Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Mustafe Cumar: Ma waxa la mooday, Mise waxa uu Yahay?

W,Q. Maxamed Heebaan

Kusime Mustafe Cumar

In kasta oo Mustafe Cumar, kusimaha madaxweynaha degaanka Soomaalida itoobiya gumaysato, uu yahay nin mutacallim ah oo wax bartay, haddana, nasiib darro, aqoontiisa dadkiisa ugama faa’iidaynin. Markii uu Mustafe talada qabtay, wuxuu billaabay inuu isticmaalo hal-kudhegyo iyo hal-haysyo badan oo Somaalinimo ka muuqato, sida heesta, “Soomaaliyeey too soo ….too soo isku tiirsada eey..” Calanka Soomaaliduna Jigjiga si weyn ayuu ugu faafay.  Laakiin, si tartiib tartiib ah, Mustafe wuxuu la soo baxay weji uu markii hore qarinayay.  Mustafe wuxuu qabaa cudur aan daawo lahayn: kaasoo ah Amxaaro-Jacayl! 

Amxaara jacaylka Mustafe ma aha wax qarsoon xilligan, waana arrin ay shacabka Soomaaliyeed ee degaanku ka wada dheregsanyihiin, ayna marag u tahay ficillada laga arkay tan iyo intii xilka loo dhiibay. Arrintaas waxaa daliil inoogu filan shantan qoddob ee soo socda:

1- Magaalada Jigjiga Amxaarada deggan markay u dabbaal-dagayaan ciiddooda, Mustafe wuxuu u ogolaaday inay isaga habar-wacdaan gobollada Itoobiya oo dhan, dabadeedna ay waddooyinkii magaalada xidhaan maalmo dhan, dadkii Soomaaliyeed ee magaalada degganaana ay ka dayacmaan shaqooyinkoodii, baayac-mushtarkoodii iyo danahoodii. Markuu Mustafe sidaas sameeyay, wuxuu bahdilay dadkii Soomaaliyeed ee dhulka lahaa, isagoo magac kaga raadsanaya Amxaarada.

2- Markii uu dagaalka Tigree billowday, Mustafe intuu kursi kusoo fadhiistay, oo  shaadhkiisii gacanta soo laabtay, ayuu isgoo aan cidi qasbin dhiiggiisii u shubay Amxaarada ka dagaalamaysa woqooyiga Itoobiya!  Arrintani waa yaab! Nin kuwa dadkiisa gumaysta dhiig u shuba xaggee lagu arkay? Tan kale, Amxaaradu iyagaa naga badan, oo afar-jeer in ka badan ayay kusoo laabmaan Soomaalida degaankan deggan.  Marka Mustafow, ma Amxaaraa dhiig kaaga baahan?  Waa maxay nifaaqani?

3- Madaxweyne Mustafe intuu Kaniisad galay ayuu u rukuucay Baadari kiristaan ah! Baadariga wajigiisa farxadda ka muuqata ayaa kuu caddaynaysa in Mustafe uu Soomaali sharafteedii dilay,  oo uu Baadariga cagtiisa hoosteeda galiyay! Arrintani kuwii kale wayba kasii daran tahay, oo inuu nin Muslim ah uu Baadari u rukuuco, waa arrin qofka diintiisii taabanaysa.  Midda kale, arrintani waxay hoosta ka xariiqaysaa in markay timaado Amxaaro jacaylkeed iyo raali galinteed, Mustafe inuu xadhkaha goostay, oo wuxuu ka xishoonayo ama ka sarriiganayo aysan jirin. 

4- Waxuu u dabbaal-degay dhiig-yacabkii Minilik oo ahaa ninkii Harar qabsaday, gumaaday dadkii Muslimiinta ahaa ee magaaladaas degganaa, Masaajidkii ugu weynaa ee Hararna kaniisad u beddelay! 

5- Wuxuu lacag xad-dhaaf ah ku harqiyay qowmiyadihii kale ee Itoobiya (Amxaaro: Boqol-million-oo-Birr; Tigree: Afartan-million-oo-Birr; Sidama: Toban-million-oo-Birr), iyada oo dadkii Somaaliyeed ee gobollada degaanka degganaa, iyo kuwii degganaa caasimadda Jigjiga ay oon iyo harraad  la il-daran yihiin.

Marka laga sheekeeyo Baadariga  uu u rukuucay iyo dhiigga uu Amxaaro u shubay, iyo dhiig-yacabka uu u dabbaaldegay, inuu Mustafe dhibsado ayaa laga yaabaa, waayo waa waran lagu gilgilay oo kale. Laakiin waa waajib waddani ah iyo waajib diini ah oo ina wada saaran dhammaanteen, inaan tallaabooyinka foosha xun ee uu qaaday ku dhaleecayno, ku cambaarayno, kuna gilgilno warankaas si isaga iyo qof kasta oo waxan oo kale ku kaca ay cashar lama illaawaan ah ugu noqoto, dadkuna mustaqbalka uga foojignaadaan.

NABAD-GALYADA:

Gobolka nabadgalyo guud ayaa ka jirta.  Taasna waxaa ugu wacan in nidaamkii mujrimka ahaa ee Tigreega laga takhallusay.  Marka nabad-galyadaas ilaahay ka sokow, waxaa abaalkeeda leh ninkii nidaamkaas beddalay, kaas oo ah Abiy Axmed.

MEDEMER:

RW Abiy Axmed

Falsafadda Medemer oo ah fikrad laga gaday Abiy Ahmed, waa fikrad ay Amxaaro wadato kuna doonayso inay ku tirtirto xuquuqda yar ee laga dhaxlay xukunkii Tigreega ahna gobolaysiga iyo inay shucuubta luqaddooda ku maamushaan gobolladooda. Marka Amxaaradu waxay rabaan in Itoobiya lagu celiyo waqtigii ay Amxaaradu lahaayeen wax walba, Amxaarigu ahaa luqadda kaliya ee waddanka ka shaqaysa, shucuubta kale oo dhanna ay cagta Amxaarada hoosteeda ku jireen.  Nasiib darro, Mustafe fikraddaas liidata ayuu taagersan yahay.  

Markii gobollada Itoobiya isu yimaadeen ee la gorfeeyay arrinta Medemer ee ku saabsan in nidaamka federaalka laga takhaluso, luqadaha gobollada laga isticmaalana lasoo afjaro oo af Amxaari lagu beddalo, waxaa la sheegay in gobolladii kale oo dhan ay diideen arritaas oo ay gaashaanka u daruureen, laakiin waxaa la sheegay Mustafe inuu arrintaas ka aamusay, oo uu Amxaarada la saftay.

Gobolka degaanka Soomaalida, waxaa fikradda in Amxaaro mar kale la hoos galo si toos ah uga soo horjeeda ururka ONLF.  Kasoohorjeedka ay ONLF kasoo horjeeddo fikradda in Amxaaro mar kale la hoos galo, waxay abuurtay in madaxweyne Mustafe uu cadaawad aan iyada oo kale la arag uu u qaado ururka ONLF, si badheedh ah oo aan qarsoodi lahayna uu u sheego inuu doonayo inuu burburiyo ururka ONLF si uu kalsooni uga kasbado Amxaarada oo kolkii horeba ay aad isugu fiicnaayeen. Mustafe wuxuu lacag fara badan ku bixiyay inuu ONLF iska hor keeno, kala qaybiyo, isagoo isticmaalaya, lacag, qabiil iyo wax kasta oo uu is leeyahay ujeeddadaada ama yoolkaaga ayaad ku gaadhi. ONLF waxaa ka dhex furmay buuq, iyo isqaqabsi.  Dabadeedna Mustafe intuu wacay Joornaalka Addis-Standard oo Addis Ababa kasoo baxo ayaa wuxuu ku yidhi  hadal lagu soo koobi karo ‘ONLF way kala jabtay, oo madaxweyneyow kala duwan ayay dooranayaan, waa war muhiim ah ee faafiya.’ Mustafe heerkaas ayuu ka gaadhay cadaawadda uu u qabo ONLF oo runtii ka turjumaysa jacaylka uu u qabo Amxaarada diyaarna u yahay inuu burburiyo wax kasta oo Amxaaro kasoo horjeeda.

