
Qaar ka mid ah beeraleyda deegaanka Dal-yare ayaa sheegay in dalagyo badan ay ka khasaareen kaddib marki bartamihi bishi hore ee May uu ku fariistay ayaxa kuna reebay koronkor, isagoo sidaas si la mid ahna dhibaato ugu gaystay deegaanka markuu eber ka dhigay caleentii geedaha ku tiil iyo dhirtii dhammaanteed.
Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu kamid yahay beeralayda deegaankaas, wuxuuna leeyahay beer afar hektar ah oo ay ku yiilleen yaanyo, basal iyo basbaas kuwaasoo dhammaantood ayaxu tirtiray.
“Nolosha qoyskaygu waxay ku tiirsanayd beertaas wixii dalag ii beernaana waxaa cunay ayaxii, niyad-jab ayaan dareemay, waxaan ku khasaaray lacag gaaraysa afar kun oo dollar oo dayn igu ahayd ”ayuu yiri.
Ayaxa ayay sheegeen dadku in uu beeraha dul fadhiyey 20 saacadood oo uu
cunayey dalagga, cawskii iyo dhirta intaba. Dadka ayaa samaynayay dedaal sidii ay ayaxa uga kicin la haayeen beeraha, iyagoo adeegsanaya dab, hoonka- baabuurta iyo rasaas ay kor u ridayaan.
Dhibaatada uu hadda u gaystay waxaa ka daran welwelka ay ka qabaan koronkorta uu halkaas ku reebay oo iyadu dib u dhalan doonta.
Cabdinaasir Maxamed Salad wuxuu kamid yahay beeralayda Dal-yare, wuxuuna hawshan tacabka uu ku jiray muddo 11 sano ah. Cabdiraxmaan wuxuu deegaanka ku leeyahay beer ilaa lix hektar ah, taasoo uu ku maalgeliyay lacag gaareysa saddex kun oo doollar, taasoo ay maanta waxba uga cayman ee uu ayaxii baabi`iyay. Waxaa hadda ku adag Cabdinaasir wuxuu isaga bixin lahaa saddexdaas kun oo doollar iyadoo awalba ku ahayd dayn, laguna ballamay marka tacabka u soo go`o inuu iska bixin doono.
“Waxyaabaha aan hadda ka welwelsanahay waxaa weeye noloshii carruurta iyo sidii aan isaga bixin lahaa lacagta deynta ah. Waxaan ku xisaabtamayay markaan daynta iska bixiyo inaan faa’iido saddex ilaa afar kun oo dollar.”ayuu yiri”
Cabdinaasir wuxuu intaasi ku daray inuu gebi ahaamba beertii iskaga tegay ee uu quustay markuu ayaxa ku dagayay.
“Waxay ahayd xilli galab ah markii isagoo aad moodid daruuro uu na dul yimid, oo cirkii iyo dhulkii ay isqabsadeen oo waxba la arki waayay, Sababta aan beerta uga tegay waxaa weeye wixii abuur ahaa ee aan beero waxaa cunaya korankorro ayaxii kaga tegay”
Guud ahaan deegaanka waxaa ku yaalla 259 beerood kuwaasoo uu dhibaato u gaystay balse uu baab’iyey ayaxa dallaggi saaraan 46 ka mid ah sida uu sheegayo guddoomiyaha beeralayda deegaanka Dalyarre Cabdirisaaq Astur Warsame. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah beeraleyda ay u guureen miyiga maadaama wax soo-saarkii uu khasaaray.
“Xilligan oo kale ilaa saddex gaari oo nooca noohada iyo dhayne ayaa ka bixi jiray oo aadi jiray Gaalkacayo, Qardho, Garoowe iyo Laascaanood, haddana hal gaari ayaa Laascaanood u baxa.”ayuu yiri abdirisaaq”
Guddoomiyaha beeralayda Dal-yarre Cabdirisaaq Astur wuxuu intaasi raaciyay inay sameeyeen dadaal kasta oo ay ayaxa beeraha kaga kicin lahaayeen, dadkuna si wanaagsan bay uga qaybqaateen dadaalkaas loogu jiray sidii ayaxa beeraha looga kicin lahaa. Dadaalkii la waday ayaa xitaa isaguna keenay khasaarooyin, waxaana ka mid ah dabkii lagu shidaayay ayaxa ee lagula dagaallamayay ayaa isaguna khasaare u gaystay ilaa afar beer oo deegaanka ah.
Beeraha Dal-ayre waxay dadku tacbanayeen muddo ka badan soddon sano, waxaana la degganaa in ka badan boqol sano. Waa deegaan hodan ku ah biyaha, taasaana keentay iney dadku degaan beerana ka qotaan. Intaa waxaa dheer in Dal- yare leeyahay qalcado taariikhi ah oo la dhisay xilligii Daraawiishta.
Source: Radio Ergo