Hargeysa (WDN)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa faray ciidamada Somaliland in ay sii laba jibbaaraan dedaalkooda, sida laga baahiyey barta Twitter-ka SLNTV, taasi oo muujinaysa in in Somaliland aaanay u cuntamin dadaalada nabad raadinta, iyo hadalkii dowladda Marayknaka in Somaliland ciidamada kala baxdo aaga Laascaanood.
Hadalakan oo lagu qoray barta Twitterka Telefishinka Xukuumadda Somaliland, ayaa muujinaysa in Madaxweyne Biixi si buuxda u amray duulaan dagaal, iyadoo 26kii bishan Taliska ciidamadiisa uu ku dhawaaqay in ay duulaan yihiin, oo ay toos u weerari doonaan fadhiisamaha xooggaga SSC.
Erayada kooban ee la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi yiri, oo lagu baahiyey Twitterka Telefishinka Xukuumadda Somaliland oo lagu qoray Afka Ingiriiska, ayaa u muuqda inuu yahay jawaab ku socota dawladda Mareykanka oo xalay sheegtay in labo qodob laga doonayo SL oo ah in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool iyo doorasho dadwayne.
Talaabadan Biixi qaaday waxay hoos u dhigaysaa rajadii laga qabay in Gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood xaaladeedu nabad kusoo dabaalanto, iyada oo horseedi kartaa in dagaalku sii daba dheeraado.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply