
Shan boqol iyo kontan qoys oo barakac ku ah afar xero oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ka faa’iidaysanaya kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee kasoo barakacay abaaraha iyo colaadaha ka jira gobollada dalka.
Qureysho Maxamed Cali oo ah hooyada 10 carruur ah waxay ku faraxsan tahay in carruurteeda ay u hesho caano iyo raashin ku filan oo ay u dhamaystiran tahay koorsaartiisa kale.
Haweeneydan oo barakac ku ah xerada Yaaqle ee degmada Dayniile waxay la daalaa dhacaysay quudinta carruurteeda ka hor inta aysan kab lacageed ka helin hay’adda NAPAD oo fulinaysa mashruuc lagu taakuleynayo qoysaska barakaca cusub ah ee dabkooda aan shidan karin.
Hab-nololeedka qoyskan danyarta ah ayaa isbeddelay markii bishii Noveembar ee sanadkan loo billaabay $120 oo ah caawinaad ka timid Hay’adda DKH taas oo u soconaysa saddex bil. Qureysho waxay sheegtay inay lacagtan u fududeysay maareynta nolosha qoyska.
“Aniga umul ayaan iska ahay. Cunug yar ayaa ii joogga. Annigoo dhar dhaqow ku mashquulsan ayaa hay’adda na qaabishay. Hal waqti in aan cunno helno ayaa dhib iiga jiray, haddana waxaa ilaahay ii kasay in aan saddex waqti wax cunno siddaasi ayaa ilmaha iigu nool yihiin, haday ii yimaadaan canjeeladooda ayaan siistaa,hal bil oo aan Xamar barakac ku ahaa iyo labadaan bil wax weyn ayay ii kala duwan yihiin,” ayay tiri.
Qureysho waa qof keliya ee qoyska uu ku tiirsan yahay. Waxay sheegtay in ka hor lacagtaan iyadoo xaamilo ah ay dhex wareegi jirtay xaafadaha ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Hodan si ay u hesho dad ay dhar u dhaqdo. Ugu badnaan waxay ka heli jirtay maalinkii laba doollar.
Aabbaha qoyska ayay xustay inuu yahay waayeel la nool cudurka Sokorta oo aan awoodin inuu u xoogsi tago ilmaha taas badalkeeda lacagta yar ee ka soo gasha shaqada nadaafadda ayay ugu iibisaa daawooyin.
Hadda waxa ay tilmaamtay in shan ka mid ah Carruurteeda ay geysay dugsi qur’aan ayna bille ugu bixiso tacliintooda $25. Waxay dhiganayaan bishii labaad balse waxay ka welwelsan tahay mustaqbalkooda waxbarasho.
“Waxaa uu macalinka igula heshiiyay shan doollar in aan bishii bixiyo. Ka yar waxaa uu yiri maya lama aqbali karo, anigana waxaa aan go’aansaday inta labadaan bilood lacagta la i siinaayo ha iska dhigtaan ayaan dhahay, haddii lacagtan ay iga go’do ilmaha dugsiga waan ka baxsanaya ama xamar aan sii joogo ama aan ka tago oo aan ku laabto gobolkeygii,” ayay tiri.
Bishii Seteembar ee 2022 ayay kasoo barakacday deegaanka Xawaadley gobolka Shabeellaha Dhexe markii halkaasi ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab. Qureysho ayaa sidoo kale sheegtay in 25 neef oo ari ah iyo 6 neef oo lo’ ah oo ay haysteen ay ku waayeen abaaraha, islamarkaana hadda markii ay soo barakacaayeen ay soo iibsadeen labadii neef ee ugu dambeysay oo ay ku heleen $35 doollar. Beerta qoyskeeda oo aheyd 2 hektar labadii sano ee lasoo dhaafay waxba kama bixin.
Qaar ka mid ah qoysaska helay taageeradan ayaa uga faa’iideystay in ay ku iibsadaan baco ay saartaan guryahooda oo ka samaysan cooshado, taasoo xilli roobaadkaan ka caawisay in ay ka galaan dhaxanta roobka intii ay aadi lahaayeen guryaha dadka dariska la ah.
Farxiyo Saalim Dhuub oo ah hooyadda Sagaal Carruura waxay deggan tahay xerada Bacaad oo ku taalla degmada Dayniile. Waxay sheegtay in lacagtan ay kusoo beegan tahay xilli carruurteeda ay ka arradan yihiin, gurigana uusan u lahayn wax ay roobka isaga dhigan.
Haweeneydan ayaa sheegtay in roobkii xoogganaa ee Muqdisho ka da’ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay inuusan saameyn ku yeelin markii lacagtii labada bilood ay qaadatay $ 15 oo ka mid ah ay kusoo iibisay laba bacood oo nooca roobka ah.
Waxa ay tilmaamtay sidoo kale in isbedel nololeed uu ku yimid qoyskeeda. Hadda Farxiyo shaqada keliya ee ay qabato waa dhar dhaqow oo maalinkii ay ka hesho lacag dhan 50 kun oo shilin Soomaali ah markii ay ugu badan tahay.
“Hadda bac roob iga celin karta waa ii saaran tahay maasha allaah, wax weyn ayay noo qabatay hay’adda, sidoo kale ilmihii dhar ayaan ugu soo gatay,bishii kow horta ilmaha raashinka iyo wixii kale waan ugu soo gatay kheyre alle ha siiyee,” ayay tiri.
Farxiyo oo ay seygeedii kala tageen ayaa ah hoggaanka u shaqeeya Sagaal carruur ah oo kan ugu wayn uu yahay 12 Sano jir.
Waxay kasoo barakacday bishii July ee sanadkaan baadiyaha deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose markii abaaraha dalka ka jira ay ku weysay 60 neef oo ari ah.
Haweenka uurka leh iyo kuwa Carruurta nuujiya ayaa ka mid ah dadka ku dhibaateysanaa xeryaha oo qaarkood heli waayay lacago ay ku aadan xarumaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay balse labadii bilood ee lacagta ay qaateen u isticmaalay baarista iyo iibshada dawadii ay u baahnaayeen.
Maana Cali Qaasim oo ah hooyada 10 carruur ah oo ku nool xerada Bacaad ee degmada Dayniile waxay sheegtay in ay la ildarneyd Madax xannuun joogto ah, matag iyo nabro jirkeedda qeybo ka mid ah ka soo bixi jiray. Waxay awoodi waysay inay 20 berri u xoogsi tagi waydo ubadkeeda.
Ma aysan tagin wax isbitaal tan iyo markii ay xanuunsatay maadaama aysan heysan lacagta ku baxaysa isbitaalka iyo daawada, waxaana ay sheegtay intii ay jiraneyd in nolosha qoyskeeda ay ku tiirsanayd kaalmada deriska.
Heeweydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in lacagtii ugu horreysay ee hay’adda ay ka heshay in ay ku aaday isbitaal $60 doollar oo ka mid ah, islamarkaana loo soo qoray daawooyin ka caawiyay in ay ka caafimaado xanuunkii hayay.
“Isbitaal ayaan ku tagay lacagta, daawooyinkii la ii soo qoray ayaa hadda ii socda, raashina waan soo dhiganay, Axlamdullaahi, naasaha ayaan ka bararay, cunuga basaad ayaan wax ku siinayay oo ma awoodin in aan siiyo naasaha, xanuun joogto ah ayaan dareemi jiray habeen iyo maalin hadda Alxmudullahi,” ayay tiri.
Waxay xustay in daawada la siiyay bilowdgii bishii Noveembar labo toddobaad ka dibna ay dib ugu laabatay shaqadii ay qaban jirtay ee ahayd in ay xaafadaha Magaalada ay dhex marto si ay u hesho dad ay dhar u dhaqdo ka dibna ay lacag ka qaadato.
Maana wali waxay aamisan tahay in ay jiraan dad badan oo u baahan gargaar caafimaad oo ku nool xeryaha, waxaana ay sheegtay in ay wali u baahan yihiin in laga caawiyo daawooyinka maadaama dadka soo barakacay ay yihiin dad nolol maalmeedka noloshooda aan ka badneyn.
“Waxaan u baahanay in daawo na loo keeno, waa noo muhiin iyo waxyaabo kale laakiin iyada ayaa marwaliba noogu daran, waxaad og tihiin Caafimaadka ayaa noogu muhiin, Alle xagiisa ayaan wax ka sugeynaa , hay’adii hadda na siisay sidoo kale waan u mahadcelinaynaa,” ayay tiri.
Bishii June ee sanadkaan ayay kasoo barakacday gobolka Baay gaar ahaan deegaanka Goofgaduud markii abaaraha dalka ay ku weysay 50 neef oo ari ah. Maana sidoo kale waa hormuudka ay ku tiirsan yihiin waalidkeeda oo waayeel ah iyo Carruurteeda, maadaama ninkeedii uu dhintay sanadkii 2015-kii markii uu xanuun kusoo booday.
Xigasho: Radio Ergo
Leave a Reply