Halganka ay ONLF ugu jirto xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato ma aha mid hadda billaabmay.  Waa mid soo jireen ah.  Waa halgan uu wiilku ka dhaxlay aabbihiis.  Aabihiisna uu ka dhaxlay aabbihiis iyo awoowyadiis.

Milicsi  Taariikheed:

Harar

1887 ayay Amxaaradu qabsatay magaalada Harar, halkaas oo ay ku xasuuqeen dadkii Muslimiinta ahaa ee magaaladaas degganaa.  Dadkii xasuuqaas ka firxaday, waxay sheegeen inuu dhiiggii dadkii Muslimiinta ahaa ee ay Amxaaradu gumaaday uu qulqulay dariiqyadii magaalada taariikhiga ah. Markay Harar qabsadeen, oo ay Masaajidkii ugu weynaa kasniisad u baddaleen, waxay Amxaaradu si joogto ah dagaal iyo xasuuq iyo xoolo dhac isugu jira ugu kala bixiyeen degaanadii ay Soomaalidu degi jirtay.  Amxaarada oo wadatay hub casri ah, way ka awood badnaayeen dadkii Soomaaliyeed.  Laakiin qof kasta iyo beel kasta oo Soomaliyeed waxay isku difaacday waxay awoodday qoryo, warammo, mindiyo, IWM. 

Halkan waxaan tusaale usoo qaadan nin dhalinyaro Soomaali ah oo la odhan jiray Cabdi Kooshin, oo abbaaaraha sannadkii 1898, ay beeshiisii ay Amxaaradu gaba-gabaysay. Cabdi ma haysanin qori iyo rasaas midna, laakiin wuxuu haystay Billaawe. Cabdi wuxuu si xeelad iyo gaadmo ku jirto Billaawihii ugu weeraray ninkii Amxaarka ahaa ee ciidanka duulaanka ah watay, oo uu calooshiisii laba u kala gooyay. Amxaarkii ciidanka watay,  calooshii ayaa kasoo dhacday oo halkii ayuu ku dhintay.  Cabdi Kooshin waa la qabtay, oo bartii ayaa lagu toogtay oo lagu dilay. Maalintaas laga billaabo Cabdi wuxuu caan ku noqday naanays ku salaysan falkii uu gaystay, waxaana loo bixiyay Uurdoox!  Uurdoox wuxuu ka tagay laba wiil, Diiriye iyo Kaahin. Markii ay labadii wiil koreen, Diiriye wuxuu ku biiray halgankii Daraawiishta ee uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.  Markii uu guursaday ee carruur dhalay, Diiriye wuxuu wiilashiisa mid ka mid ah ugu magac-daray Xaruntii Daraawiishta, wuxuuna u bixiyay Maxamed-Taleex.  1980kii, 82 sano kadib markii Uurdoox la dilay ayaa wiilkii uu awowga u ahaa, Maxamed-Taleex ama Maxamed Diiriye Uurdoox uu noqday hoggaamiyihii guud ee Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed!

–Jabhaddii Nasrullahi ee 1960dii, hoggaamiyeyaasheedii kuwii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa Makhtal Daahir. Maanta kuwii uu Makhtal Daahir dhalay iyo kuwii ay sii dhaleen, iyo kuwii Makhtal la midka ahaa kuwii ay dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen, ayaa halganka siyaabo kala duwan u wada. 

–1970dii hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed waxaa ka mid ahaa Cali Shucaac.  Maanta Cali Shucaac kuwuu dhalay iyo kuwii ay sii dhaleen, iyo kuwii Cali Shucaac la midka ahaa kuwii ay dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen ayaa halganka wada.  

–Tusaalooyinka halganka iyo halgamayaashii aad bay u badan yihiin, lamana soo koobi karo.  Arrinta Meesha inooga cad waa Halganku Waa Taxane.

Intaas waxaa dheer, Qaran dhan oo Soomaaliyeed ayaa wixii uu xoog iyo xoolo lahaa, wixii ciidan iyo quwad uu lahaa, wixii saanad iyo sawaariikh uu haystay ku bixiyay waddankan xoreyntiisa.  Magaaladan Jigjiga  kalligeed waxaa xoreynteedii ku gubtay 72 Taangi oo ay lahaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed! Taasi waa Taangiyada kaliya.  Ma tirinayo diyaaradihii dagaalka, gawaadhida gaashaman, jiibabka, kuwa xamuulka, madaafiicda kala duwan, sida kuwa lidka-diyaaradaha, hoobiyeyaalka, madaafiicda-Goobta. Ma tirinayo kumanyaalkii askari ee hubka-fudud watay ee lugta ku galay. Waxaa Somali-galbeed ku naf-waayay tobonaan kun oo askari oo isugu jira Ciidamadii Qalabka siday ee Soomaaliya iyo Naftood hurayaashii Jabhadda Xoreynta Soomaali-galbeed.  Askartii iyo saraakiishii ugu fiicanayd ee Qaranka Soomaaliyeed, gobolkan xoreyntiisii ayay u dhinteen. Majiro qoys Soomaliyeed oo ku nool Jabuuti, NFD, Soomaali-galbeed, ama Jamhuuriyadda (Woqooyi iyo Koonfur) oo uusan dagaalkaas kaga dhimanin Aabe, ama Adeer, ama Abti, ina-adeer, ina-Abti, ama xigto qaraabo dhow ah, ama ugu yaraan uusan qof kaga dhaawacmin.

Waxaa marag ma doonto ah in burburkii Soomaaliya ka dhacay ay sababta ugu weyn ahayd jabkii Qaranka Soomaliyeed kasoo gaadhay dagaalkii Soomaali-galbeed.  Sidaynu ognahay, Soomaali-galbeed waa la xoreeyay, laakiin dowlado naga xoog badan ayaa inoo awood sheegtay.

Dadka qaarkiis oo aan taariikhda aqoonin, oo aan aqoon u lahayn heerarka kala duwan ee halgan xornimo-doon maro, ayaa waxay is odhan, mar haddii xoreyntii Soomaali-galbeed lagu fashilmay, Soomaaliya lafteeduna ay burburtay, in wixii hanti, hub iyo saanad, iyo wixii askar iyo saraakiil ku nafwaayay dagaalkaas ay yihiin hal-bacaad lagu lisay.  Taasi xaqiiqada way ka fogtahay. Wixii kharash iyo hanti ku baxay, iyo wixii dhiig Soomaaliyeed ku daatay gobolkaas, waxay xididdada usii aasayaan lahaanshaha Soomaliyeed ee gayiga Soomaali-galbeed.  Sideedaba, Qaddiyad ma lunto inta ay dadkeedii daba socdaan.  Qaddiyad waxay luntaa kaliya marka ay dadkeedu quustaan oo ay isu-dhiibaaan cadowgooda.  

Arrintan quusta iyo is-dhiibiddu waa midda uu Mustafe Cumar wado, ee uu hadh iyo habeen ka shaqeeyo, ee uu geed-dheer iyo geed-gaaban u fuulayo.  Laakiin, Mustafe iyo Amxaarada uu cabbay ee uu daba-dhilifka u yahayba fashil ka xun midkii Tigree ku dhacay ayay la kulmayaan.

