Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqsho ku tagey dalka Kenya kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka heley dhiggiisa Kenya Md. Uhuru Kenyata.

Madaxweyne Xasan ayaa dhiggiisa Kenya Md. Uhuro Kenyata la yeelan doona wada hadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa sarena loogu qaadi lahas iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan sidoo kale xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Xiriirka iyo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid aan sal adag ku fadhiyin labadii sano ee lasoo dhaafey sida ganacsiga Qaadka, xiriirka dhinaca duulimaadka diyaaraddaha, waxaana la filaayaa booqashada madaxweyne Xasan Sheekh in is afgarad laga gaadho khilaafaadka xoogan iyo khilaafaadka labada dal.
Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo kala duwan la yeelan doonaa ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran.
Maxamed Cumar Aadna
WardheerNews, Muqdisho