Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MEEL ISKA DHIG MAGACA AL-SHABAAB: FEKERKOODA KA WARRAN?

W.Q: Dr. Mehdi Suufi

Al Shabaab

Toddobaad ka hor ayaa waxaan ku dul-kufay maqaal uu BBC da ku qoray Frank Gardner, wuxuu ku lafoguray suurtaggalnimada in fekerka jihaadiga qulquladaysan ee Bariga Dhexe uu sii jiri doono. Waan la qabaa saadaashaas, laakiin waa muhiim in baaris dheeraad ah lagu sameeyo sida ay ku suurtaggalayso in uu sii jiro fekerka xagjirnimada ah sida kan Al-shabaab oo kale. Iyada oo sidaas ah, haddana ma sahlana in si fudud loo sharxo waxyaabaha ku dhiirriggeliyay in ay sameeyaan ficilada bahalnimada ah. Laakiin arrinta ama sababta aan marnaba la iska indhatiri karin waa fekerkooda. Waa waxa uu rumaysan yahay marka qof iyaga ka mid ah uu samaynayo wax ka baxsan bini’aadamnimo, isla iyada ayuuna qiil ka dhigtaa. Kaba sii daran, haddii fekerku yahay mid diin xiriir la leh, wuxuu noqdaa middi laba af leh: In uu noqdo mid bulshada badbaadiya iyo mid kharriba. Labaduba waa ka suuraggal urur walba oo wada feker diini ah iyo mid aan diini ahayn.

Maqaalkan, wuxuu diiradda saari doonaa suurtaggalnimada in fekerka jihaadka qulquladaysan ee Al-shabaab uu sii jiri doono iyo in kale.

Haddii aynu rabno in si dhab ah aynu u fahanno Al-shabaab waa in aan xoogga saarnaa fekerka ay aamminsan yihiin, waayo iyagu ma aha dadka keli ah ee rumaysan fekerka xagjirnimada laakiin waxaa jira dad badan oo ku qancay isla fekerkaas, iyaga oo aan ka mid ahayn urur diimeed. Sidee ku dhacday? Jawaabtu waa mid dib ugu laabanaysa feker laftiisa. Sidaas darteed, waa in marka hore aan faahfaahin kooban ka bixiyaa fekerkaas.

FEKER (Ideology)

Waa kelmed markii ugu horreysay uu Antoine Destutt de Tracey ku halqabsaday ka dib kacdoonkii Faransa. Wuxuu ka waday in fekerku noqdo mid qumman, horusocod iyo mid ka madaxbannaan khuraafaad oo dhan. Xilligaa Faransa waxaa ku xoog badnaa fekerka diiniga, oo markaas u adeegayay danta kooxda kaniisadda. Fekerku, markan waxaa loo arkay in uu yahay aragti macquul ah oo u adeega dan koox. Waxaa ku shaqaysta hadba kooxda markaas xukunka haysa ama lacagta leh ee rabta in ay iska gumaysato bulshada inteeda kale. Tusaale, fekerka hantigoosadka wuxuu ka shaqeeya ilaalinta danta kooxda hantida leh/burjuwaasiga.

Nasiibdarro, bulshadeena waxaa dhulka la galay feker diimeedyada xagjirka ah, oo loogu talaggalay dhalanrog bulsho. Waa feker aan dhab ahayn. Waa feker dool ah, oo qarnigii 19aad dalka soo galay, oo loogu talaggalay in lagu burburiyo fekerka nabdoon ee suufinnimada. Waxaa ku qaraabtay kooxo carabaysan oo Soomaali nala ah, oo ka yimid saddex dal: Sucuudiga, Masar iyo Suudaan. Waa koox xanaaqsan oo mannaxayaal ah, oo u kulul xukunka dalka. Waa koox meel walba lug ugu jirta: ganacsi, waxbarasho, caafimaad, warbaahin, siyaasad iwm. Fekerkooda diiniga ah, wuxuu ku dhex faafay bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa ku qancay dhallinyaro badan, dumar, indheergarad iyo waayeelkii bulshada. Waa feker marka uu qofku qaato ku fikiro in uu sameeyo ficil xagjirnimo ah, ugu yaraan gaalaysiinta degdegga.

