Garoowe, Soomaaliya, 29 Abril 2013- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey, ayaa galabta soo gabagabeeyey socdaal shaqo oo uu labo maalmood uu ku joogey magaalada Garowe ee Puntland.
Madaxweynaha iyo wafdigii la socday oo ka koobnaa wasiirro, xildhibaanno iyo mas’ uuliyiin kale, ayaa si heer sare ah loo soo sagootiyey galabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo shir-jaraa’id si wadajir ah u qabtay, ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii hore, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadahadallada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland, xukuumaddiisa iyo shacabka Puntland sidii diiraneyd ee quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey, sheegeyna in Puntland ay door muhiim ah ku laheyd soo afjariddii xilligii KMG aheyd, loogana baahanyahay inay dhammeystirka dastuurka iyo dib u soo celinta amniga ay kala shaqeyso dowladda Federaalka ah.
Madaxweynaha, ayaa kala hadlay Madaxweynaha Puntland shirka London ee 7da May, sheegeyna in shirkan ay wada hoggaaminayaan Soomaaliya iyo UK, ujeeddaduna tahay sidii dowladda Federaalka looga saacidi lahaa qorsheyaasheeda amniga, garsoorka iyo dibs-u-hagaajinta dhaqaalaha. Madaxweynaha, ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid taariikhi ah oo waxtar ballaaran u leh shacabka Soomaaliyeed, kana codsaday Puntland inay talo ku yeelato, kalana shaqeyso dowladda Federaalka ah.
Socdaalkan shaqo ee madaxweynaha, ayaa daba socda socdaalkii ra’iisul wasaaraha uu ku yimid Puntland iyo qorshaha dowladda ee isgaaridda iyo is-dhexgalka shacabka Soomaaliyeed.
– Dhammaad –
Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so
Leave a Reply