Dowladda Mareykanka oo sheegty in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda Laascaanood

Dowladda Mareykanka oo sheegty in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda Laascaanood

Muqdisho (WDN)- Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay iska horimaad ka socda Laascaanood, isaga oo ka digaya in colaadda sii socota ay kordhin doonto suurtagalnimada in kooxaha xagjirka ahi in ay abuuraan xasillooni darro ballaaran oo uga sii dari karta dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee taagan deegaanka Laascaanod. 

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda ayaa lagu sheegay in Maraykanka iyo saaxiibada kale ee caalamku ku baaqayaan in wada hadal dib loo bilaabo, xabad-joojintii lagu dhawaaqayna la meelmariyo. 

“Waxa aanu ugu baaqaynaa Somaliland in ay dib u soo celiso ciidamadeeda, waxa aan ugu baaqaynaa maleeshiyaadka ku sugan Laascaanood in aysan weerarin ciidamada Somaliland. Waxa aan taageersanahay ka qaybgalka wax ku oolka ah ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & ergada odayaal-dhaqameedka, annaga oo soo dhoweynayna aqbalaadda uu muujiyey Muuse Bixii ee ah in uu Hargeysa kula kulmayo.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha-dibedda Maraykanka. 

Mareykan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka walaacsan yihiin dib-u-dhaca doorasho ee ka taagan Somaliland, iyaga oo ugu baaqey madaxda Som in ay muddeeyaan doorashada, sida ugu dhakhsaha badan, iyada oo lagu hanjabay xannibaad-socdaal; 

Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodaha ku cad qodobka 212(a)(3)(c) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha masuuliyiinta hadda ama hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay masuul ka yihiin, ama ku lug leeyihiin , wax u dhimaya geedi socodka dimuquraadiyadeed Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.”

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.