Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Xasan Iyo Golihiisa Ergooyinka

W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D

Madaxweyne Xasan Sheekh

Tan iyo intii uu kursiga dib u hantay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa eray-bixinnida fagaaraha siyaasadda aad ugu batay adeegsiga erayga ah: “Ergay”.

Markii ugu horraysay ee eraygaas si baaxad leh loo maqlo waxay ahayd: bishii May ee sannaddii 2022-kii, maalmo ka dib, markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud; isagoo wareegto ku soo magacaabay Cabdiraxmaan C/shakuur in uu yahay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha abaaraha!

Dabadeed, wareegtooyin tiro beel ah, ayaa madaxtooyada jumhuuriyadda federalka Soomaaliya ku soo magacowday shakhsiyaad qaarkood lagu sheegay “ergay gaar ah.” halka tiro kale oo aan yarayna lagu magacaabay “ Ergay” oo aan waxba la socon!

Magacaabidda madaxweynaha ee ergooyinkan tirada badan ayay u muuqataa in madaxweyne Xasan Sheekh soo kordhiyay gole cusub oo la yiraaho golaha “Ergooyinka” oo u dhigma golayaasha kale ee dowladda Federalka Soomaaliya ee hadda jira!

Haddaba, akhristuhu wuxuu isweeydiin karaa: Maxaa loola jeedaa Ergay? eray-bixintu halkay ka soo jeeddaa? Iyo weeydiimo kaloo dul hoganaaya macnaha “Ergay” oo in badanoo shacabka ahi, u taqaan, eray siyaasadeed ugub ah oo u baahan bidhaamin iyo turxaan bixin dheeri ah!

Waa kuma “Ergay”?

Marka hore bal aan fiirino buuggii ay soo saareen guddigii AfSoomaaliga Okt. 1972-kii, cinwaankiisuna ahaa: “ Eray-bixinta AfSoomaaliga ee hawlaha wasaaradaha.”

Eray-bixinnada wasaaradda debedda; erayga tirsigiisu yahay: 31 ( Envoy): waxay xeeldheerayaashi afka Soomaaligu ku macneeyeen: Ergay.

Kolka aad erayga “Ergo” ka baadho – sidoo kale- Qaamuuska AfSoomaaliga oo ay daabacday jaamacadda Roma-Italy, oo ay wada diyaariyeen labada xeeldheere ee afka Soomaaliga ee kala ah: Annarita PUGLEILLI iyo Cabdalla Mansuur) waxay “Ergo” ku sheegeen ( Dhambaal nabad lagu doonayo).

Eray-bixinta guddidii AfSoomaaliga iyo sharraaxaadda qaamuuskuba waxaad ka fahmi kartaa in “Ergo” yahay: xil dalalku u magacaabaan arrimaha debedda, kana baxsan xeendaabka gudaha, waana waxa loo yaqaan ( Diblumaasi) oo ah eray-bixin dunidoo idil u taqaan hal macne oo qura!

Heshiiskii caalamiga ahaa ee ay qaramada midoobay wada saxiixdeen 1961-dii, loona yaqiin ( Vienna Convention on Diplomatic Relations- dane at Vienna on 18 April- 1961), erayga “ Ergo” wuxuu ka mid ahaa eray-bixinnada ku soo arooray heshiiskaas caalamiga ah, sharraxaad waafi ah ayuuna ka bixiyay macnaha “ergay” isagoo macnayaal dhawr ah hogatusaaleeyay, Isbar-bardhigna ku sameeyay erayada ay ka mid yihiin: Ergo, Danjire ( Safiir) IWM.

Soomaalida iyo “Ergo”.

Sooyaalka Soomaalida iyo suugaanteeda dihinba, waxaa si waafi ah ugu jira “Ergo” waxa ay tahay; inta badanna Soomaalidu nabadda ayay u adeegsan jirtay guddi lagu magacaabo “Ergo” waxqyna ku hadalqabsataa Soomaalidu ergo waa in ay:

⁃ kurtun, qorrax uga adkaysi badantahay,
⁃ Kud kudane, gaajo ugu adkaysi badantahay,
⁃ Kelebna, cay uga adkaysi badantahay”.

