Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Rooble keebaa sharci ku taagan?

W/Q. Cismaan X. Maxamed

Wakhtigan oo doorashadii mudada dheer la sugayey ay bilaabantay, arinka khliaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha DFS, ee marxaladda kalaguurka, waa war shacabka iyo saaxiibada Soomaaliya ay aad u dhibsadeen kuna noqotay lama filaan. Shacabku iyo Saaxiibada Soomaaliya waxay aaminsanaayeen in uu is qabqabsigii dhamaadey oo dalku isu diyaarinayo dawlad cusub, oo wax ka qabata dhibaatooyinka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo adeega bulshada, islamarkaana ka shaqeya sidii loogu fasaxi lahaa shacabka Soomaaliyeed kaalmadii  dhaqaale ee dalka hakadka laga geliyey.

Madaxweyne. Farmaajo iyo RW Rooble

Waxa iyana jirta mowqifka Midowga Murashaxiinta iyo Puntland muxuu yahay ama ku salaysan yahay?

Hadii arrintan taagan aan ka eegno xaga Sharciga iyo sooyaalkii hore waxaa muuqata in Madaxweynaha ama R/Wasaaruhu midkood iska indhatirayo xaqiiqada uuna moodayo in uu dadka Soomaaliyeed indhaha ciid uga shubi karo. Shacabka Soomaaliyeed wax garadkoodu labadaba way uga aqoon badanyihiin Sharciga waanay joogeen iyada oo marxaladan oo kale la marayo.

Laga soo bilaabo Sideedi Febraayo 2021 Dawladu waxay gashay marxalad ah Xilgaarsiin maadaama sharciyadii ay ku jooogtey dhamaatey. Dikreetadda Madaxweynuhu soo saarey ee ku aadan xakameynta Xukuumadu, waa isla Dekreetadii Midowga Murashaxiintu dalbanayeen in uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo soo saaro si la mid ah tii uu saarey Madaxweyne Xasan Sheikh.  

Dastuurka way ku cadahay qodobkiisa 103-aad  oo cinwaankiisu yahay Xukuumadda Xilgaarsiinta oo u qoran sida“ Inta u dhexeysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisal-Wasaare cusub la dhaarin doono, Ra’iisal Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiiradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaa waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah”. Dastuuku wuu cadeeyey in R/Wasaaraha hada jooga iyo Golahiisa Wasiirada shaqadoodu ku egtahay in ay shaqooyinka caadiga ah ee maalinlaha ah kaliya wadayaan, oo aanay wax cusub, heshiisyo iyo wixii la mid ah magaca ummadda Soomaaliyeed habayaraatee ku gali Karin.

Qodobkan waxaa Dastuurada Caalamku loogu daraa marwalba si looga hortago in Xukuumada Xilgaarsiintu ay uga dhex faa’iidaysato wakhtiga lagu gudo doorashada. Hadaan qodobkani Dastuurka ku jurin jahwareer baa imin lahaa, laakiin hadda way cadahay in aanu R/wasaaruhu hal tallaaabo oo ka baxsan shaqo maalmeedka aanu qaban karin. Sidoo kale Madaxweynuhu ma gali karo heshiisyo cusub nuucay rabaan ha noqdeene.

Wakhtigii Dawladii Madaxweyne Sheekh Sharif Axmed, markii Doorashada loo dareerey Xukuumadii R/wasaare Cabdiwali Gaas waxay isku badashay Xukuumadda Xilgaarsiin. Dawladii Madaxweyne Xasan Sheekh markii kalsoonida lagala noqdey R/Wasaare Saacid ilaa intii laga soo dooranyey R/Wasaare Cabdiwali  Sheekh Axmed, waxay ku shaqeynaysey Xukuumad Xilgaarsiin. R/Wasaare Cabdiwali markii kalsoonida lagala noqdey ilaa laga soo dooranayey  R/Wasaare Cumar Cabdirashiid  Xukuumadii Cabdiwali waxay ku sii shaqeynaysay Xukuumad Xilgaarsiin.

Wakhtigan Madaxweyne Mohamed Farmaajo markii kalsoonida lagala noqdey R/wasaare Khayre ilaa laga soo dooranayey R/Wasaare Rooble waxay xukuumadii Khayre ku sii shaqeeynaysay  Xukuumad Xilgaarsiin. 8 Febraayo markuu mudo xileedkii R/ Wasare Khayre dhamaatey waxay Xukuumadiisu isu badashay Xukuumad Xilgaarsiin oo ku shaqeynaysa xayndaabka qodobka 103 ee Dastuurka sidii R/wasaarayaashii isaga ka horeeyey.

Waxaa la yaab leh Midowga Murashaxiinta iyo Xukuumada Puntland oo aad moodo in asaasaq siyaasadeed ku dhacay, oo afkooda iyo dhagahoodu ismaqlayn  ay taageeraan R/Wasaare Dastuurka ku tumanaya oo u haysta in uu yahay mid dadka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Soomaaliya indhaha qaban kara.

R/Wasaaruhu Sharci ahaan ma gali karo wax heshiis nuuc kasta uu yahay, mana bixin karo hanti dawladeed IWM..

Sida la sheegayo haduu isku dayo in uu heshiis galo R/Wasaare Rooble ha ogaado in aanay sharciyad lahayn oo aanay marnab dalka Soomaaliya ka  dhaqan gali karin.

Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.