FEKERKA AL-SHABAAB

Waa mid lala soo degdeggay. Ma aha mid cusub, oo 2006-dii dalka yimid, mana aha dhalad. Waxaa ilo u ah saddex dal: Sucuudiga, Masar iyo Suudaan. Xilli hore, mar aan akhriyay buugga “Kobacii Islaamiyiinta Soomaaliya” ee uu qoray Abdishakur Mire, waxaan ku dhex arkay arrin yaab igu noqotay!, Su’aalna ka keenay. Culummadii dalka ku faafisay fekerka wahaabigga/salafigga mayalka adag, boqolkiiba sagaashan waxay wax ku soo barteen ama ku soo noolaayeen saddexda dal ee aan kor ku xusay. Tuhunkayga, saddexdaas dal waxay qayb ka ahaayeen dalalkii taageeray ururada Islaamiyiinta Soomaaliya.

Saddex maalin ayay igu qaadatay in aan ku dhammeeyo mid ka mida buuggaagta ugu xiisaha badan ee laga qoray Al-shabaab, buugga “Inside Al-shabaab” ee ay wada qoreen Harun Maruf iyo Dan Joseph. Marka laga soo tego sida ay uga sheekeeyeen taariikhda Al-shabaab, waxaan ku diiday saadaasha ah in Al-shabaabku sii jiri doono. Maqaalkan, wuxuu ku doodayaa in kooxdaasi aysan sii jiri doonin laakiin waxaa ka hari, oo waari doona fekerkooda xagjirka, ee jihaad-doonka ah. Waxaana sabab u ah laba arrimood oo kala ah: In kutubada diiniga ee tixraaca u ahaa fekerkaas ay weli ku baahsan yihiin gudaha dalka, waxaaan laga akhriyaa qaar ka mida masaajidyada. Iyo in dadka caadiga ah badankood ku qanacsan yihiin fekerka laakiin weli aysan soo gaarin marxaladda xagjirnimada mayalka adag.

Kooxda dambe, waxaa ka mida dadka la dhacsan fekerka Al-shabaab, badanaa waxaa fadhi u ah maqaayadaha fadhikudirrirka, hoteellada, goobaha ganacsiga, waxbarashada, sosyal meediyaha sida Faysbuugga, Yuutuubka iwm. Waxyaabaha lagu garan karo waxaa ka mid ah in mar walba ay iskuddayaan in ay qiil/cudurdaar diini ah u sameeyaan ficilada Al-shabaab. Waana kuwa mar kasta doodda u jiida dhanka diinta, iyada oo aan doodda gaarin ilaa heerkaas. Waxaa kaloo lagu yaqaanaa dulqaad yari, nacayb iyo caaddifad. Waxaan xusuustaa mid ka mida ardaydaydii jaamacadda. Mararka qaar marka aan fasalka soo galo wuxuu igu qabsan jiray arrimo diineed. Waan xusuustaa marka uu hadlayo wejigiisa waxaan ka dareemaayay xanaaq, dhibsasho iyo nacayb.

GEBAGEBO

Waxaan soo aragnay in ay jiraan dad badan oo ka mida shacabka, oo la dhacsan fekerka Al-shabaab. Qalbiga ayay Al-shabaab ka yihiin, waana iska rayid maqaayadaha ku fadhiddirrira! Waa kuwii ku farxay xasuuqii Shiikh Cabdiwali, markii hore waxaa la marsiiyay hannaanka bini’aadamkabaxnimada (Dehumanization). Kama shakin, kuwii ku farxay in ay qayb ka ahaayeen dadka ku qancay fekerka Al-shabaab laakiin aan weli qori u qaadin. Inta fekerkaas xagjirka ah, ee mayalka adag uu weli ku dambeeyo qaar ka mida caqliga bulshadeena, iyaga oo lagu korinayo goobo waxbarasho, masaajidyo iwm fekerka Al-shabaab wuu sii jiri doonaa.

W.Q. Dr. Mehdi Suufi
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.