Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MILICSIGA SIIRADA (5): KA DIGIDDA DILAYAASHA UMMADNIMADA IYO DAWLADNIMADA (KHUDBADDII SAGOOTINTA)

W. Q. Mustafa Fayruus

Gogoldhig

Waa qormadii 5aad uguna dambeysa taxanaha “Milicsiga Siirada Suubbanaha NNKH” ee aan ku milicsanayno mabaadiida iyo qiyamka tiirarka uu uga dhigay Nebi Maxamed NNKH dhismaha “ummadda” iyo “dawladnimada”. Mabaadiidani waa kuwo ku cad Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nebiga NNKH, siiraduna si “camali” ah ay u muujisay. Haddii afartii qormo ee hore aan ku soo bandhinay mabaadii tiirar u ah dhisidda ummadda iyo dawladnimada, aan qormadanna ku mulicsanno waxyaabaha burburin kara dawladnimada. Aan milicsanno “dilayaasha ummadnimada iyo dawladnimada, oo uu Nebigu NNKH kaga digay dardaarankii ugu dambeeyay ee uu ummaddiisa uga tegey.

Xajkii Sagootinta 

Nebigu NNKH wuxuu weligii xajiyay hal mar, waa sannadkii 10H (632M); waxaa xajkan loo yaqaan xajkii sagootinta (حجة الوداع), waayo wuxuu sagootiyay ummaddiisa. Muslimiinta la soo xajiyay, ee khudbadda dhegaysanayay, waxaa lagu qiyaasaa 124 kun oo saxaabi ama ka badan, waa tiro aad u badan marka loo eego xilligaas.

Xajkan wuxuu Suubbanuhu NNKH ka jeediyay khudbad lagu magacaabay “khudbaddii sagootinta” (خطبة الوداع), oo uu kaga khudbeeyay dhowr meelood, dhowr maalmood oo kala duwan; waxaa ugu muuqday maalintii 9aad ee Carafo. Khudbaddani waxay ahayd dardaarankii suubbanuhu NNKH uga tegey ummaddiisa, sidaas darteed, ayuu ku soo celceliyay “hadalkaygan fahma oo weeleeya, waxaa dhici karta inaynaan goobtan dib ugu kulmine”.

Khudbaddan Nebigu NNKH wuxuu ka hadlay arrimo kala duwan, oo taabanaya ummadnimada iyo jiritaanka dawladnimo. Wuxuu ummaddiisa kala dardaarmay inay ilaashadaan dhismaha ummadnimada iyo dawladnimada, kana ilaashadaan cudurrada ku dhaca. Weliba maaha jirrooyinka yaryar ee lasyka sidan karo, waa cudurrada halista ah ee burburiya ama wiiqa wadanoolaanshaha ummadda iyo dawladnimadeeda. Waa cudurro dilaa ah, sidaas darteed, ayaan ugu magacawnay “Dilayaasha ummadnimada iyo dawladnimada”

Dilayaasha dawladnimada

Sida qofkaba ay ugu dhacaan cudurro waxyeelleeya amaba dila ayay ummadaha iyo dawladahana ugu dhicaan jirrooyin ay la wiiqmaan, haddii wax laga qaban waayana ay la burburaan una dhintaan. Cudurradan waxaa ka mid ah: daadinta dhiigga iyo dagaalka sokeeye, ku tumashada xuquuqda iyo xurmada qofka, ku tumashada xuquuqda dumarka, iyo isir faquuqa. Kuwani waa cudurro dilaa ku ah dawladnimada, Nebiguna NNKH si aad ah ayuu uga digay, oo uu ku celceliyay khudbaddiisii sagootintana iyo meelo kaleba.

Haddaan si kooban u soo gudbinno cudurradan dilaaga ah ee Nebigu NNKH aadka uga digay, innagoo qodobbaynayna, waxaa ka mid ah:

1) In ummaddu dhexdeeda is disho oo dhiiggeeda ku faraxalato, oo dagaal sokeeye ka dhex dhaco. Daadinta dhiiggu waa arrin culus oo ay tahay in laga fogaado.

