Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Mar kale:  Dooxada Marar iyo Damaca Oromada

W/Q: Xil. Maxamed Ibraahim

Hordhac

MARAR waa dooxo iyo degaan Alle baad iyo biyoba ku mannaystay, oo ku taal goob 25 km xagga galbeed ka xigta magaalada Jigjiga kana tirsan degmada Tulli-Guuleed. Waxa Dooxadan ka qodan 57 ceel-biyood oo shacabka degaanku biyaha ka cabbaan xilliga Jiilaalka. Waxana hareeraheeda deggen bulsho lagu qiyaaso ilaa 30,000 qoys oo xoolo-dhaqato-beeralay ah (agro-pastorilist)

Biyo xidhka dooxada Marar ee Oromadu qorsheynayso in ay dhisto

MARAR asal ahaan waa dooxo uu ka billaabmo Togga wayn ee JARAR oo dhexmara magaalada Jig-jiga kuna dhammaada webiga shabeelle kadib marka uu sii maro maagaalooyinka Dhagax-buur, Birqod, Qabridaharre iyo Shilaabo. Ciid-sanka uu qaado oo aan la qiyaasi karin ka sokow, waxa uu sannadkiiba gudbiyaa biyo lagu qiyaaso 3,000,000,000 littir. Kuwaas oo sababa laba arrimood:

  1. Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka uu Dooxu maro oo xilliga gu’ga ku beerta midhaha kala duwan ee la cuno, sida- Gallayd iyo Yaryaraha (Hadhuudhka), iyo
  2. Xilliga Jiilaalka oo shacabku ka qotaan ceelal-gacmeedyo gaa-gaaban oo ay dadka iyo xooluhuba ka cabbaan.

Waxa intaa dheer dhulka Dooxada MARAR waa goob dadka ku dhaqan u leh taariikh-dhaqameed da’ wayn. Bilicda, Baadka iyo Biyaha ku badan awgeed waxa lagusoo caleemo saaray 17 Garaad oo ka talin jiray deegaanadaas muddo ka badan 600 sano.

Dulmar: Bilawgii Damaca Oromada:

Haddii aan dib u milicsano taariikhda dhaw ee Muranka ka taagan dhulka MARAR, waxa lagama maarmaan ah in aan dul-marno taariikhda deegaanka iyo damaca dhulka ee Oromada. Oromadu waa qowmiyadda ugu badan dalka itoobiya, dhulka ay dedgenyiinna waa dhul 80% u badan buuro.

Marka la isku qaybiyo tirade dadkooda iyo dhulkoodana waxa qofkiiba ku soo hagaagaya dhul dhan 0.25 ha. Dhanka kale dhulka Soomaalida 80% waa dhul bannaan oo Beeraha ku haboon. Marka dadka iyo dhulka la isu qaybiyana waxa qofkiiba kusoo beegmaya 15km2  oo dhul ah.

Arrintaas iyo kuwo la mid ah, ayaad mooddaa in ay sabab u yihiin  dhaqanka dhul-boobnimada ee Qowmiyadda Oromadu maanta ku socota iyada oo markii hore ku billawday cod-bixinno xoog ah oo si qasb ah loogaga qaaday in ka badan 12 degmo oo Soomaali daganayd, kuwaas oo ay ka mid ahayd Degmada Jinacsani oo ay xoog ku haystaan.

Waxa arrintan tusaale muuqda u noqon karta dagaalada qorshysan ee Oromadu ku hayso gebi ahaanba dhulka muhiimka ee aan dariska ka nahay sida- Mooyaale, Gura-Dhaamoole, Qubi, Baabili, Dirdhaba iyo Tuli-Guuleed.

Sidaa darteed Maamulka Oromiya, oo ku dadaalaya sidii ay u xalaalaysan lahaayeen dhulka ay xoogga ku qaateen, ayaa si qarsoodi ah u qorshaystay in ay BIYO-XIDHEEN wayn oo ay ku baxayso 400 Milyan oo Birr ka dhisaan Dooxada MARAR oo ka tirsan Degmada Tuli-Guuleed ee Deegaanka Soomaalida.

Iyaga oo ka baqaya buuq halkaa ka dhasha, ayaa wafdi Oromo ah oo ka kooban 30 qof oo uu hoggaaminayay Madax-wayne ku xigeenka Dawladda Deegaanka Oromiya, ay booqasho ku yimaadeen Deegaanka Soomaalida. Waxa wafdiga ka mid ahaa Af-hayeenka Baarlamaanka Kililka Oromada, maamulka iyo madaxa xafiiska Nabad-galyada ee Gobolka Hararge,  Maamulka Degmada Jinacsani ee Oromiya iyo waliba madaxa shirkadda la siiyay qandaraaska dhismaha ee Biyo-Xidheenka MARAR, kaas oo ah (Sheferaw Jaarso) oo muddo ka badan 20 sano soo ahaan jiray wasiirka wasaaradda Biyaha  ee Dawladda Federaalka Itoobiya. 

Si fiican ayaa wafdiga loogu qaabilay Xafiiska Madax-waynaha DDS. waxayna dardaaran kooban ka dib markiiba u dhaqaaqeen goobtii ay Mashruuca u qorshaysteen (Dooxada Marar), waayo, ujeeddada ugu wayn ee socodlaaka Oromada ayaa ahaa helidda saxeexa iyo aqbalaadda ugu dambaysa ee masuuliyiinta DDS. Laakiin Maadaxwaynaha iyo maddax-wayne ku xigeenka deegaankuba waxay si fiican wafdiga ugu sheegeen in marka hore la isla garto, goobta mashruuc laga dhisayo, cidda goobta leh iyo sida dadka degganiba u arkaan Mashruuca.

