Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AF-SOOMAALIGU MA LEEYAHAY FAR-QORAAL RASMI AH?

Af-Soomaaliga sida loo dhaho ayaa loo dhigaa”  Qaacidada qoraalka Af-Soomaaliga.

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Dawladda Federalka  ee Soomaaliya (DFS) waxay bishii Febraayo ee sannadkan 2022 magacawday Guddida Afka Soomaaliga, taasoo ahayd dhaqan soo taxnaa ilaa intii dawlad Soomaaliyeed dhalatay sannadkii 1960kii.

Xilalka la siiyey guddiyadaas kala dambeeyey waxay hadba isla beddelayeen baahida loo qabo horumarinta afka Soomaaliga. Tusaale ahaan sannadihii 60-yadii waxa xilkoodu ahaa helitaanka farta ugu habboon ee qoraalka afka Soomaaliga. 

Xilka loo igmaday guddidan cusub ma aan hayo, laakiin waxan filayaa inaysan ka fursanayn in la waajaho u hawlgalka sidii loo heli lahaa far-Soomaali si rasmi ah u bikaacisa, isuna waafajisa codadka ereyada iyo xarfaha afka Soomaaliga, naxwo ahaan, iyo helidda far-qoraal rasmi ah (standard), siiba xagga higgaadda.

Ilaa markii, si rasm, ah loogu qaatay in Af-Soomaaliga lagu qoro farta Roomanka/Laatiinka, waxa la hayaa hal qaacido keliya oo loo raaco higgaadda ereyada, taasoo ah: “ereyada afka Soomaaliga sida loo dhaho ayaa loo dhigaa“. Waxay ila tahay inay ahayd qaacido ku meel-gaadh ah, oo aan ku filayn hirgelin buuxda oo ku aaddan qoraalka Af-Soomaaliga; taasoo ay tahay, sida aan qabo, in guddida cusub ee la magacaabay dib u eegto. 

Tusaale ahaan Af Soomaaligu waa luqad ay ku badan tahay codadka jabaqda leh ee sanqada ka soo baxa (intonations) oo ereyo badan kala sooca sida inan (gabadh) iyo inan (wiil) ama baal (dhinac) iyo baal (baalka shimbirta). Ereydani waa kala dhihid, haddana waa isku dhigaal, laakiin waxa kala sooca waa dananka sanqada, ka soo baxa, ee saaran shaqalka. 

Waxa jirta iyana inay deegaannada geyiga Soomaalida ee ballaadhani leeyihiin lahjado iyo siiqado codad oo kala duwan, siyaabo kala duwan u qaabeeyaan ereyada, naxwo ahaan. Waxaan xasuusta yaraantaydii markaan Xamar ka billaabay dugsiga sare waxa igu adkaaday fahamka, markay saaxiibbaday igu dhahaan “noogu imow gurigeenna“. Waxan filayey inuu dhaho “gurigayaga“. Ilaa haddana telefeshinada waxaan ka maqlaa, “weriyaheenna jooga Xamar”.  Labada eray ba waa sax, laakiin waa in mid uun rasmi ahaan loo qaataa, iyadoo lala tashanayo culimada naxwaha.

Waxa kale oo aan fiiro ka qaatay sida loogu kala duwan yahay ged-gedinta falka (ficilka). Waxaad maqli dhawr qof oo sheekaysanaya oo midba si u ged-gedinayo falka sida: baxaa/baxayaa/baxahayaa/baxoohaayaa. Waxba kuma jabna marka ay hadal tahay, laakiin marka la rabo in la helo far-qoraal rasmi ah waa in la qaato hal mid oo qoraalkiisa la isku raacsan yahay. 

Si loo helo far-qoraal rasmi ah waa in lagu dedaalaa barashada naxwaha afka, sida uu qabo professor Cabdalla Mansuur. (Doorka Luqadaha iyo Waxbarashada – WardheerNews)

Waxa lagu doodi karaa in warbaahinta casriga ahi ay soo saari karto miqyaas (standard) luqadeed, qoraal iyo odhaah ahaan ba, la isku wada raacsan yahay; laakiin intaasi kuma filna. Waa in lala yimaadaa dedaal iyo abaabul badan.

Farta luqadeed, sideedaba, waxay la xidhiidhaa: qoraalka xarfaha ee higgaadda ereyada, ged-gedoonka erayada hadalka, isku xidhka erayada iyo tibaaxaha, si ay u soo baxaan weedho macno leh oo la fahmi karaa. Taas oo dib ugu noqonaysa barashada naxwaha af Soomaaliga, oo imika ku dhow mid aan jirin.

Dariiqada loo maro soo-saarka far-qoraal afeed oo rasmi ah waxay culimada luqaduhu tilmaameen – inta aan ka bowsaday – inay leedahay tallaabooyin ay ka mid yihiin: xulasho, xeer-u-samayn, fidin iyo aqbalaad. 

Xulasho: waa in la isla qaato/garto lahjadda noqonaysa halbeeegga kowaad ee cabbirka luqaddaas. Afka Soomaaliga waxa, ilaa hadda, halbeeg u ah lahjad waqooyi. Taas macnaheedu ma aha gobollada waqooyi. Wajeer waxa lagaga hadlaa lahjad waqooyi; sidaa darteed lahajadda la xusho ayaa naxwaheeda lagu baranayaa dugsiyada.

Xeer-u-samayan: oo ah in la isla garto qaacidooyinka la raacayo marka ay timaado, xagga naxwaha, higgaadda, eray-bixinta, qaamuusyada, shuruucda dawladda iwm. Eray-bixintu Khasab ma aha inay isku koobto hal lahjad. 

Fidin: waa in la hubiyo in farta rasmiga ee la doortay lagu isticmaalo qaybaha kala duwan ee nolosha sida farsamada, ganacsiga, waxbarashada iyo aqoonta sare (academic), isla markaana eray-bixintoodu ka soo baxdo xafiis mucayin ah, xataa haddii laga soo ergisanayo luqado kale.

Aqbalaad: waa in dadweynuhu raacaan qaaciidooyinka kala duwan ee loo xushay qoraalka afka, lagana door-biday kuwa kale, iyadoo lagu baahinayo xafiisyada, warbaahinta, hay’adaha dawliga ah, dugsiyada iyo xarumaha dhaqanka. 

Haddaba, far-dhigaalka rasmi ahaan la qaataa wuxu noqonayaa tusaaale la wada raaco, mideeya dadka af-Soomaaliga ku hadla oo dhan, is-ahaantooda xoojiya, door weyna ka qaata gudbinta waxbarshada, salkana u dhiga horumarinta luqadda; si mustaqbalka ay u yeelato mug qaadi kara, gudbina kara macluumaadka cilmiga ah, laguna samayn karo deraasaad cilmi-baariseed. 

Waan ka dareen qabaa in qaadashada far-qoraal rasmi ahi uu noqon karo mid lahjadaha qaarkood takoora sida lahjadda Maayga. Waalidiin badan ayaa u arki kara in ilmahooda lagu qasbayo lahajad tooda ka fog. Waxa kale oo dhici karta inay noqoto arrin siyaasiyan xasaasi ah; hase yeeshee in la waajahaa waa lagama maarmaan. Waqti baa socda. 

Sidaa darted, waa in guddida af-Soomaaliga ee cusubi ay ka qayb noqdaan maamullada Soomaalida oo dhammi oo aan lagu koobin keliya maamulka DFS. Weliba waa in tixgelin la siiyaa maamullada aan hadda tooska u hoos iman DFS sida Dawlad Degaanka Soomaalida, Somaliland, Djibouti iyo maamulka Soomaalida waqooyi ee Kenya.

Gebagabadii, waa in laga koraa “Af-Soomaaliga sida loo dhaho ayaa loo dhigaa”, lana helaa qaacidooyin intaas ka sal ballaaran.

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.