Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha JFS oo dib u habayn ku sameeyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, ayaa wareegto uu soo saaray ku kala diray Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Golahaasi oo ay ku bahoobeen khubaro dhaqaalaha aqoon durugsan u leh, ayaan la sheegin sababta loo badalay. Kala dirida xubanaha Galaha Dahqaalalaha ayaa dad badani ka biyo diiddeen, iyaga oo saluugsan xubanaha cusub iyo culeyska baahida qorshaha dhaqaale ee Soomaaliya horyaalla.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa u qorneyd:
__________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:

1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo ka kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.

Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn.

Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud

2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin

3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,

4. Adam Xuseen Rooble, Xubin

5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin

6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin

7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin

8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin

9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.