Dabadeed wafdiga Oromada waxa raacay wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayay Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen Masuuliyiinta Xafiiska Waraabka, Xafiiska Ilaalinta Deegaanka, Xafiiska Beeraha, Xafiiska Curinta teknolojiyadda, hay’adda Naqshadaynta iyo  dabagalka iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Faafan ee DDS. Waxa kale oo masuuliyiinta wehelinayay duqay ka kala socotay labada maamul ee Degmooyinka Jinacsani iyo Tulli-Guuleed.

Waxa halkaa ka billaabantay dood la xidhiidha lahaanshaha dhulka. Waxaana la isla qaatay in dhulku yahay deegaanka Soomaalida sidaa darteedna aanay munaasib ahayn in mashruucan laga billaabo dhulkaas maadaama uu colaado hor leh dhalin karo.

Oromada oo aad ugu adkaysanaysay in mashruucaas degdeg loo billaabo ayaa halkaas ku hungawday. Waxaana dood badan ka dib la isla qaatay in aan mashruucaas la dhisi karin illaa labada dawladood ka wada xaajoodaan sidii mashruucaas loo wada yeelan lahaa iyo illaa inta dadka ka faa’iidasytayaasha ah laga dhaadhicinayo muhimadda mashruuca.

Intaa kadib waxa la dhisay guddiyo heer gobol iyo heer degmo ah oo labada maamul ka kala socda si ay isula qaataan nidaamkii mashruuca loo wada yeelan lahaa oo shacabkana si nabad iyo wadajir ah loogu wada faa’idayn lahaa. Nasiib darro, maamulka Oromiya ayaa hawshaa ka biyo diiday dabadeedna shirkii qaadacay. Kulankii ugu horreeyay oo labada dhinac ku yeesheen magaalada Baabili ayaa la isku afgaran waayay, waayo Oromada ayaa soo dhigtay in wadahadallada iyo dhismaha mashruucu isbarbar socdaan. Taasna waxa diiday guddigii ka socday dhinaca Soomaalida oo arrinkaa ku tilmaamay sheeko caruurreed. Kulan dambena ma dhicin.

Haseyeeshee muddo 2 bilood ah kaddib ayaa mamulka Oromiya si kali iyo kadis ah u billaabay dhismaha Mashruuca. Laakin waxa arrintaa si adag uga hadlay Mas’uuliyiinta DDS oo sheegay in Maamullka Oromadu joojiyaan dhibta ay deegaankaas ka wadaan. Dabadeedna waxa khasab noqotay in mashruucii la joojiyo. 

Madashii Wada-hadallada Nabaddeed ee Labada Shacab

Ka dib markii maamulka Oromiya si cad u diidday in ay ka shaqeeyaan nabadaynta labada shacab, ayaa hay’ad maxalli ah oo ka shaqaysa xallinta khilaafaaadka ay yagleeshay madal nabadeed oo ay ku wada xaajoodaan 40 duqay ah oo ka kala socotay labada degmo ee Jinacsani iyo Tulli-Guuleed. Kulankaaas oo magaalada HARAR ka furmay 24/12/2022, waxay labada dhinac isla qaateen in colaaddu aanay cidna u fiicnayn sidaa darteedna nabadda loo wada guntado. Waxayna ku heshiiyeen in maalinta taariikhdu ahayd 28/12/2022 kulan nabadeed oo ballaadhan ku yeeshaan dooxada MARAR, laguna soo saaro heshiisyo dhaxal-gal ah oo shacabka labada degmo ay iyagu ku heshiisiinayaan.

Waxa xusid mudan in labada dhinacba isla garteen in mashruuca maamulka Oromadu ka wado Dooxada MARAR uu qalad yahay, islamarkaana ay kasoo wada horjeedaan

Hadda iyo Xaaladda Marar

Labada shacab oo ka duulaya go’aankii ka soo baxay kulankii HARAR, Duqay iyo Guddiyo qaban-qaabo oo ka kala socday labada maamul ee Jinacsani iyo Tulli-Guuleed ayaa MARAR gaadhay 18/12/2022. Waxay labada dhinacba halkaa geeyeen Tendhooyinkii  ay dadku seexan lahaayeen, gogoshii lagu seexan lahaa iyo raashinkii. Nasiib darro isla galabtaa ayaa Kililka Oromiya uu dooxada MARAR soo galiyay Cagafyadii qodaalka Mashruuca billaabi lahaa. Duqaydii dhinaca degmada Tulli ka socotay ayaa dhinicii kale waydiiyay sababta Cagafyadu qodaalka u billaabayaan iyada oo ay hore isula qaateen in dhismaha mashruucani qalad yahay.   Odayadii dhinaca Jinacsani ka socday ayaa sheegay in arrintaasi qalad tahay oo ay iyagu maamulka Oromiya kala hadli doonaan.

Nasiib daarro, maamulkii Oromadu waa uu diidday in ay qodaalka joojiyaan, odayadii dhinaca Jinacsani oo arrintaa ka xanaaqsan ayaa sheegay in ay Oromdau kas u qasayso dadaalka nabadeed ee shacabku wadeen.  Sidaas ayaa uu shirkii nabaddu ku burburay.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Mar kale:  Dooxada Marar iyo Damaca Oromada

W/Q Xildhibaan Maxamed Ibraahim
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.