Waxaa kaloo jiray xeer-dhaqameed la oran jiray “ xeer dhaqameedkii Bir-ma-geydada” waxaana jiray dad ay reebban iyo caaggan ahaayeen dilkooda, waxyeelayntooda, waxaana dadkaas ka mid ahaa: Maatada, Culimaa’udiinka, Maganta, Ergo, Issim ( Duub), Sacdaal ( Kub-ku-siigaale) iyo Dhaawaca dagaal.

Sida ay Prof: Deeqa Jaamac Col-u- joog ku xustay dhiganaheedii la magac baxay ( Diiwaanka nabadda Soomaaliyeed: Hore, Hadda iyo Hadhow) waxay xeerka ergo nabaddoon ku sheegtay: “ wuxuu dhaqan ahaan ahaa in wax la yeelin intay sacdaalka tahay iyo markay goobta arrimeed gaadhoba; iyadoo macamilku ahaa in ergo sideedaba la maamuuso, la xushmeeyo, la soo dhaweeyo, oo la marti-sooro.”

Waxaa jidhay murti oranaysay:
⁃ ergo waa aan wada hadallo, aan wada hadallona waa aan heshiino.

Kolka aad is dhinac dhigto waxa ay Soomaalidu u taqaan Ergay iyo sida heshiisyada caalamiga ah ku xusanba, waxaad ka dheegan kartaa in ay ka simanyihiin macnaha “Ergay” oo ah dirsane loo idmaday xal-u-helidda arrin cuslaaday, isu soo dhaweyn dad kala fogaaday, nabad-ku-soo daabaalidda meel colaadi haraysay, Diblumaasiyadduna waxay ka shaqeysaa arrimahaas cakiran, waana wajiga qurxoon ee dalalka dunida oo idil!

Villa Soomaliya iyo “Ergay”!

Dr. Xasan Cabdullaahi Al-Turaabi -Alle ha u Naxariistee- oo ahaa buuni weyn xagga diinta iyo qanuunka Dastuuriga ah, una dhashay dalka Suudaan, ahaana sidoo kale hoggaamiye siyaasi ah, ayaa warreysi taxane ahaa kana bixi jiray talefishinka Al-Jazeera ( SHAAHIDUN CALAL CASRI) mar uu dharaarihiisa ka warramayay ku soo daray in kacdoonkii uu isagu musdambeedka u ahaa ee talada Suudaan la wareegay 1989-dii, ay ku soo biiriyeen fagaaraha siyaasadda erayo cusub.

Ereyadaas waxaa ka mid ahaa erayga “AL-TAWAALI AL-SIYAASI” oo ah: xarig isu dhiibka siyaasadda, waxayna ku soo dareen dastuurkii dalka oo uu Al-Turaabi ahaa markaas afhayeenka barlamaanka dalka Suudaan.

Wariyihii ayaa Al-Turaabi weeydiiyay eraygaas soo ma aha mid ay adagtahay in ay shacabku fahmi karaan?!

Al-Turaabi wuxuu ku warceliyay markiiba sidaan: ( yoolkayagu waa in dadku soo gaaro heerka aan higsanayo ee ah AfCarabi sarreya, ma ahan in aan innagu u dhaadhacno heerka shacabku joogo, waa in bulshadayadu soo kortaa sallaanka dowladnimo, oo wacyigoodu noqdo mid sarreeya).

Mudane madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdii ( Somaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah) halkii laga sugayay in ay eray-bixinno cusub fagaarayaasha siyaasadda ku soo kordhiyaan, ayaa waxay la yimaaden kuwo dadka marin habaabinaya, dastuurkana goddalloolo u sameynaya.

Waxaan uga fadhinnaa xukuumadda sharafta lahi, in ay sharraxaad waafi ah ka bixiso eray-bixinnada ugubka ah, ka horna inta ay eray-bixin soo kordhin ay la kaashato hay’adaha dowladda ee u qaabilaan cilmi-baadhista afka, xigatana sooyaalkeennii hore ee xiriirka la leh arrimahaas oo kale.

Soomaalidu erayga “Ergo” waxay u tiqiin dad farabadan oo arrin loo ergaysto, ma ahayn ruux qura oo kaligiis ergay ah.

Waxaa talo ahaan igala habboonaan lahayd in madaxtooyadu adeegsato erayada sida “kaaliyaha madaxweynaha” iyo wixii la hal maala; si ay uga fogaato eray kasta oo muran keeni kara!

W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D

Email: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.