo guud ahaan dalka, iyagoo raadinaya maslaxado gaar ah. Arrintaan ayaa inta badan dhacda, kolka ay xisbiyadu jabiyaan xeerarka dalka u yaalla sidoo kale na la baalmaro hannaanka talowadaagga dowladnimo.

Guud ahaan, dowladaha ay ka jiraan nidaamka xisbiyada badan way ka horumarsanyihiin kuwa ay haystaan halka xisbi ama uusanba ka jirin nidaam xisbiyo ku dhisan, waayo dadku waxa ay haystaan fursad ay ku dooran karaan kulana xisaabtami karaan qofka metalaya iyaga.

III: Fursadaha iyo caqabadaha ka dhalan kara hannaanka xisbiyada badan ee Puntland

Inta badan dadka u dhuundaloola arrimaha siyaasadda Puntland iyo awood qaybsiga waxa ay isku raacsanyihiin in nidaamkaan uu yahay mid fursad wayn u ah qofkasta oo raba in uu qayb ka noqdo geeddi-socodka maammul iyo hoggaammin-ta Puntland.

Hadda ba, aan si kooban halkaan idinkula wadaago fursadaha uu u leeyahay nidaamka xisbiyada badan ee Puntland:

  1. Waxa uu fursad u siinayaa shacabka reer Puntland in ay iyagu doortaan cidda ku metalaysa golayaasha maammul ee Puntland heer degmo ilaa heer dhexe.
  2. Xisbiyada siyaasaddu waxa ay firfircooni ku abuuraan nolosha siyaasaddeed ee dawladda.
  3. Waxaa Meesha ka baxda keli-talisnimada xukuumadda talada haysa iyada oo aan tallaabo aan sharciga waafaqsanayn qaadi karin, maadaama ay si joogto ah ula socdaan xisbiyada mucaaradku.
  4. Waxa ay abuurtaa dareen siyaasaddeed oo ay bulshadu kula soconoyaan waxqabadka siyaasiyiinta iyo u hawlanayaasha dantaguud.
  5. Waxa ay siyaasiyiinta ku khasabtaa in ay mar walba ka shaqeeyaan danta bulshada ay berri codka u soo raadsanayaan.
  6. Waxa uu qayb weyn ka qaadan karaa kobcinta dhaqaale ee bulshada. Tusaalle, 17-ka urur siyaasadeed ee wakhtigaan diiwaangelinta hore kasoo gudbay iyo hadda oo 9 ururu ay ku tartamyayan golayaasha deegaanka ee sadexda magaalo ee loo soo hormariyay doorasshada, waxa ay badankoodu xafiisyo heer gobol iyo heer degmo ka sameystaan, qalabeeyaan xafiisyo, sidoo kale daabacaad iyo warbaahin ay awood galiyaan. Dhammaan arrimahaas waa dhaqaale dib ugu laabanaya bulshadii. Sidaas ay tahay wali la islama gaarin ololayaashii siyaasaeed oo ay ku baxayaan dhaqaale badan.

Haddii aan intaas ku soo koobno fursadaha ka dhalan kara haddii uu barnaamijkaan hirgalo, waxaan isku dayeynaa bal in aan wax ka iftiimiyo caqabadaha uu abuuri karo nidaamka xisbiyada badan ee ay haddeer Puntland u durbaan tuntay hirgalintiisa.

Caqabadaha ayaan waxaan u kala qaadayna kuwo  dhanka 1) sharciyada ah iyo kuwa dhanka 2) bulshada ah, maadaama uu yahay barnaamij dhaqan galintiisu ku cusubtahay inta badan bulshada ree Puntland.

  1. Caqabadaha dhanka sharciyada.

Si nidaamka xisbiyada badan uu u noqdo mid hirgala waxaa lagama maarmaan ah in loo dhamaystiro dhammaan sharciyadii iyo hay’addihii lagama maarmaanka u ahaa taabbagelinta nidaamkaan. Xilliga hadda la joogo waxa Puntland ay ku guulaysatay dhisidda Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Guddigaan ayaa ka mid ah, hay’addaha lafdhabarta u ah hirgelinta hannaanka.

Si la mid ah guddigaas, waxaa jira hay’addo badan oo lagama maarmaan ahaa oo aan weli la dhisin iyo kuwa dhisan balse aysan weli ka muuqan madax bannaani ay ka madax bannaan yihiin hay’adda fulinta Puntland.

