Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho uga bilaabantayTanzania kana qeybgeli doona shirka iskaashiga Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u ambabaxey dalka Tansaaniya oo uu ka helay martiqaad rasmi ah si uu uga qeybgalo shirka dalalka ku midoobey  dalladda bulshada Bariga Afrika ( EAC) oo ka furmi doona magaalada Aruusha.

Sida lagu sheegay qoraal madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxey Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixin doona madaxda shirkaas isugu imaanaysa fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya ka jira, gaar ahaan dhanka wax soo saarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiiri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed ay wadaan.

Madaxweyne Xasan ayaa mudnaan gaar ah siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalka iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka hesho iskaashiga dalalka dallladan, taas oo shacabka Soomaaliya fursad u siinaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladdan Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga  Kongo, Burundi, Kenya, Ruwaanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanaddii 2016-kii gudbidsatay codsi ah ka mid noqoshada dalladan, waxaana dowladda Xasan Sheekh ay rajo fiican ka qabtaa in codsigan la aqbalo, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaysa  suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.