Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’isalwasaare Xamse oo amar ku bixiyey in laga jawaabo xaaladda amni iyo midda abaareed ee ka taagan gobolka Bakool

Muqdisho, Ra’isalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa amar deg deg ah dul dhigey hay’adaha amniga iyo kuwa gargaarka si ay uga qeyb qaataan xaaladda ammaan iyo mid abaarta ee ka taagan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, kadib weerar xoog leh oo shalay halkaasi ku dhex marey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

Qoraal ka soo baxey xafiiska ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.”

Raisalwasaaraha ayaa qadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Laftagareen, waxaana uu ka dhagaystey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee gobolka Bakool  ka jirta ee ku aaddan abaaraha iyo falalka amni darro ee kooxda Alshabaab halkaasi ka wadaan.

Ra’isalwasaare Xamse ayaa ballan qaadey in xukuumaddiisa wax ka qaban doonto xaaladda bini aadannimo ee Bakool isla markaana lasoo afjari doono go’doominta Alshabaab ku hayaan deegaano badan oo gobolkaasi ka tirsan, si ay u suurto gasho in gargaar bulshada halkaasi ku dhaqan loo gaarsiiyo.

Maalintii shalay ayey ahayd markii kooxda Alshabaab weerar culus ku qaadey deegaamada Yeed iyo Aato ee gobolka Bakool oo ay kooxdu sheegay in ay la wareegtey weerarkaas ka dib, waxaana la soo sheegayaa in khasaaro xoog leh halkaasi uu ka dhashay.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.