Kenya iyo Soomaaliya oo gaarey is afgarad ku aadan xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Md. Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas Kenya  ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa gaarey is afgarad  ku aadan xoojinta xiriirka, iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, waxaana sidoo kale ay wada gaareen heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya.

Sidoo kale waxaa dib loo soo celin doonnaa duulimaadka tooska ah ee Muqdisho-Nairobi,  ayadoo  shirkadda Kenya Airways ay si joogta ah u imaan doonta dalka Soomaaliya.

Md. Xasan Sheekh iyo Uhuru ayaa sidoo kale isku afgartey xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, ayadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan in ay dalkaas u dhoofiyaan wax soo saarka dalka sida kaluunka, waxaana dib loo furayaa xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo qeyb ka ah fududeynta isu gooshidda  badeecadaha iyo adeegyada kale ee labada dal.

Sida ku cad is afgaradka labada madaxweyne ay gaareen, guddi wadajir ah ee Iskaashiga  Soomaaliya iyo Kenya (JCC) ayaa ku kulmi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho bisha Agoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga dhaqaale, amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

Xiriirka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u xumaadey xilligii talada uu hayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana dawladda cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh ay doonaysaa in dib loo hagaajiyo xiriiradii Soomaaliya ay la lahayd dalalka caalamka guud ahaan gaar ahaan dalalka dariska ah sida Kenya oo maanta heshiis lala gaarey iyo Jabuuti .

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho