Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Miskiin baa Misko la fuulo leh!

W.Q. Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

Intii Warbaahinta bulshadu xoogaysatay waxa isbartay Soomaalida iyo culumadooda. Su`aal weyn baa sida daruurta dultaagan oo aan dhinacna uga leexanayn culumadeena. Alle ka cabsiga iyo ka fogaanta dilka muslinka iyo xoolaha agoonta waxa ay u sheegaan oo keli ah dadka shacabka ah iyo fuqurada aan hubaysnayn. Alshabaab oo ah koox hubaysan oo gacanta( Bambada) uun ka hadasha iyo qabaa`illada abaabulan ee Soomaalidu waxasta iyo si kasta oo ay yeeleen wadaadkeenu waa uu taageeray af iyo addin ba. Alshabaab waxa ay ficil u beddeleen fadwooyinkii dhiiggu da`ayey ee wadaadkeennu Minbarka ka sheegi sheegi jirey isaga oo hadalkiisa ku daray Falastiin,Maka,Qudus iyo Madiina oo ah dhul carbeed oo aan taageero uga baahnayn Soomaalidan teedu cuslaysay.

Xamar waxa si joogto ah loo gumaadaa dhallinyarada, dumarka, waayeelka iyo qofkasta iyo hanti kasta oo bambo qaraxday ka agdhawaaday. Halkii daadinta dhiigga Soomaalidu/muslinku dembiga ka ahaan lahaa waxa ka darnaatay in la isku shuqliyo dhallinyarada timahooda iyo garbasaarta dumarka ee garbaha ka yara siibatay. Gabadhan heestay ma Ilaahay baa ka cadhooday sida Sheekhu sheegay mise Sheekha laftiisa ayaa sidiisa isaga cadhaysnaa? Kummannaan qof oo Xamar lagu dilay iyo siddeetanka Hargeysa lagu boobay ee hadalhayntu ka taagan tahay culumadu ma aanay sheegin in Ilaahay ka cadhooday iyo in kale. Waa ay aamuseen sidii caadadooda ahayd. Aamusnaantu waa jawaab ah in ay qayb ka yihiin dhibaatada dilka iyo dabargoynta shacbiga. Dumarku in ay muuqdaan waxa ay ku micneeyeen fawaaxish iyo dembiyo sababay abaaraha,dawlad xumada iyo qaxootiga Soomaalida ku habsaday. Faqiirka, derbijiifka, dumarka iyo carruurta waa loo xoog weyn yahay mise tolow waa loo gadhweyn yahay? Alshabaab gacanta Bam ku sita sida aan diin loogu sheegi karin ayaan hoggaamiye kooxeedka hubaysanna loogu sheegi karin. Miskiin baa misko la fuulo leh.

Magaalada Muqdisho waxa jirtay sheekada wadaad Ganacsade na ahaa. Waxu kamid ahaa gabbaadada ugu waaweyn ee Alshabaabtu ugu soo dhexdhuumato shacabka. Masaajid weyn buu jimcayaasha kelmad ka odhan jirey. Waxu wasakhayn jirey dhagaha fuqurada, garashadoodana wuu majarhabaabin jirey. Waxu aad uga hadli jirey wax uu u bixiyey “cadho Alle” oo uu yidhi waxa ay ka dhalataa diinta oo laga jeesto. Laakiin,dadka uu la hadlayaa ma aha dad diin ka jeestay ee waa kuwan Masaajidkiisa Allahooda ugu sujuudsan. Xoogsatada Suuqa Bakaaraha ayuu ka ururin jirey lacag badan oo ku sheegay sakaawaat. Weligeed lama arag lacagtaa sakada ah oo agoonta iyo masaakiinta la gu celinayo. Waa weel gunta ka daloola oo aan waxba kasoo noqonayn. Saddex nin oo bagaashleyaasha Bakaaraha kamid ahaa oo sakadaa Sheekhu ururin jirey su`aal iska weydiiyey maalmo kala dambeeyey baa masaajidkaa hortiisa lagu dilay. Culumada Soomaalidu waxa ay ka baydheen tubtii ay dadkoodu ku yaqaanneen in ay weecdeen qofkii arkayna waxa ay u leexiyeen dhinacii kale oo amma diinta ayay ka saareen amma waa ay dileen oo Bambo ayay ku googooyeen.

Hargeysa. Meel waliba waa masaajid iyo wacdi diimeed oo dadku aad ugu xoonsan yahay. Nin baa Masaajid yar dhistay. Waa Macallin arday aan badnayn bara qur`aanka. Qoyskiisa iyo carruurtiisa waxu u kireeyey guri aan ka fogayn Dugsigiisa Qur`aanka iyo Masaajidka. Waxu ahaa wadaad aan dadkiisa iyo shaqadiisa Masaajidka ka dhex bixin. Mar uun baa la isweydiiyey Sheekhii yaa arkay? Cilaajin, salaad tukin, qur`aan barid iyo su`aalo weydiin baa tebidda Sheekha keentay. Masaajidkii iyo shaqadiiba waxu ku wareejiyey gacanyareyaal isaga arday u ahaan jirey. Subax kale ayaa lagu soo toosay Sheekhii oo mashquulsan oo arrimmo adduunyo ku fooggan – gawaadhi qurux badan iyo guryo fiillo ah isaga oo gatay ayaa ka dambeysay. Halkaas baa su`aal kale ka dhalatay oo ah Sheekhii xagguu ka keenay adduunka aanu tabcan? Waxa la ga daawaday warbaahinta isaga oo ku hadlaya magac dawladeed. In uu aamusay oo aanu Masaajidkiisii yaraa salaad ugu soo haleelin oo keli ah lalama yaabin ee waxa fajac noqotay in uu xertiisii iyo dadkiisiiba nacay. Dadku waxa ay ku weydiinayaan meesha aad xoolaha ka keentay. Laakiin, weligaa kuma aanay weydiin markii aad faqriga ahayd sababta faqiirka u ahayd ayuu malaha ku doodayey.

Beri dhaweyd buu kamid noqday wasiirrada ugu magac weyn. Dadkii yaqaannay laftigooda ayaa ismoodsiiyey in uu weligii ahaan jirey nin Wasiir ah oo hantiile ah. Xusuustoodu waa ay lumisay in uu ahaa wadaadkii yaraa ee dhexjoogi jirey Masaajidka iyo ardayda dabaqadaha hoose. Asliyan ba Culumadu waa dad caadi ah oo u nool sida dadka kale ee xirfadaha kale ku shaqaysta sida Fuundiga/nijaarka, dhakhtarka, Askariga, sharciyaqaanka. Wadaadku waa xirfad leh arrimaha diinta ka shaqaysta. Waa suuq weyn oo macmiil badan. Macmiishaa badan iyo la xisaabtan la`aanta jirta ayaa wadaado badan xuduudada ka tallaabisay oo fogaysey. Markalena, in wadaadka shaqadiisa wax la iska weydiiyo waxa keenaya doodda wadaadka ee ah in haddii wadaadka wax laga sheego in diinta loo jeedo ee aan isaga loo jeedin.

Halkan wadaadku waxu u taagan yahay diintii, diintuna wadaadkii. Aynnu halkaa
ka ga hadhno si aynaan Diinta ugu gefin.

W.Q. Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.