Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

La Kullankii Baashiga: xogwarran xiisa leh!

W.Q. Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Qoraalku waa habdhaqan ilbaxnimo fog xambaarsan, ka sokow, in uu yahay kayd dhigma, oo ummaduhu kala dhaxlaan, qaruumana hara (boqolaal sano) sida tuducaan soo socdaba uu sheegayo:

Wixii qoran baa qaruuma hadhee: muxuu hadal qiimo leeyahay?! 

Iyadoo ay taasi jidho, Misana, qoraalku wuxuu abuuraa Fal-celisyo  dadku isku bartaan, xiriirkoodu ku wanaagsanaado, is-dhexgal abuura, gacal iyo saaxiibbana ku noqdaan.

Waxaa tusaale arinkaa u ah, sannadkaan gabaabsiga sii ah ee 2019, mar aan dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ku sugnaa baa wuxuu qalinkaygu haleelay in uu  qoro dhambaal aan cinwaan uga dhigayBuruc: magaalo-taariikheed fac weyn .

Haddaba dhambaalkii wuxuu dhaliyay guux weyn, waxaa ka abuurmay fal-celisyo, boqollaal qof baa ka soo jawaab celiyay, kuwaa xogo iga maqnaa igu biirshay, halka inbadanoo kale ay dhambaalka ku baahiyeen baraha bulshada.

Dr Cabdfitaax Nuur iyo Baashe Cabullaahi Aw Maxamuud

Dadka aan dhambaalkaygaas dartii xiriirka ku yeelannay waxaa ka mid ahaa: Baashe Cabdullaahi Aw Maxamuud – oo ah Isinka  Guud ee Beesha Reer Cumar (Majeerteen)- waana aqoonyahan daggan dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, kana shaqeeya magaalada Caasimadda u ah dalkaas ee Abu Dhabi.

Baashiga waa ruux xurmad iyo qaddarin badan, jecel in uu dadka barto, marka ugu horreysa ee aad kulantaan waxaad is oranaysaa Baashigu malaha waa nin aamus badan! sida dadka dhaqanka lagu yiqiin, misana, markiiba waxaad dareemaysaa in Baashigu yahay: shakhsi waji furan, laab xaaran, deeqsi ku ah xog-bixinta, raba in jiilalka soo socda – oo aan aniguba ku jiro- dhaxal-reeb u sameeyo, la wadaago waayo-aragnimadiisa nolosha iyo dharaarihii xasuustood!

Buruc iyo Reer Cumar maxaa ka dhaxeeya? 

Bunnigii weeynaa ee Xaaji Cali Cabdirixmaan Fiqi Kheyre- Cali Majeerteen (17851851) ayaa sabab u ah in ay xiriir yeeshaan reer Burceed iyo qabiilkaas diin fidinta ku caan baxay, la yaab ma leh in Baashigu isoo xiriiriyo markii uu akhriyay dhambaalkaygaas! Arrin ugub ahna ma ayan ahayn in aan Safar labo saacadood qaatay u galay la kullanka Baashiga; si aan usoo xogwareysto, dhaxalna uga soo reebo, waxaan la joogay lix saacadood oo xiriira, oo aan dhuuxayay xikmadda maankiisa ka soo burqanaysay sidii durdurkii, miidda afkiisa ka hooreysana aan qorayay.

Waxaan ka soo noqday -safarkii aan Baashiga ugu kicitimay-  anigoo wax badani ii kordheen, shakhsi mudan in la bartana aan si fiican ugu kuur-galay!

Baashigu wuxuu ii sheegay in Sheekh Cali Majeerteen u duceeyay Buruc iyo Baargaalba, waa laba magaalo Xaajigu miciin biday markii  uu ku jiray halgankii diin fidinta iyo la dagaalanka gumeystaha.

“Baashi” intee ka soo jeedaa? 

Magac bixinta dhaqanka Soomaalida intooda badan waxay salka ku hayaan micnayaal ka tarjumaya shaqada ay beeshooda u hayaan, ama halka laga soo dharaan-dhiriyay erey bixinta.

Mar aan akhriyay Laba buug oo isku nuxura magacyada un ku kala duwan  oo uu qoray Cismaan Cabdi Nuur Xaashi ee kala ahaa” Af-dhaab” iyo “ Hodontinimada Afka Soomaaliga” wuxuu ku sharxayaa qoraagu halka ay ka soo jeedaan magacyada isimmada loogu yeero ee kala ah: Beeldaaje, Islow, Wabar, Qud, Malaaq, Garaad, Boqor (….) tusaale ahaan: wuxuu sheegayaa in Boqor loola jeedo boqol nin u dhigme, Beeldaajana yahay ninka qabiilka danahiisa u quma (kaca) oo muraadka inta danyarta ah fuliya, guddoonka talada beeshana iska leh.

Baashi” waa magac ka soo jeeda Turkiga, iyagaa naaneys (laqab) ahaan u raaciya magacyada dadka madaxda u ah, waxaa kaloo jira erey kaloo ay yiraahdaan Turkidu “Afandam” oo micne ahaan ka agdhow “Baashe”.

Xaaji Cali Majeerteen

Baashe Cabdullaahi markii uu iiga warramayay taariikhda Xaaji Cali Majeerteen wuxuu ii sheegay in Xaajigu Turkiga ay ka mid ahayd dalalkii uu wax ku soo bartay, waxaan is leeyahay armay suuragal tahay in erey bixinta ay halkaas ka soo jeeddo, “Baashe” waxaa kaloo ay ku jirtay tix gabaya uu xaajigu curiyay, wuxuuna yiri sidaan:- 

1- Baha baha hadday tahay bahda Haajiraan ahay

 Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay

2- Daarood bartiisiyo beerkiyo laftaan ahay

 Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay

3- Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay

Cumarkaas (Reer Cumar) burhaantiis bogga loo geshaan ahay 

4- Boqorku waa Jibraahiile, anna Baashigaan ahay.