ONLF magaceeda waxaa ku jira magac qabiil.  Taasoo jirta, haddana ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan way og yihiin waxay ONLF u dagaalamayso iyo waxa hadafkeedu yahay.  Arrintaasna Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan way qadariyaan.  Tusaale, markii uu Madaxweyne Farmaajo uu Cabdi-Kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) uu u dhiibay Itoobiya, dadka Soomaaliyeed oo dhan way qarracmeen, gaar ahaan Soomaalida Jamhuuriyadda.  Sababta dadku u qarracmeen ma ahayn in Farmaajo nin Ogaadeen ah uu Itoobiya u dhiibay.  Maya.  Waxay u qarracmeen in Farmaajo nin ONLF ah u dhiibay Itoobiay, waayo waxay og yihiin in ONLF tahay astaanta iyo udubka xornimo-doonka dhulkii ay Soomaali oo dhan u baaba’day!!

Marka Mustafe, marka uu yidhi ONLF inaan tirtiro ayaan rabaa, wuxuu caddeeyay inuu yahay Khaa’in dadkiisii khiyaameeyay, oo cadowgii Amxaarada si toos ah ula saftay!  Arrintan ah inuu yidhi ONLF waan tirtiri, ma aha mid qarsoodi ah, ee waa mid uu ka sheegay Jigjiga, Addis Ababa iyo Nairobi.  Mustafe, horta ONLF awood uu ku tirtiro ma laha.  Males Zenawi, TPLF iyo Tigree ayaa ka xoog badnaa isaga, wayna ku fashilmeen. Dulmi iyo gumaysi goor ay noqotaba way jabayaan. TPLF iyo Tigree wixii  ku dhacay waan aragnay, oo shaagii taariikhda ayaa dul-maray

Laakiin ONLF haddiiba ay maanta burburto, badalkeedii ayaa berrito la dhisi, oo halganka halkaas kasii wadi.  Inta uu qof Soomaali ah nool yahay, Amxaaro dhulkan qaadan mayso.  Amxaaradan uu daba ordayo, ee uu dhiiggiisa u shubay, madane-ayaa-dab-ugu-jira, oo wixii ku dhacay Tigree wax la mid ah, ama ka xun ayaa ku dhici doona.

Mustafow malaha taariikhda ma akhridid? Mise waad akhridaaye bahasha ma fahantid?  Haddaad taariikhda fahantid, waxaad xusuusnaan lahayd in nin kasta oo Soomaali ah, oo gobolkan Soomaalida madax kasoo noqda uu xabsi ku dambeeyo! Casharkaas haddaad xusuusnaan lahayd, sidaad hadda u dhaqmayso si ka duwan ayaad u dhaqmi lahayd.  Nimankan Amxaarada ah ee kugu yidhi adigaa Abiy Ahmed kaga habboon madaxnimada, oo uga qalma inaad dalka hoggaamiso, waa beentood!  Awrkooda ayuun bay kugu kacsanayaan.  Markuu xaalku xumaado, qofka ugu horreeya ee ay dilaan wuxuu noqonayaa adiga.  Taasi waa caado Amxaaro.  Soomaali baa horay uga maah-maahday: Amxaaro iyo dameero labaduba oodda ugu dhow bay cunaan!

Xigtada Warayso

Mustafow haddaad rabto inaad ogaato taariikhda madow ee aad qortay, iyo sida ay dadka Soomaliyeed uga niyad jabeen maamulkaaga, waxaad u baahan tahay inaad waraysato dadka kuwa kuugu xiga sida ina-adeerkaaga kowaad, kan labaad iyo kan seddexaad. Haddii aad rabto in ilma-adeeradaa ay runta kuu sheegaan, waxaa qasab ah inaad laba ballanqaad u samayso:

1- Inaadan wax dhibaato ah u geysanaynin, markay runta kuu sheegaan.

2- Inaadan ka goynaynin wax aad siin jirtay, cidhiidhina ka galinaynin fursad ay hadda haystaan.

