Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka leexday dariiqii fooshaxumaa ee ay hore u qaadeen Jubbaland iyo Puntland

Jowhar (WDN)- Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta furay hadaljeedintii Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka F. Soomaaliya ee matelaya Hirshabeelle. 

M/weyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe

Madaxweynaha Hirshabeelle Md. Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo bishan Sebt. 8-dii soosaaray liiska musharixiinta Aqalka Sare oo gaaraya 33 musharax oo u tartamaya 8 kursi, ayaa  ay 27 musharax is diiwaan gelisay, kuwaasi oo ka qeyb galaya hadaljeedinta maanta billaabantay. 

Md. Guudlaawe ayaa si ka duwan, nidaamkii caddaalad darrada iyo eexda
(nepotism and cronyism) salaysnaa ee ay u maamuleen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni u maareeyay liiska u tartamaaasha Aqalka Sare.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo inbadan ka soo horjeeday sida Madaxweyne Farmaajo u baalmaray dastuurka iyo sharciga dalka, isaga oo markaas xoogga saaray sidii uu u samayn lahaa maamul gobolleedyo gacan ku rimis ah oo u adeega, ayaa si musuq, nin jeclaysi iyo caddaalad daro ah u mamulay doorashooyinkii Aqalka sare ee dhawaanta ka dhacay labadaasi deegaan. 

M/weyne Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

Waxa dad badan fajiciso ku noqotay in eedayntii ay Farmaajo u jeedinayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, mid ka daran ay ku kaceen, iyaga oo si badheedh ah ugu takrifalay awooddii (abuse of power), islamarkaana caddaalad darro, nin jeclaysi iyo musuq ku maamulay doorashadii. 

Waxa haddaba muuqata in Madaxweynaha Hirshabeelle liiska murashaxiinta ee uu soo saaray ku saleeyay si waafaqsan sharciga iyo rabitaanka muasharixiinta, oo ka fog ku takrifal awood, musuq , caddalad darro iyo nin jecleysi.

Md. Guudlaawe ayaa dhammaan masuuliyiintii horey ugu fadhiyay kursiga iyo dhamaan dadkii kale ee isa soo sharaxayba ku soo daray liiska. Taasi oo ah mid aad uga gaddedisan qaabkii maxiisnimada ku salaysnaa ee ay adeegsadeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ilaa hadda waxa uu noqonaya mdaxweynihii ugu caddaaladda fiicnaa marka la fiiriyo qaabka doorashada musharrixiinta Aqalka Sare ee ilaa hadda qabsoontay.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.