2) In lagu tunto xuquuqda Aadanaha, wuxuu ku adkeeyay inay ilaaliyaan xuquuqda & xurmada Aadanaha, sinnabana aan loogu xadgudbin maalka qofka iyo sharaftiisa.

3) In lagu tunto xuquuqda dumarka, si gaar ah ayuuna uga dardaarmay dhowridda xuquuqdooda.

4) In lagu kaco “isir faquuqa”, oo ah in ummadda lagu kala qaybiyo isir, midab iwm, ama qofka lagu ceebeeyo ama lagu takooro haybtiisa. Wuxuu xusuusiyay in Aadanuhu ka soo wada jeedo Nebi Aadan, isir ahaanna ay siman yihiin oo ayna kala sarrayn.

Inkasta oo uu horeba cudurradan uga digay, haddana khudbaddiisii sagootinta digniintaa ayuu sii adkeeyay Suubbanuhu NNKH. Iyadoo tiradii ugu badnayd dhegaysanayso ayuu uga dhigay dardaarankii ugu dambeeyay ee uu u gunto.

Gabaggabo

Muddadii 23 sanno ahayd Nebi Maxamed NNKH wuxuu ka soo shaqaynayay dhisidda qofka, ummadda iyo dawladanimada; wuxuuna seeska u dhigay xadaarad caalami ah. 

Nebigu NNKH wuxuu dhidibbada u taagay Dawladdii Madiina, oo lagu aasaasay “Saxiifada Madiina” oo ahayd dastuur ka dhexeeyay dadweynihii reer Madiina: Muslimiin, Mushrikiin iyo Yuhuudba. Dhamaantoodba wuxuu u qirayay muwaadinnimada, wuxuuna qeexayay xuquuqda iyo waajibaadka ay leeyihiin, iyo hanaanka ay u maamulanayaan dantooda guud.

Nebigu Maxamed NNKH wuxuu Dawladdii Madiina ku dhisay “talinta iyo saraynta sharciga” iyo “in loo wada siman yahay”; wuxuuna ku waday “talo-wadaag iyo wada tashi joogto ah”, si uu u sugo ahmiyadda tiirarkani u leeyihiin maamulka iyo dawladnimada.

Nebigu NNKH wuxuu dhisay ummad wacyi leh, kuna hubaysan qiyamka iyo habdhaqanka (attitude) ugu habboon ee ay tahay in lagula falgalo nolosha; wuxuu dhisay ummad  raacaysa “asbaabta guusha & horumarka nolosha”. Wuxuu ku barbaariyay in asbaabta guusha iyo horumarka lagu gaaro ay ka mid yihiin “tayada” iyo “qorshe wanaagga iyo wada shaqaynta”, ciddii raacda ayaana gurata midhaheeda. Sidaas ayuu seeska ugu dhigay nolol habboon iyo xadaarad Aadanaha anfacda.

Nebigu, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu gutay hawshii loo igmaday.

Suubbanuhu NNKH wuxuu dareemay in ajashiishii soo dhowaatay, sidaas darteed, ayuu kulankan xajka ee laysugu yimid ka jeediyay dardaaranka ay tahay in ummadiisu ka gunudo. Wuxuu faray inay weeleeyaan isna sii gaarsiiyaan. Wuxuu kala dardaaarmay cudurrada dilaaga ah ee ku dhici kara ummadnimadooda iyo dawladnimadooda, ayna tahay inay si joogto ah uga feejignaadaan.

Halkaa waxaa innoogu eg taxanihii “Milicsiga Siirada Suubbanaha NNKH”. si aan u muujinno mabaadiida iyo qiyamka uu Nebigu NNKH ku dhisay ayaan mudnaanta siinnay arrimaha dhismaha ummadda iyo dawladnimada. Shantan qormo ee gaagaabani waxay tusaale u yihiin sida Siirada Nebi Maxamed NNKH u xambaarsan tahay duruus iyo casharro aan ugu baahannahay dhisidda nolol toolmoon.

Ugu dambeyn saaxiibbayaal CIID WANAAGSAN KU CIIDA!

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]


Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.