Nidaamka xisbiyada badan ayaa ah nidaam dhiirrigaliya kala aragti duwaanashiyaha bulshada, taas oo mararka qaarkood gaarta is qabqabsi ka dhasha xisbiyada talada haya iyo kuwa mucaaradka ah. Kolka ay taas dhacdo, marjica kaliya ee lagu kala bixi karo ayaa ah dhanka sharciga, waana tan ka dhigaysa lagama maarmaan ah in hay’addaha lagu kala baxayo ay noqdaan kuwo dhisan oo tayasan kana madaxbannaan dowladda, si ay xisbiyadu u dareemaan in ay u siman yihiin kuna qancaan u gar dhiibashada hay’addahaas.

Si uu nidaamkaan xisbiyada uu u hirgalo waaa in:

  1.  La dhammeystiraa dhisitaanka Maxkamadda Dastuuriga.
  2. Hay’adda xeer ilaalintu yeelato madaxbannaani cad oo ay ka madax-bannaantahay Golaha Fulinta.
  3. La taabbageliyo Madaxbannaanida hay’addaha kala ah Guddiga Doorashooyinka, Hantidhawrka, Xuquuqul Insaanka, Golaha Adeegga Garsoorka, Maxkamadaha Heer Gobol iyo Heer Degmaba.

Inkastoo Hay’adahaani yihiin kuwa madaxbannaani uu siiyey Dastuurku, haddana habdhaqankeenna dowladdeed wuxuu muujinayaa in madaxbannaanida hay’adahaan qaarkood aysan xoogganayn. Tusaalle, waxaa si sahlan loo beddelaaa ama xilka qaadis lagu sameeyaa Hay’adaha Hantidhowrka iyo Xeer Ilaalinta. Sida ku cad qodobka 119aad ee Dastuurka, Guddiga madaxabannaan ee Difaacista Xuquuqul Insaanka waxaa xilka ka qaadi kara saddex-meelood labo (2/3), haddaba si la mid ah hay’addaan ayey ahayd in loo adkeeyo xilkaqaadista hay’adaha Xeer ilaalinta iyo Hantidhowrka si loo dhowro ka madaxbannaanidooda xukuumadda.

Intaas marka laga soo tago waxaa ay Puntland ku guulaysatay in ay ansixiso xeerarka lagama maarmaanka u ah hawlgalinta shaqada doorashooyinka, laakiin waxaa jira dhawr goldoloollo oo dhalin karta carqalado haddii aan dib u eegis lagu sameyn Xeerarkaas, ka hor inta aan lagu dhaqaaqin barnaamijkaan. Qodobadaas waxaa ka mid ah