Haddii aad labadaas ballan qaad samayso, oo aad ka codsato inay runta kuu sheegaan, waxay ku odhan, “Soomaali niyad-jab, argagax iyo dhakafaar ayaa kasoo hadhay! Laakiin annaga qoys ahaan, ceebta ayaa wax walba nooga daran. Ina-adeerkayo oo Baaderi u sujuudi, oo Amxaaro jacaylkeed u waashay, waa taariikh xun oo aan weligeed naga hadhaynin.”

Xabsiga Gudihiisa

Nin qoraa Masri ah oo la odhan jiray Khalid Muhammad Khalid ayaa wuxuu ka sheekeeyay qiso uu yidhi waxay dhex martay Jamaal Cabdinaasir oo ahaa madaxweynihii hore ee Masar iyo Benito Mussolini oo ahaa madaxweynihii hore ee Talyaaniga.  Jamaal Cabdinaasir iyo Mussolini waxay ahaayeen laba digtaatoor, in kasta oo dadka Soomaaliyeed badankoodu ayna la soconin Cabdinaasir digtaatoornimadiisa.  Khalid wuxuu sheegay inuu kulankani ka dhacay Aakhiro, wuxuuna hadalkii u dhigay sidan:

Jamaal Cabdinaasir ayaa wuxuu arkay Mussolini, wuxuuna ku yidhi, “Mussolini-yow xisbigii Faashistada (Fascist) ee aad odhan jirtay haddii aan dhulka ka weyno meel aan calankiisa ka taagno, waxaan calankiisa ka taagaynaa cirka, xaalkiisu xaggee ayuu ku dambeeyay?” Musolini wuu qoslay, wuxuuna ku  jawaabay, “Cabdinaasirow aniga iyo adigu waxba isma dhaano.  Waayo adiguba immisa jeer ayaad tidhi Israa’iil badda ayaan ku darayaa!!”

Mustafow markaad xabsiga gasho, waxaad ugu tagi doontaa dad badan oo qowmiyadaha Itoobiya ka kala yimid sida Oromada, Beni shangul, Amxaarada, Tigree, Sidaamo IWM. Haddii aad Amxaaro jeclaan jirtay markaad xukunka haysatay, iyaga ayaad ugu necbaan doontaa markaad jeelka gasho.  Waxaa kale oo ay u dhowdahay inaad Cabdi iley xabsiga kula kulanto.  Waxaa laga yaabaa inaad u hollato inaad Cabdi iley wax ka weydiiso bal inuu ka toobad keenay dambiyadii badnaa ee uu galay. Laakiin waxaa ku hor iman dambiyadii Taariikh-xumada ahaa ee aad adigu ka gashay dadkaaga iyo dalkaaga, sida inaad u dabaal degtay dhiig-yacabkii Menilik; inaad dhiigaaga Amxaaro u shubtay; inaad Baaderi u rukuucday; inaad dadkii Soomaaliyeed oo oon iyo harraad ku dileen gobollada oo dhan iyo caasimadda Jigjiga aad lacagtoodii ku farraqday dadyow kale —Boqol milyan-oo-birr oo  ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen aad Amxaaro ugu deeqday!  Markaad milicsato taariikhdaas madow, ayuu hadalku kugu margan, oo aad garwaaqsan in af-aad ku hadasho uusan kugu  oolin!

Mustafow fadlan toos! Oo ka joogso waddada halaagga ee Amxaaro iska-gadka ee aad hayso.  Haddii aad arrinkan degdeg u beddeli waydo, oo aad dadkaaga Soomaliyeed danahooda ka shaqayn weydo, oo isku dirka Soomaalida iyo u sujuudidda Amxaarada aad joojin weydo, ceeb iyo calaf-la’aan ayaaisugu kaa darsami, waxaadna ka shallayn mar aysan Shallayto waxba kuu taraynin!

W.Q. Maxamed Heebaan  

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.