Dhulkii Xaaji Cali Ee Makkah

Xaaji Cali Majeerteen dhul badan oo dunida ah ayuu safar ku tagay, waxaana ka mid ahaa Hindiya, Turkiga, Yemen, Sacuudiga “Makkah”, Masar. Markii xaajigu waxbarashadiisii soo dhammeystay ayuu dhinaca Makkah soo aaday si uu uga soo agdhawaado gurigii ilaahay ee barakeysnaa, isagoo Masaajid uu u bixiyay “ MASJIDU ALJABARTI” ka bilaabay daruus diini ah, halkaas ayuuna saldhig ka dhigtay dadka uu ku baro diinta, fahankooda xagga caqiidadana uu ku saxo. 

Makkah

Sida aan la soconnana, Masaajidka xaramka ah waxaa lagu bilaabay dhawaan ballaadhin, dhul badan uu masaajidka Xaramka ahi ka baxsan baana iminka soo galay gudaha Masjidka Xaramka ah ee Makkah. Dhulkaas waxaa ka mid ah dhulkii Sheekh Cali Majeerteen, dabadeed rag uu ku jiro Baashi Cabdullaahi ayaa xiriir la sameeyay boqortooyada Sacuudiga, welina arrintu way socotaa oo xafiisyo ka shaqeeya qaanuunka oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa hawsha ku Jira.

Baashiga – ilaahay khayr ha siiyee- wuxuu haddiyad ahaan ii siiyay waraaq muujinaysa faracii sheekha iyo inta dhaxalkiisa xaqa u yeelan karta,  iyo waraaq kaloo ay ku sawirantahay shaxda ay u qaybsamaan reerkiisa, waa haddiyad qiimo iyo macne weyn iigu fadhida.

Dilkii Dr. Maxamed Ummad 

Ka xogwarrankii taariikhdii Sheekh Cali Majeerteen iyo sooyaalkii beesha uu ka soo jeeday waxaa soo dhexgashay dhacdo murugo lahoo, tiiraanyo dhaxalsiisay qalbiga Baashiga.

Markii uu soo hadal qaaday shirqoolkii ay nabad-sugidda Soomaaliya -xilligii uu  dalka madaxweynaha ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre– u maleegtay dabin lagu shirqoolay walaalkiis Dr.Maxamed Aw maxamuud (Ummad), oo ahaa da’dii Baashiga kor uga weynayd. Markiiba Baashigu codkiisii wuxuu isu rogay mid dareen taabad leh, wajigiisii murugaa hareysay, ilmaa ka soo hoori gaadhay.  Dhacdadaas foosha xumi waxay dhacday 8/12/1982-kii, si arxan darro ah ayaa koox hubeysani – oo ay soo dirtay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya-  ugu toogatay Dr.Maxamed Ummad dalka Jabuuti goor fiidnimo ah isagoo dhex-lugeynaya! 

Sida Baashigu iigu warramay qorshaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya wuxuu ahaa in ay toogasho ku disho 7 ruux oo ka soo jeeda beesha Majeerteen; iyagoo lagu tuhmayay in ay taageeraan Jabhaddii “SSDF”. Baashigu magacyuu ii sheegay ah: dadkii qorshuhu ahaa in la dilo iyo kuwii u xilsaarnaa fulinta dilalka qorsheysan, aniguse, waan ka gaabsanayaa qoridda magacyadaas sababa jira awgood!

Waxaase xusid mudan in madaxda kaligood taliska ahi ay isu dhaqan dhowyihiin, si gurracanna u fakaraan. Waxaan dhawaan akhriyay buug uu qoray nin saxafiya oo dalka Lubnaan u dhashay, magaciisuna yahay: “Qasaan Sharbal”. Wuxuu wareysiyo la yeeshay -saxafigaasu-  qaar ka mid ahaa golihii kacaanka dalka Liibiya ee Gaashaanle Sarre/ Qadaafi la shaqeeyay, ka dibna ka baxsaday oo mucaaradka ku biiray. Wuxuu qoraagu buuggiisa ugu magac-daray “ FII KHAYMAT AL-QADAAFI: RIFAAQ AL-CAQIID YAKHSHIFUUN QABAAYA CAHDIHI” markii la tarjumana noqonaya (Teendhadii Qadaafi: rag kashifaya sirihii xukunkiisa).

Wariyuhu wuxuu raggaas wareystay kacdoonkii gu’ga carabta ka dib 2011-kii, waxayna sheegayaan in Dowladda Liibiya go’aansatay in shirqoollo lagu dilo mucaaradka, raggii ku nafwaayay qorshaha dowladdii Liibiya waxaa ka mid ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas “Cumar AlKheykiyaa” iyo xubin ka tirsanayd golaha sare ee towradda Liibiya “Cumar AlMaxeysini”  waxayna hawl-galkaa u bixiyeen “ ALKILAABUL AlDAALA” oo micnaheedu noqonayo “ Aydii habowga ahayd”. Waa eray bixin micne ahaan iyo qorshe ahaanba foolxun, Akhristow! la soco labada Kacaan ee Liibiya iyo Soomaaliya bil qura bay kala dambeeyeen sannaddii 1969-dii.

Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir)
Email: [email protected]
——
Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.