  1. Qodobka 6aad farqadda 1aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaannada Puntland waxa uu muujinayaa in madaxwaynuhu uu saamayn ku lahaanayo go’aaminta maalinta doorashadu dhacayso, taas oo caqabad ku keeni karta daahfurnaanta doorashada. Inkastoo xeerka gadaal laga raaciyay in uu 6 maalmood gudahood ku faafiyo, haddana hadii aysan dhicin arrintaas laguma muujin xeerka waxa dhacaya. Ma muddadii baa sidaas ku hawl galaysa mise Madaxwaynaha ayaa la sugayaa? Sidoo kale inteebaa la sugayaa madaxweynaha? Guddiga Doorashooyinka maxaa u yaal haddii madaxwaynuhu uu la daaho ama uu dhaafo muddadaas? Si loo helo jawaabahaan, waa in xeerka dib u eegis lagu sameeyaa.
  2. Sida ku cad qodobka 16aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaannada Puntland, habka doorashada Golaha Deegaanka Puntland waa habka liistada xiran, oo dadku waxa ay dooranayaan waa xisbiga ee ma dooranayaan xildhibaanka. Tusaale, Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Garoowe looma jajabin doono qaybaha ay ka kooban tahay degmadu, taas oo ka dhigan in uusan xildhibaanku jirin goob uu si gaara uga soo galo golaha deeganka. Tan ayaa ka dhigan in degmo kasta ay noqonayso si isku xiran degmo doorasho. Habkaani wuxuu meesha ka saarayaa matalaaddii dhabta ahayd ee xildhibaannada golaha deegaanka looga baahnaa inay ku metalaan xaafadaha iyo tuulooyinka hoos yimaada. Waxaa habboonayd, tusaale, in haddii Garoowe iyo Tuulooyinka hoos yimaada ku noolyihiin saddexboqol oo kun oo qof, tirada xildhibaanadeeduna yihiin 27, kolka la iksu qeybiyo tirade dadka degmada [300,000] iyo tirade xildhibaanada waxaa soo baxaya 11 kii kun oo qofba ay leeyihiin xildhibaan ku metala golaha deegaanka caasimadda. Si la mid ah, haddii magaalada Kalabayr oo Degmada Garoowe hoos timaadda ay noqdaan dadka deggeni iyada iyo deegaanada miyiga ah ee ay maamushaahi 25,000 oo qof in sidaas ay ku yeelanayso laba xildhibaan, kuna noqonayso deegaan doorasho la dhigayo laba kursi oo ay xisbiyadu ku tartamaan.
  3. Qodobka 16aad Farqaddiisa 5aad Ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanada Puntland wuxuu dhigayaa in haddii degmo ‘A’ uu hal urur soo gudbiyo musharraxiintiisa urarrada kalana aysan waxba soo gudbin waxaa sidaas lagu qaadanayaa liiskaas, iyada oo aysan wax codbixin ah samayn dadka degmada xataa haddii uu yahay ururkaasi mid aysan dadka degmadu rabin, waana arrin meesha ka saaraysa in dadku dantooda ka taliyaan iyadoo ay ahayd in ugu yaraan loo siiyo fursad ay “Haa” iyo “Maya” ku doortaan.
  4. Shuruudaha xubnaha golaha deegaanka ee ku cad qodobka 28aad farqadda 2aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanada Puntland oo ka hadlaysa in uu si rasmi ah u deggan yahay degmada uu iska sharaxayo ayaa ah mid aan caddayn waxa loola jeedo si rasmi ah. Tusaalle haddii uu degmada deggan yahay wax kayar sannad ma noqonaysaa rasmi mise ma noqonayso?  Waxaa mudnayd in ugu yaraan lagu xuso muddo haddii kale waxa ay noqon kartaa qodob muran keena oo wax u dhima degaanshiyaha doorashada.
  5. Waxaan caddayn cidda xaqa u leh in ay cod ka dhiibato goobta codbixinta iyada oo taas ka dhigaysa in qofku goob kasta uu ka dhiiban karo codka sidoo kale maadaama aan la aqoon tirada goobta codbixinta xaqa u leh Iyana waxaa dhacaysa in aan la xakamayn karin tirada waraaqaha codbixinta, taas oo keeni karta in ay dhacdo ku shubasho.
  6. Qodobka 36aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanada Puntland oo qeexaya waxyaalaha laga rabo codbixiyaha waxaa mooddaa in farqadda ‘T’ aad   loo fududeeyay taas oo ay dhici karto in uu codkiisa dhiiban karo qof aan qornayn ama aan diiwaan gashanayn, iyada oo la furay qaabka loo cadayn karo in uu yahay muwaadin xaq u leh codbixin, taas oo ka dhigan in guddiga goobtu ay iyagu go’aaminayaan cidda xaqa u leh iyo cidda aan xaqa u lahayn codbixinta.
  7. Qodobka 54aad ee xeerka doorashada golayaasha deegaanada Puntland    waxa uu qeexayaa in 21 degmo oo keliya ay ka dhacayso doorashada 1aad taas oo haddii sidaas loo qaato ka dhigan in degmooyin kor u dhaafaya 20 degmo oo ay Puntland Degmo ka dhigtay inaysan doorasho ka dhici doonin.
  8. Xeerarka urrurada waxaa ugu muhiimsan qodobka 9aad oo ah in kuraasta golaha deegaanka ee ay heleen ururrada aan saddexda xisbi noqon ay u furantahay in ay xisbiyo kale ku biiraan oo keliya, inkasta oo aan la raacin waxaa imaan karta xildhibaanka gole deegaan ee ururkiisi haray ma u furan tahay in uu si madaxbannaan xildhibaan u sii ahaado, mise waxa uu ku khasbanyahay in uu saddexdaas mid ku biiro.
  9. Sida ku cad qodobka 124aad ee Dastuurka Puntland iyo qodobka 29aad ee Xeerka wax-ka-bedelka shrciga maamulka gobolada, degmooyinka iyo dhismaha golayaasha deegaanka dawladda puntland  duqa degmo kasta oo ka tirsan Puntland waxaa dooranaya golaha deegaan ee degmadaas, taas oo ka dhigan in golaha deegaanku dooran karaan guddoomiye aan ahayn xisbigii lahaa aqlabiyadda golaha taas oo keeni karta:-
  10. In xildhibaannada xisbiyadu ay ka gudbaan ama ay khilaafaan aragtida xisbiga sidaasna ay ku doortaan musharrax aan ahayn musharaxii xisbigooda, maadaama ay codbixintu tahay mid sir ah.
  11. In haddii xildhibaannada ka tirsanaa uraradii haray ay tiro ahaan yihiin kuwo badan inay saameyn ku yeelan karaan cod bixinta. Tusaalle hadii degmada Garoowe xisbi “A” uu helo 10 xildhibaan xisbi ‘B’ na uu helo 6 xildhibaan xisbi ‘C’ na uu helo 4 xildhibaan, tirada soo hartay oo ah 7-na ay yihiin xildhibaano ururradoodii laga raayay ay dhici karto in ay codkooda siiyaan musharraxa xisbiga “C” taas oo kadhigi karta 11 cod oo ah codad ka badan kuwa ay haystaan labada xisbi ee ka sarreeya, waana arrin muran iyo jahwareer abuuri karta. Sida aan ku soo sheegay horay qodobka 9aad ee xeerka ururada siyaasaddu sifiican uma qeexayn masiirka xildhibaannada uraradoodii laga adkaaday.
  12. Sidoo kale waxa ay ahayd in xeerka doorashooyinka lagu qeexo in xisbiga leh aqlabiyadda golaha deegaanku uu isagu xaq u lahaanayo duqa degmada, wax tartan ahna aan lala galayn, ama ay ahayd in muwaadiniinta degmada la siiyo awood ay ku doortaan cidda ay u rabaan duqa degmadooda. Labadaan amuurood ba, waxa ay u baahanyihiin waxkabeddel Dastuur, waana arrin aan muuqan xilligaan in dib loo furayo dastuurka.

