Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxaa sababay dib u doorashada Siciid Deni ee Puntland

W/Q Cabdiraxamaan Cabdirisaaq Ciise

Md. Siciid cabdullahi Deni  ayaa mar labaad  ku guulaystay xilka madaxtinimo  ee PL, isaga oo  noqonaya Madexweynihii 1-aad taariikhda Puntland ee dib loo doorto. Doorashada ayaa markii shanaad ku dhacday waqtigeeda, iyada oo meesha ka saartay cabsida  laga qabay in ay  waqtigeeda dhaafto. Siciid Deni ayaa helay 45 cod , halka Guuleed oo ahaa musharraxii wareegga 3-aad ula gudbay uu helay 21 cod.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Markii ay soo baxeen liiska xildhibaanada, musharraxiintu waa ay diiddeen in ay aqbalaan , iyaga oo sheegay in habraacii xulista laga leexday, balse ugu danbayn waa ay  aqbaleen , iyaga oo u arkay in ay xildhibaanada xodxodan karaan.

Marka laga tago in inta badan xildhibaanada uu Siciid gacantiisa ku  qortay, waxaa jira arrimo kale oo sabab u ahaa in dib mar kale loo soo doorto:

Oggolaanshaha Doorashada Waqti Dambe

Siciid wuuxu mudddo ku adkaysanayay in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah (1q1c), balse Mucaaradka ayaa aad uga  biyo diidday, waxaana jirtay cabsi xoogleh in ay dagaalo caasimadda ka dhacaan . Ugu danbayn, xilli aan la filayn 6 Desember  in uu Siciid aqbalayo doorasho aan qof iyo cod ahayn  ayuu sheegay in “rabitaanka shacabaka” siyaasiyiin diiddeen, uuna u tanaasulay danta guuud, dadkuna soo doortaan qofka ay rabaan. Musharraxiinta kale ma helin waqti ay isku abaabulaan oo ay olole  macno leh ku sameeyaan, taas oo fursad u siisay Siciid in uu noqdo qofka kaliya ee  doorashada u diyaarsanaa.

Hirgalinta Qof iyo Cod

Tani iyo markii uu ku soo guuldaraystay doorashada Madaxtinimo ee Federalka Soomaaliya , Deni wuxuu qaaday wado cusub oo ah in dareenka shacabka laga  ganacsado (Populism)  , siyaasiyiintana  lala  diriro. Si qorshahaas ugu hirgalo,  wuxuu meesha ka saaray kooxdii Aaran Jaan ee kursiga kula fadhiday, wuxuuna  qabtay doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod lagu soo doortay.  

Doorashadaas Siciid wuxuu ku kasbaday taageerada shacabaka oo muddo u hamuun qabay in ay codkooda dhiibtaan. Siciid dadka uu qaabilo muddooyinkii dambe waxay ahaayeen da’ yarta caanka ka aha Baraha Bulshada, wuuxuna isu muujiyay in uu yahay madexweynaha shacabka. Taas oo  u suuragalisay in uu  isaga yareeyo culayska siyaasiyiinta , isaga oo shacabka dhabarka saaraya.

Hirgalinta hannaanka qof iyo cod markii ugu horraysay Puntland ayaa Xildhibaanadu u arkeen in uu Siciid  mudan yahay in ay dib u doortaan , si uu  halkaas uga sii  wado.

Xiriirkiisa Federaalka

Isaga oo  ol’olaha Xisbiga Kaah kaga  jira  magaalada Galkayo, ayaa  waxaa dhaliilo u soo jeediyay Madaxweyne  Xasan Sheekh iyo RW Xamse, waxayna ku baaqeen in hannaanka qof iyo cod la joojiyo, si looga baaqsado  dagaal. Hadalka Xasan iyo Xamse ayaa fursad dahabi ah u ahaa Deni oo taageeradiisu shacabaka aad u hooseesay, wuxuuna ku kasbaday taagero xoog  leh oo shacab, gaar ahaan Gobalka Mudug oo wax ka tirsanayay muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheikh.

Ol’olaha doorashada waxay madaxtooyada Puntland u dhigtay mid u dheexeeya isaga iyo musharraxiin uu Xasan taageerayo.  Deni ayaa  si weyn u   gaday  in uu yahay qofka kaliya ee damaca Xasan Sheekh hor istaagi kara, adkayn karana nidaamka federaalka,  oo uu sheegay in uu Xasan Sheekh rabo in uu burburiyo.

Xoraynta Gobolka Sool

Deni waxa kale oo caawiyay in dawladdiisu  qayb weyn ka qaadatay xoraynta Gobalka Sool oo 2007 Puntland laga qabsaday. Taas oo uu ku kasbaday xildhibaanada  SSC Khatumo, In kasta maamulka iyo odayaasha dhaqanku  ay diiddeen in Puntland xildhibaano u dirsadaaan, kadib cadaadis kaga yimid bulshada.

Jabinta Taraha

Siciid qabashada qof iyo cod waxaa aad ugu horyimid  kooxda Aaran Jaan oo saamayn weyn kuleh  Gobalka Nugaal, iyaga oo ku doodday in doorashadu ay tarahooda meesha ka saarayso. Waxay ku guulaysteen in ay  qori ku hor istaagaan in doorashada Golaha Deegaanka laga qabto  degmooyinka beeshoodu degto. Shacabka Gobolada kale ayaa arrintaas u arkay in ay   is hortaageen himilo ay bulshada Puntland muddo dheer lahaayeen.

Siciid ayaa dacaayd xoog badan ku furay Aaran Jaan iyo deegaanka ay matalaan, taas oo sababtay in ay abuurantano diimo xooggan oo lagu diidan yahay taraha Ciise Maxamuud, gaar ahaan Gobolada Bari, Sanaag iyo Mudug, waana mid ka mid ah sababaha dib loogu doortay.

Mucaaradka oo aan hayn aragti tiisa u babac dhigi karta

Mucaaradka Deni kuma guulaysan in ay abuuraan qorshe u dhiganta iyo higsi u dhigmi ka Deni  oo lagu kasbanayo bulshada. Sidoo kale, Musharraxiintu   kuma guulaysan in soo bandhigaan khaladaadkii, fursadihii lumay iyo dib  u dhicii ku yimid Puntland muddo xilleedkii Siciid.

Siciid waxa kale oo uu  abuuray  marka la eego musharixiinta tartamaysay,  in uusan jiran qof isaga dhaama, Taas oo shacabka   inta badan ka gadmatay, sababa na u noqotay in dib loogu doorto.

Cabdiraxamaan Cabdirisaaq Ciise  
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.