Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dibumilicsiga Kaydka WDN: Markii Aan La Kulmay Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Rag iyo dumar, gudo iyo dibadba waxaa isa soo taraya shakhsiyaadka u xusulduuban sidii ay uga qaybgeli lahaayeen doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaysa Soomaaliya dabayaaqada bisha Oktoobar ee sannadkan.

Rumayso ama ha rumaysan, laba toddobaad ka hor waxa uu ka mid ahaa wadayaasha Tagaasida shirkadda Uber ee magaalada London haddase waa musharrax u taagan jagada madaxweynenimo ee JFS.

Ma ahan musharraxii ugu horreeyay ee isagoo qurbaha ku noolaa 25kii sanno ee aan soo dhaafnay, aqoonta iyo waayo aragnimadiisuna ay aad u hoosayso haddana damacu ka galo inuu ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya dawladda Soomaaliya, mana filayo inuu noqon doono kii ugu dambeeyay.

Markii aan soo galay mid ka mid ah makhaayadaha Soomaalida ee London ayaa anigoo weli taagan, oo indha-indhaynaya dadka meesha fadhiya iyo kobtii aan salka dhigi lahaa ayay ishaydu ku dhacday nin si qurux badan u labbisan, ilka-caddaynaya oo dhankayga u soo socda.

Anigoo yaabban oo maskaxdu dhakhso u soosaari la’dahay qofkan xaggayga u soo ruqaansaday ayuun bay mar keliya igu soo dhacday inuu yahay ninkii Cumar (ma ahan magaciisa dhabta ah) oo aanaan in muddo ah is arag.

somalielectionAnigoo la dhaygagsan qaabka uu u labbisanyahay iyo shacniga ka muuqda ee aanan hore ugu arki jirin ayaan salaan ka dib weydiiyay, ‘ waar Cumar maanta waa sidee ma aroosbaad u socotaa.” “mayee hawlo kale ayaa jiree waxba ma ogide anaa kuu warrami ee soo fadhiiso,” ayuu iigu jawaabay.

Da’a ahaan waa ilaa kontameeye sanno, waana nin aad u furfuran oo hadal badan, haddii ay maanta isugu kiin horreysana kuula sheekaysanaya sidii laba qof oo abid is yaqaanay. Taas ayaan u malaynayaa in ay u sababtahay in dadka qaarkii ay ku tilmaameen nin yara fudud oo aanay sheekadiisa iyo kaftankiisa jeclaysanin.

Miis cidla’ ah ayaanu fadhiisannay ka dibna waxa uu markiiba i weydiiyay, “Kofi mise shaah kee cabbaysaa.” “ Haa fadlan Kofi”, ayaan ugu warceliyay. Ka dibna inta uu kacay ayuu qoladii makhaayadda u sheegay inay laba koob oo kofi caano leh noo keenaan.

Wali waxaan ka wardhawrayaa jawaabta uu ka bixin doono su’aashii aan weydiiyay iyo waxa aan moogahay ee uu ii sheegi doono.

“Waar inaan Musharax madaxweyne ahay miyaanad ogeyn,” ayuu hadal iigu billaabay. Yaab. Waxaan u qaatay in uu iska cayaarayo, waxaanan si kaftan ah ku idhi, ‘Xaggee ma Maraykanka”

“Laba toddobaad hadda shaqo ma aadin oo waxaan isku diyaarinayaa safar aan Xamar ku tago si aan uga qayb qaato tartanka doorashada Madaxweynaha ee dhawaan dalka ka dhici doonta”, ayuu isagoo arrinta ii sii faahfaahinaya ii sheegay. Indhaha shakigu ka muuqdo ee aan ku fiiriyay intuu dareemay ayuu jeebadda gacanta geliyay ka dibna soo saaray tigidhkii diyaaradda oo uu sheegay in uu hadda soo qaatay.

Intaa markaan isdhaafsanay waxaa noo billaabmatay dood iyo weydiimo badan oo aan xaggiisa ku ganay.

Waxaa yaab lahayd in weydiin kasta oo taban, kuna saabsan xaalaadda iyo duruufihiisa gaarka ah oo aan su’aalaba, uu farta iigu fiiqayay mas’uuliyiin dawladda hore xil uga qabatay amaba iminka ka haya.

“Ma tihid nin siyaasadda hore ugu soo dhex jiray oo dadku yaqaan markaa sidee ku suurto geli kartaa in lagu doorto’, ayaan ugu horreyntii su’aalay. Inta uu dhoollacaddeeyay oo cantuugo afka buuxsaday kofigii ayuu yidhi, “ khaliilow, Xasan Sheekhba isagoon siyaasad hore ugu jirin oo aan cidi aqoon ayaa haddana la doortay”. Iina sii raaciyay, “ adigu miyaad taqaanay intaanu madaxweynaha noqon” “Maya weligay ma maqal” ayaan si dhakhso ah ula soo booday. “ Maxaaad haddaa sheegaysaa” ayuu isna ii sii raaciyay.