Inkasta oo aan waqtigeedii la joogin, haddana waxaa mudan in la ogaado inaysan diyaarsanayn xeerarki doorashada Golaha wakiillada Puntland iyo Madaxweynaha, taas oo ka dhigan in dadka Puntland aysan xaq u lahayn doorashada madaxwaynahooda oo ay keliya dooran karaan xildhibaanada golaha wakiilada.

Caqabadaha dhanka bulshada

Bulshada reer Puntland mabda’ ahaan waa kuwo aad u soo dhawaynaya nidaamkaan cusub in loo guuro oo laga guuro nidaamkii ay odayaasha dhaqanku ku soo xulayeen xildhibaannada golaha deegaanka iyo kuwa baarlamaanka iyaga oo markaas wakiil ka ah qabiilada ay metalaan, balse waxaad mooddaa in uu faqri u dhaxeeyo marka la dhaqan galiyo barnaamijkan iyo marka aan la dhaqan galin, waxaanna dhihi karnaa in dhaqan galinta nidaamkaan ay ka imaan karaan caqabdo u baahan in xalkooda loo diyaar garoobo waxaana kamid ah:-

  1. Maadaama golayaasha deegaannadu ay ahaayeen kuwo tan iyo intii ay jirtay Puntland ku dhisnaa awood qaybsi qabiil iyada oo qabiil walba waxa uu leeyahay uu ogaa , haddaba waxaa hubaal ah in nidaamkaan cusub uu ku dhisnaan doono mid aan u aabba-yeelayn awood qaybsiga qabiillada, iyada oo uu xisbi walba soo xulayo liis kaas oo uu hadba tirada codadka uu helay iyaga uu ku salaynayo,  taas oo keeni karta in qabiil heli jiray sadex kursi uu helo kuraas ka badan kuwii uu heli jiray taas beddelkeeda qabiil heli jiray  4 kursi uu helo kuraas ka yar ama uuba waayo wax kursi ah! Weydiinta ayaa ah qabiilladu ma aqbali doonaan isbeddeladaas.
  2. Dadka oo wali ah kuwo hubaysan taas oo sababi karta in ay dadwaynuhu marka uu khilaaf yimaado ay gacan ka hadal sameeyaan meeshii lagu kala bixi lahaa hay’adaha sharciga.
  3. In ay abuurto kala qaybsanaan bulsho oo ku dhisan qabiil, iyada oo ay bulshada qaybtood dareemaan in xisbiyada dalku u xirnaadaan qabiillo gaar ah maadaama aan qaadannay nidaamka xisbiyada kooban.
  4. Nidaamka liistada oo keeni kara in xisbiyadu ay liisaska hore galiyaan qabiillada ay isleeyihiin waa ay u badan yihiin degmooyinka ay codadka ka raadinayaan taas oo Iyana keeni karta in qabiillo badan ay iska waayaan golaha deegaanka, haddiise la qaadan lahaa nidaamka jajabinta kuraasta oo kuraasta degmada loo qaybinayo xaafadaha iyo tuulooyinka hoos yimaada degmada ay keeni lahayd in xisbi walba uu kursiga yaala tuulada uu u sharraxdo qof tuuladaas deggan oo saamayn ku leh sidaasna ay dadka tuuladaas deggan yaqaanaan cidda ku metalaysa tuuladadooda laakiin nidaamkaan liistada xiran ayaa ah mid aan baahidaas daboolayn.

