Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Magaaladii Rejada

W/Q Xafsa Cumar Cabdilaahi

Goor gabbal-dhac ah oo cadceeddu gashay godkeedii addinkii Salaada maqribna afka lagu hayo, taariikhduna ku muddeysneyd 17-ka bishii 2-aad ee sannadkii tagay, 2019,  aniga oo akhrisanaya casharro aan ugu diyaar-garoobayay imtixaan aan ku soo gunaanadayay semester ka saddexaad ee shahaadadda heerka labaad ee Jaamacadda Camuud oo si baraad li’i ah u dhex yuurara kobta aan wax ku akhristo kuna cibaadaysto ee guriga ee aan ula Minbarka, ayaa taleefankayga la iga soo wacay. Nasiib darro, ma’ aanan ajiibin maadaama taleefankayguna aanu ii dhaweyn, aniguna aan dhuuxayay buuggaagta aan akhrisanayay wakhtigaasi. In yar keddib, ayaan arkay in taleefankayga dhawr jeer lasoo wacay.

Taleefanku waxa uu iiga yimid mas’uul ka tirsan Jaamacadda Camuud, kana mid ahaa macalimiinteyda. Waxa aanu ii sheegay in uu xiisaynayo in aan ka qeyb galo Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqal Aadamaha ee dawlada Fedaraalka Soomaaliya anoo matalaya Jaamacadda Camuud, oo ka qabsoomi doona magaalada Muqshisho oo ahaa Marti- qaad ha’yadda UNDP-du ugu deeqday Jaamacadda Camuud. Hay’addani UNDP waxa weeyi hay’ad maalgalisey shahaadadaydii heerka labaad ee Jaamacadda Camuud aan kaga baxay anaga oo baranay cilmi isbeddelka cimilada iyo hirgelinta degaan waara (Climate change and environmental sustainibility).

Waan ajiibay dhambaalkii farxadda lahaa, waxaanan kala tashaday waalidkeyga oo aanan oggolaanshiyohooda iyo taladooda la’aantood bixin. Muddo 10 cisho ah oo ay socotay qaban-qaabada iyo isu dubaridka safarkaygu, waxa su’aalo badani igaga imanayeen asaxaabtayda, ehelka iyo dad badan. Maadaama, maalmahaasi ay ku beegnayd qaraxii Hoteelka
Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho; dadku waa ay diiddanaayeen tagitaankeyga.

Ugu danbeyn, waxa aan ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade. Waxa markiiba halkaas naga soo qaaday gaadhi ay noosoo dirtay hay’adda UNDP. Caadi ahaan Boorama waa magaalo qabow halka Muqdisho tahay magaalo kulul. Hawada diiran ee markaasi soo gashay jidhkeyga iyo jawiga cusubi, waxa uu ruuxdayda ku waraabiyay farxad iyo rayn-rayn oo aanan qoraal kaga gayoon karin wixii aan dareemayay maalinkaasi.

Dareenka wadaniyadda ayaa gudahayga ka gingiman. Indhahaygu waa tan markii koowaad oo ay ku indho-dillaacsadaan dhalaalka iyo bildhaanta calamada buluugga ah. Gabadh reer Muqdisho ah oo aanu fasalka wada dhigan jirnay oo shirkanna aanu Jaamacadda Camuud wada mataleynay, ayaa igu wehelisa safarkan. Waxa ay aad ula yaabbantahay dareenka wejigayga ka muuqda oo heer la qariyo soo dhaafay.

Indhahayga waxaa ka socota ilmada farxadda iyo rajada oo aan xakameyn kari waayay. Intii aan kusii socday meesha aan ku dagayay oo ku taallay Degmada Waaberi, waxa la isii tusay KM4 iyo waliba Hotelka Maka Al Mukarama oo wakhtigaasi burbursanaa.

Xeebta Liido . Xigasho sawirka-Mohamed Odowa/dpa

Magaalada Muqdisho waa meeshaas qalbigeyga xadday, ina gaadhsiisay xataa heer aan ilmeeyo. Wadaniyadda dhabta ahna i dareensiisay. Magaalada Muqdisho waxa ay leedahay meelo caana, sida Xamar-weyne, Shibis iyo Shangaani, meelahaas ayaan sii arkay markii aan ku socday shirka.

