W/Q: Maxamed Faarax
Magaalada Addis Ababa xilliga qaboobaha aad bay u jawi macaan tahay. Roob gabaxle ah ayaa ka da’a, waqtiga intiisa kalena darruuro ayaa cirka buuxdhaafiya. Dhirta iyo dhismayaasha, dhirtaa badan. Waa ildoogsi aan la qiyaasi karin, oo uu qalbigu ugu xasilayo qof ka yimi dhul dhirtii laga xaalufiyey. Laakiin jawigaa deggan waxaa sharaf diley waddooyinka oo dhiiqo iyo lin noqda marka dhibicda roobku taabato.
Hawadaas macaan ayaanu waqtiyada salaadaha ku oognaa barxad weyn oo quruurux daadsanyahay oo ku taal muqaaxi niman Soomaali ah u kireysan.
Casar liiqii xilliga salaadda maqribka la sugayo, ayaa jawigu ugu macaanaa, fadhiga mawlucuna ugu wanaagsanaa. Laba waddaad oo dhallinyaro ah ayaa ku kaltama oo wacdi ka akhriya inta maqribku soo gelayo. Dhegeystayaashu waxay u badan yihiin odayaal gadh cas ah oo sida loo badanaa dhakhtar iyo dhoofitaan u yimi. Haa, iyo aniga oo magaalada ku cusub.
Ismaandhaaf yar oo marmar si kedis ah ku dhaca maahane wax kale oo shiddo ah ama su’aalo la isku taagtaagayo mawlacaas barakeysan kama jirin. Mashaqada yari waxay ahayd oo labada waddaad iskaga mid ahaayeen, iney u faro baxsadaan wax ka sheegga dariiqooyinka iyo awliyada ay qolada ehlu sunnuhu aaminsanyihiin. Guux yar dabadeed way iska kala degi jirtey. Odayada dariiqooyinka raacsanaana markooda waxay labada waddaad ku xifaaleyn jireen iney kutubgaabyo yihiin, oo culuunta awliyada iyo rooxaamaha aan bayd uga bilaabneyn. Inta badan waxaa odayaasha looga jawaabi jirey su’aalo ku saabsan axkaamta soonka iyo fiqhiga guud ahaan, taas oo waxtar weyn iyo aqoonkororsi u ahayd dhegeystayaasha.
Fadhigaas karaameysan ee ka qabsooma mawlacaas barakaysan, isagoo saas yahay, ayaa ”waddaad-weyni yimi”. Itoobiya wadaaddada Soomaalidu markey soo gelayaan gadhka way soo qorqori jireen, oo surwaallona soo xidhan jireen, ee sheekhani gadhkoo xundhurta u jooga ayuu la soo galay. Khamiis cad iyo cimmaamad sucuudina had iyo jeer wuu ku lebbisnaan jirey. Galabtii ugu horreysey ayuu markii salaada maqrib laga baxay ka istaagey mawlacii, oo wacdi afcarbeed uu ku furfurtey billaabey. Goor la isleeyahay qudbaddii way dhammaatey ayuu yidhi ammaa-bacdu akhwaanii…
In waddaad weyn goobta yimi intaas ayaa caddeyn u ahayd. Galabtii danbe kursigii kutub gaabyada isagaa fadhiyey. Waddaadka oo hadalkiisu u badnaa afcarbeed in yar ayaa laga fahmi jirey. Ayaamo ka bacdi si yar si yar ayaa gollihii u dareemeen in mawduucyada indhoweydba mawlaca laga akhriyaa aysan dadku wada fahmeyn amase xiisayneyn. Ixtiraamka iyo wayneynta wadaaddada loo hayo awgeed ayaanse cidna ku dhicin in waddaadka loo sheego in la saluugsanyahay qudbadihiisa.
Wadaaddadii yaryaraa ayaa damcey iney booskoodii ku soo laabtaan. Dagaal diimeed ayaa bilaamey, masalooyin fiqhi ahna waa la isku qabsadey. ”Waddaadkii waynaa” ayaa si uu u muujiyo inuu afarta mad’habba ka jawaabo ayaa galab wacdigiisii ku soo daray masaladii mawlaca kicisay. Wuxuu yidhi ‘’ ri’ kuu irmaaneyd haddey kaa bakhtido, oo aad u timaado iyadoo bakhti ah, se naasuhu dararanyihiin, caanaha waad ka lisan kartaa, oo shaah ku caddeysan kartaa’’
Galabtii xigtey mawlaca dad tiro badan ayaa yimi si ay u dhegeystaan doodda wadaaddada, mayee, muranka wadaaddada. Masalooyin kale oo nolosha aan xidhiidh la lahayna waa la keenay. Buuq iyo isjikaar baa hadheeyey kullankii amranaa. Waanwaan dabadeed waxaa la go’aamiyey in su’aalaha Sucuudiga loo diro. Waxaana la sheegey iney hal bil qaadan karto inta jawaabta la helayo. Wacdigii laga akhrin jirey mawlaca markaas ayaa ugu danbeysey.
Mawlacii tolow isna xaggee ku danbeeyey? Haa, halkiisii kaniisad ayaa laga dhigay, kaniisad ka tirsan firqo malaha Itoobiya markaa ku cusbayd oo aad u qaylo badan. Hadh iyo habeen muusik iyo qaylo baroor la moodo ayaa ka baxi jirtey goobtii barakeysaneyd.
Marar badan aqoonyahanka iyo wadaaddada qaarkood waxay ku xiiqsanyihiin wax aan dan badan ugu jirin shacabkan daallan ee doonaya wax baahiyahooda dhabta ah ka jawaaba.
W/Q: Maxamed Faarax
Email: eliasfarah3@hotmail.se
Leave a Reply