Intaa ugama hadhin ee haddana waxaan su’aalay, “ oo ma adigoo Tagsiile ah ayaad hadda rabtaa inaad Soomaaliya madaxweyne ka noqoto”. “Tagsigu waa shaqo, shaqaduna ceeb ma aha, immisa qof oo Tagsiilayaal ahaa oo Ingiriiska, Ustaraaliya, ama Waqooyiga Maraykanka degganaa ayaa xilal ka qabtay Soomaaliya”, ayuu yidhi Cumar. Ka dibna waxaa uu tiriyay magacyada mas’uuliyiin badan oo uu sheegay in ay tagsiilayaal ahaayeen, waxaana ka mid ahaa dadka uu carrabaabay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farroole oo hadda isna la sheegayo in uu musharrax madaxweyne yahay.

“ Waddanka muddo dheer ayaad ka maqnayd oo aad qurbaha degganayd markaa miyaanay wax laga xishoodo ahayn in aad maanta tidhaahdo dib baan ugu noqonayaa oo inaan madaxweyne ka noqdaan rabaa” ayaan haddana weydiiyay.

“ Anigu waddankayga waan jecelahay, wax dambi ahna kama gelin marka ma garanayo wax iga hor istaagi kara inaan madaxweyne ka noqdo, maxayse tahay xishoodka aad sheegaysaa kii mas’uulka laga dhigay ee badda iibsaday ayaaba raba in uu madaxweyne noqdee”, ayuu isagoo ila yaabban iigu jawaabay.

Markay sheekadu halkaa noo marayso ayuu nin ay is garanayaan makhaayaddii soo galay oo inta iskaaya soo dultaagay isagoo si gaara u salaamaya Cumar ku yidhi, “Ii warran Injineere”. Ka dibna markay salaan iyo xaal waraysi kooban isweydaarsadeen naga tegay.

“ Oo kuma ogeyne goormaad injineerka noqotay”, ayaan anna markiiba kula booday. Intuu qoslay ayuu igu yidhi, “ waar waanan dhammaysane sawtaan muddo baranayay Plumber ka”. Intaan qoslay ayaan haddana weydiiyay, “ oo markaa ma Injineer baad atahay”. “ Haa qof walba oo farsamoyaqaan ahi waa Injineer”, ayuu iigu warceliyay.

Plumber waa qofka rakiba ama dayactira dhuumaha biyaha ama kuwa wasakhda qaada amaba kulayliyaasha guryaha.

Waa arrin caadi iska noqotay in qurbajoog badani iyagoo darajooyin kala geddisan wata ay dalkii u shaqo tagaan, darajooyinkaasi ha noqdaan kuwo ka turjumaya aqoontooda amaba ka beensheegaya. Markaa la yaab ma lahan in Cumar uu rabo in uu ku meel maro darajada injineernimo.

Makhaayaddii ayaa waxoogaa lagu soo yara batay, ka dibna waxaanu u soo baxnay dibadda halkaas oo aan cabbaar ku sii sheekaysanay.

Wuu ogyahay in aan cidina madaxweyne u dootanayn, waayo xataa wey ku adagtahay in uu helo lacagta diiwaangelinta laga rabo qofka madaxweynaha isu sharraxaya, iska dhaaf hanti kale oo uu ku gato codadka xildhibaannada wax dooranaya’e. waxaana ugu dambeystii hadalladiisa iiga baxay in damaciisa siyaasadeed yahay in uu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haseyeeshee uu marka hore garaaco daasadaha madhan ee inuu yahay musharax madaxweyne si sanqadhiisa loo maqlo oo xaggiisa bal mar uun loosoo yara jaleeco.

Intii aanaan kala tegin waxa uu Injineer Cumar iga codsaday in aan ka taageero sidii saxaafadda looga baahin lahaa musharaxnimadiisa loona buunbuunin lahaa, anna waxaan ka ballan qaadday in aan maqaal ka qori doono musharraxnimadiisa. Aad buu ugu farxay warkaas, waxaanu ii sheeegay in waxaas iyo wax ka badanba iga filayo.

Haddaba maqaalkani waa ballantii aan u qaadday Injineerka u sharraxan xilka  madaxweynaha Soomaaliya haseyeeshee ilama aha in uu noqon doono mid uu ku farxo.

W.Q. Khaliil C. Xasan
Email: [email protected]


Waxa uu maqaalkani ku soo baxay WDN Bishii Sebtember 4, 2016.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.