Markii aan hoolka shirka galay, midabbada buluugga ah iyo calanka dhexda ay kaga shaambadaysantahay xiddigta cad ee qurxoon, ayaa meel walba ku xardhan, darbi iyo gidaar walba sudhan. Indhahaygu ilmo ayay la camiranyihiin, qalbigayguna waa faraxsanyahay. Afkiibaa juuqda gabay. Shirkii ayaa toos noogu bilaabmay. Maadaama oo la igaga wanaagsanaa siyaasadda iyo wararkaba. Masuuliyiinta soo istaaga dhammaantoodba way garanayeen asaxaabtii kale ee aanu isla soconnay. Maskaxdeydu maalintaasi daqiiqad ma aanay aamusayne naftaydu waxa ay i tidhi “ma waddaniyadaa kugu yar, cidba garan meyside”.

Asaxaabtii kale ee gobolada ka timi, una badnaa Banaadir waa ay wada garanayeen dhammaanba masuuliyiinta dawladda. Shirkii markii uu noo dhamaaday maalintii koowaad keddib, waxaanu booqannay xeebta Liido. Waxaa dib iigusoo laabkacleysay dareenkii maalmahanba qalbigeyga dhex fadhiyay ee yididiilada.

Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo socday 4-6 dii Maarso, ee sandkii 2019, waxa uu ahaa shir cajiib ah, kaas oo aanu soo jeedinnay talooyin badan ani iyo dhammaanba haweenkii kala duwanaa ee la isugu keenay madasha, ee ka kala yimi gobolada waddanka oo dhan. Macduucyadda muhiimka ah ee laga doodday ayaa waxaa ka mid ahaa mawduuca Isbaddalka Cimilada iyo Haweenka, oo arinkii annaga nalagu soo martiqaaday.

Magaalada Muqdisho waxaan sii joogay 7 cisho oo dheeraad ah, dalxiisna waan soo dhammeysannay runtii. Goobaha cajiibka ah waxaa ka mid ahaa Beerta Nabadda, Beerta Banaadir, Muqdisho Mall, Pizza House, Doorbin Hotel iyo goobo kale oo badan.

Waxa aan subax khamiiseed kasoo baxay Muqdisho, waxa uu ahaa dareen cajiiba. Waxa aan niyada ka go’aansaday inaan magaaladan mar uun kusoo laabto.

Waxaan si nabdoon ugusoo guryo-noqday magaaladeydii Boorama. Warka u horeeya ee aan Boorama geeyayna waxa uu ahaa in “Muqdisho nabad tahay” Dad badan oo aaminsan middaasna waan ku adkeeyay.

Waxaanan cod dheer iyo mid gaaban-ba ku caddeeyay in dawlad xooggani ka dhisantahay halkaasi. Awoodda Soomaaliduna soo noqon doonto.

Muqdisho maanta ilaa maalintaa amaanteeda kama aanan daalin. Hadal-heynteeduna waa caadadayda. Waa tan keentay. Waxaanan gaadhay heer ay dhammaanba asaxaabtaydu i weydiiyaan marka dhibyari ka dhacdo iyaga oo i leh “Magaaladii Muqdisho taasaa ka dhacdaye ma maqashay, maxaase ka jira?”.

Todoba bilood kadib waxaan nasiib u yeeshay in aan Soomaaliya ku metelo shirweyne ay isugu yimaadeen guud ahaanba waddanada Afrika. Waxa aan ahaa qofka keliya ee Soomaaliya ka socda anoo matalaya ummaada Soomaliyeed gaara ahaan Haweenka Soomaliyeed. Shirkan oo aqoon korodhsiga ahaa ayaa waxa soo qaban qaabisay Midowga Afrika oo ka qabsoomay Caasimidda waddankaasi Ghana, ee Accra. Kadib soo laabashadaydii safarka waxa aan soo maray Muqdisho ( Caasimada umada Soomaliyeed) si ay u noqota meesha ugu horeysay een cagta dhigo, Ilaah galladii way suuragashay oo bishii 12-aad ee isla sannadkii tagay ayaan hadana soo maray Muqdisho. Waxaanan kala kulmay kalgacayl iyo dad wanaagsan sidii ay caadada iyo dhaqanka u ahayd.

Guntii iyo gabogabodii, Muqdisho dadkeedu waa xariir. Dhulkeeduna waa xul. Waa magaalo dhanwalba ka wanaagsan oo barakaysan. Waxaanan rajeynayaa in Alle inta yar ee hor taalla, kollay waa ka dhamaane hore uga dul qaado.

اللهم اجعل مقدشتي بيتا أامنا

Anigu qoraa caadeystay wax qoraalka ma ihi, dareenka Muqdisho aan kasoo qaaday iyo kalgacaylka aan u hayo ayaa i kallifay inaan u qalin-qaato qormadan yar, iyada oo ay ku beegan tahay bishii aan Muqdisho kasoo noqday, ayaan qoraalkan idinla wadaagayaa.

Xafsa Cumar Cabdillaahi
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.