 Gunaanadkii

Dhammaan qodobada la xiriira sharciyada ee aan xusay waa kuwa u baahan dib u eegis ka hor inta aan lagu dhaqaaqin barnaamijkaan, si la mid ah qodobada la xiriira bulshadu, waxay u baahanyihiin in laga sameeyo wacyigelin xooggan, lagan furo doodo tirobeel ah si bulshadu ugu baraarugsanaato.

Nidaamkan ma ahan hannaan si sahlan loola qabatimo loona dhaqangeliyo, walina si toos ah ugama dhaqan galin gobollada kale ee dalka, xataa Soomaaliland oo horay u tijaabisay ay weli ku dhibbantahay dhaqan galintiisa taas oo sababtay in 15 sano aysan baarlamaan cusub dooran. Waa barnaamij u baahan baaraandag, u diyaar garow iyo awood dowladeed oo isu dhammeystiran dhan sharci, mid fulineed, mid bulsho iyo mid dhaqaale ba.

Waxa aan Guddiga Doorashada ku ammaanayaa sida ay uga go’antahay shaqada ay wadaan, waxaanse ku boorrinayaa in ay u toog hayaan caqabdahaas aan sheegnay kuna dedaalaan sidii xal loogu raadin lahaa si lamid ahna ay dhiirrigaliyaan bulshada uguna muujiyaan fursadahaas muhiimka u ah in Puntland nidaamkaan ay hirgaliso.

waxa aan Alle ka baryayaa in uu noo fududeeyo sidii aan si nabad ah marxaladda kala guurka uga gudbi lahayn, runtii ma sahlana in bulshadu ay ka guurto nidaam doorasho oo ay 20 sano in ka badan wax ku dooranayeen una gudbaan nidaam ku cusub oo xataa laga yaabo in dadka qaybtiis weli aamminsanyihiin in uu diinta ka soo horjeedo.

Sakariye Axmad Maxamed
Email:[email protected]

———————-
Tixraax
[1] Buugga “ Soomaaliya horay iyo hadda “ oo uu qoray xamdi sayid saalim , qaybta labaad bogga 296
[2]  Buugga “ soomaaliya horay iyo hadda “ oo uu qoray xamdi sayid saalim , qaybta labaad bogga 304
[3]  Buugga “ soomaaliya horay iyo hadda “ oo uu qoray xamdi sayid saalim , qaybta labaad bogga 317
[4] Buugga “ soomaaliya horay iyo hadda “ oo uu qoray xamdi sayid saalim , qaybta labaad bogga 359

[5] https://so.wikipedia.org/wiki/Doorashada_Baarlamaanka_Soomaaliya,_1964 [6] https://so.wikipedia.org/wiki/Doorashada_Baarlamaanka_Soomaaliya,_1969
[7] https://so.wikipedia.org/wiki/Doorashada_Baarlamaanka_Soomaaliya,_1979

[8] Waxaana xibiga “Haa’ ugu codeeyay 99.66%, waxaana doorashadaas ka qayb galay 4,214,667 codbixiye.
[9] https://so.wikipedia.org/wiki/Afti_Dastuurka_Soomaaliya,_1961
[10] https://so.wikipedia.org/wiki/Afti_Dastuurka_Soomaaliya,_1979


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.