Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo u tagay dalka Ereteriya, ayaa gaadhay magaalada Asmara, halkaasi oo wada hadalo uu kula yeelan doono dhigiisa dalkaasi Asias Afwerki.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu baahiyey barta Facebook, ayaa ujeedada socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Ereteriya lagu sheegey mid mudnaanta lagu siinayo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
Dalka Ereteriya ayaa waxaa ku sugan muddo 3 sano ku dhow ciidamo Soomaaliyeed oo kumanaan gaaraya, kuwaasi oo tababaro kala duwan dalkaasi ku qaatey. Booqashada Madaxweyne Xasan ayaa u muuqataa mid uu ku doonayo sidii ciidamadaasi dalka dib loogu soo celin lahaa si ay uga qeyb qaataan hawlgalka xoogan ee ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ay Al Shabaab ku xooggan tahay. Dagaalkaasi oo dhan ka ah xarakada Alshabaab.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply