Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Buruc: Magaalo Taariikheed Fac weyn!

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Muddo aan dhaweynba, waxaan ku fakarayay in aan magaalada Buruc wax ka qoro; maadaama ay tahay magaalo fac weyn , taariikh fogna leh, caanna ku ahayd ganacsiga iyo cilmigaba, ha yeeshee, waxaa isoo food saaray culeyso fara badan oo iga mashquuliyay magaalo-taariikheeddaas faca weyn lihi.

Buruc, Puntlanf

Ka xog warranka magaalooyinka waa nooc ka mid ah qoraal-taariikheed, carabtu u taqaan sugaan magaalo (ADAB AL-MUDUN) waana qaab qoraal laga soo dheehday  qoraayadii hore ee carabtu lahayd, aniguse, waligay waan jeclaa noocaas, oo waxaan aad ugu taxnaa akhrinta majalladdii Kuwait ka soo bixi jidhay ee la oran jiray “Al-Carabi Magazine” oo aad uga faaloon jirtay magaalooyin ay booqatay, dabadeedna, qudhaydu waxaan qoray buug aan kaga warramayo magaalada Bosaaso oo aan u bixiyay cinwaanka “ Bosaaso dhallankii hore iyo mudnaanta magaalooyinka Soomaalida”  

Horraantii sannaddii 2013-kii ayaa waxaa gacanteyda soo galay buug uu qoray -Alle ha u naxariistee- Aw-Jaamac Cumar Ciise, oo ahaa qoraa aqoon durugsan u lahaa taariikhda iyo sooyaalka umadda Soomaaliyeed.

Buugga gacanteyda soo galay ayaa loogu wan qalay“Taariikhdii Bunnigii Weynaa Xaaji Cali Cabdirixmaan Fiqi” oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen, buuggu wuxuu ka koobnaa Soomaali iyo AfCarabi is turjumaya, labada nuqulba waan akhriyay, dabadeedna, Aw-Jaamac Cumar Ciise ayaan Garoowe kula kulmay, anigoo si qoto dheer ula dooday; maadaama ay magaalada Buruci tahay halka aan ka soo jeedo. Dhacdooyinka buuggana ay magaaladaasi udud-dhexaad u ahayd.

Aw-Jaamac Cumar Ciise -ilaahay naxariistee janno haka waraabiyee- wuxuu ahaa ruux maskax furan, dad yaqaan ah, fataha sida wabigii marka aad hadba doc ka soo marto, aan dhibsan doodda, jecel cidda waxa uu qoray akhrida.

Ugu horreyntiiba, Aw-Jaamac waa uu i heeybsaday oo i weeydiiyay: Xaaji Samantar Xujaale muxuu kuu ahaa! Waxaan ugu jawaabay, in Xaajigu xigtadey  ahaa oo aan isku qoys nahay, ka dib ayuu iiga sheekeeyay in Xaajigaas -Samantar la oran jiray- uu lahaa Sanduuq kaalmo dadka danyarta ah laga caawiyo, waxa kale uu lahaa sanduuq loogu magac daray “Sanduuqa Kaalada” oo dadka guur doonka ahi looga guuriyo, reerna looga dhiso.

Waxa kale oo uu iiga sheekeeyay taariikho fara badanoo magaaladaas u gooni ah.

Waxa xusidda mudan ayaa ahayd in Aw-Jaamac marka uu ka sheekeenayay sababaha Sheekh Cali Majeerteen ku doortay Buruc  ay ugu weynayd -sida buugaba ku qoran– in dadka reer Burceedka ahi ahaayeen dad ganacsadoo xalaal cun ah.

Buruc macne ahaan maxay ka dhigantahay?

Inta badan dadku waxay is weeydiiyaan waxa ay macno ahaan ka dhigantahay Buruc” ereygu waa Soomaali ay isticmaali jireen Qibdiyiintii hore ee Masar “ Coptic Egyptian” waana luqad ay dadkaasu  ku hadli jiray 5 kunoo sano ka hor, sida aqoonyahankii caanka ahaa ee dalka Masar u dhashay, lana oran jiray “Jamaal Xamdaan” oo lagu dilay dhagar ay maleegeen laanta sirdoonka dibadda dalka Israa’iil  ee loo yaqaan“Mossat” ka dib markii uu soo baxay buugiisii la magac baxay “ AL-YUHUUD INTARBALOOJIYAN” macnaheeduna yahay: Yuhuudda issir ahaan.

Magaalada Buruc

Wuxuu buuggaas ku sheegay in yuhuudda maanta ku habsatay dhulka walaalaheen Palestine (Falistiin) ayan ahayn kuwii degi jiray dhulkaas, balse ay yihiin kuwa kaloo meel ay ka yimaadeen aan la aqoon.

Aan u soo noqonno mowduucii “Buruc”  Jamaal Xamdaan buugiisii caanka ahaa ee la magac baxay “ SHAKHSIYATUL MASAR: DARASAH FII CABQARIYAT AL-MAKAAN” wuxuu ku sheegay In “Buruc” ay Masaaridii hore u tiqiin buurta gaaban, waxayna noqon kartaa buurta salkeeda; waayo buurta labaad ee Soomaaliya ugu dheer “Baxaya” waxay ku taal degaankaas, qofka Buruc ka dhaqaaqa ee halka buurta ku taal u jiheystana wuxuu u baxayaa joog dheer, waa halka buurtu kula baxday “Baxaya” oo ah: meel loo baxoo kor ka xigta degaanka Buruceed.

Buruc waa magaalo xeeb ku taal, magaalo-xeebeedyaduna waxay caan ku yihiin in dadkeedu xaddaarad fac weyn leeyihiin. Issinka u arimiya  beesha Buruc degta ee Cabdi Koombe “Jambeel” waxaa la yiraahdaa “Qud” oo dadku inta badani u yaqaannaan in “Qud” yahay tarjumidda ereyga Af Carabiga ah ee hoggaaminta loola jeedo. Waxay anigase ila tahay, in ereygu Faarisi “Persian Language” ka soo jeedo “Al-KHEDYAWI” oo macne ahaan noqonaya Boqor.

Waxaa la oran jiray magacaas mid ka mid ah madaxdii Masar xukumi jirtay, waa ninkii loo yiqiin Al-Khedyawi Ismaaciil (1830-1895) oo xukunkiisu soo gaaray magaalo xeebeedka  Berbera sannadu markuu aha 1865-kii, is rog rogga erayga ayaa markii ugu dambeyay noqday “Qud” waxayna ahayd in issinka Cabdi Koombe la yiraahdo Al-Khedyawi”.

Daraasad uu qoray nin la oran jiray Giulio Baldacci lana magac-baxday “The promontory of cape Guardafui” laguna faafiyay “ Oxford University Press” la daabacayna (9 Oct,1909,pp 59-72) qoraagu wuxuu buugiisaas ku sheegay in Buruc ahaan jirtay magaalo dibadda u dhuufisa malab tayo leh, caanna ku tahay ganacsiga noocyadiisa kala duwan,

Hal-ka-haleel Suugaantii Buruc

Horraantii sannaddii 2013-dii waxaan si isxilqaannimo  ah u bilaabay in aan buug ka qoro degaanka “Buruc” waxaan wareysiyo badan la yeeshay nimaan qaraabo nahay oo  la oran jiray Siciid Aw-Cumar, waa gabay keydiye iyo dhaqan aruriye si qoto dheer u yaqaan sooyaalkii Buruc.

Waxaan ka duubay gabayo fara badan, kuwa ka mid ah waxaan jecleystay in aan akhritow idiin soo gudbiyo, halka kuwa kalena aanan jecleyn in aan daabaco, anigoo ilaalinaya dareenka qaar ka mid ah akhristayaasha iyo dadka dega Buruc-ba. Qaar kaloo fara badanna way iga lumen; iyagoo wer wer iyo tiiraanyo qalbigeyga dhaxalsiiyay, waa suugaan iyo murti ay adagtahay in aan dib u hanto.

Waxaan soo qaadan doonaa dhawr gabay oo tusaale u noqon kara sida reer Burceedku u yiqiin gabay curinta, afmaalna u ahaayeen, gabayadaan markii aan Siciid Aw-Cumar ka duubayay waxay ii lahaayeen dhadhan gaara, waxaan ka faa’iiday xikmad mug weyn.

A. Gabaygii Dardaaran ee Ciise Buur

Ciise Ismaaciil Maxamed  waxa uu ahaa nin lagu sheegay in uu aad u yiqiin abtirsiiyaha Soomaalida oo dhan,Qabaa’ilka Soomaaliyeed cid aanu wax ka garanayn waxay ahayd dhif iyo nadir, sida taarikhdu sheegto waxa uu ahaa Ciise nin loogu yimaado xagga Abtirsiiyaha (Nasan yaqaan) ,mana jirin xilligiisii cid ka badisay abtirsiiyaha Soomaalida.

Ciise, muuqaal ahaan, waxa uu ahaa nin xoog weyn oo lixaad leh, markii uu dhintayna -sida odaayada reer Burceedka laga wariyay-  waxaa bud dhigay lix nin.

Sida la sheego, Ciisa waxa uu lahaa aqoon diimeed ballaadhan, taas oo uu ka dhaxlay aabihiis Xaaji Ismaaciil Maxamed oo ahaa (Qaadigii) garyaqaankii diinta ku naqi jiray garta,  isla markaana ahaa sheekh cilmiga diinta aad  u yiqiin.

Ciise waxa uu lahaa suugaan farabadan, waxaana laga hayaa dhacdooyin la yaab leh oo kuwa ka mid ahi odayadu xafidsanyihiin, halka kuwa kalena lumenoo aan raadkood la hayn.

Gabaygaan “Dardaaran” waxa uu tiriyay isagoo sii galbanaya oo sariirta geerida saran, wuxuuna yiri Sidaan:-

1: In dhawayd geeraarkii iyo daayay gabaygiiyee
 waa taan gashleentiis niciyo galab galabtiisiiyee

2: Waa tuu galbeed iyo u kacay godo nugaaleedee
 xalay buu gabaadsaday halkay gogoshu ii tiile

3: lugihii aan gaaweeyrin jiray gabalax weeyaanee
 tolnimadii la gaafaysan jiray garab mar weeyaanee

4: Wuxuu iblays ku gowriiroo  giirin baa haraye
 giirkayga nimankii ka go’ay gaasas baa u shidane.

5:Waxaa loo gabaar kacayaa garawodoodiiyee
 geedahayga nimankii ahaa guure oo kaca’e

6: Annaa waa gadaal marayaa waa gad la hubaa
 qurankaa galadlaynayo galabba waa meelee !

Alloow noo gar gaar aakhiraa loo gableeyahayee

B. Gabaygii Hufan Dumar iyo dhacdadii ay ku timi

 Waxaa kaloo Ciise laga sheegaa in safar uu ku tagey Cadan oo waagaas ahayd magaalo ganacsi, wuxuuna ku maqnaa safarkaas – oo loo raaci jiray doonyihii shiraaclayda ahaa-   lixdan maalmood.

Markii Ciise  ka  soo noqday safarkii uu ugu kicitimay Cadan,  ayaa afar ninoo tolkii ah yiraahdeen “kacan Ciise  booqannee”!

Markii martidii u timi Ciise ayuu xaaskiisii  uu aadka  u jeclaa ee lagu magacaabi jiray “Caya Yuusuf” oo ahayd qabiilka Majeerteen- Cali Saleebaan ku yiri “ bal ragga shaah u keen, oo wax la soo jilo” macnaheeduna yahay: shaaha soo raaci luqmad raggu cunaan!

Xaaskii ayaa ugu jawaabtay: “in dhawayd anna wax ma loogin, wadna wax ma dilin” oo micnaheedu yahay: wax diyaara oo marti lagu sooro ma hayo.

Casarkii markay ahayd oo ay qorraxdu sii liicaysay ayaa raggii martida ahaa  carraabeen, Ciise dhawr su’aal buu is weeydiiyay! Raggu markuu dhaqaaqay, wuxuu aad uga xumaaday in xaasku ayan keyd lahayn,. Wuxuu  tiriyay gabay xambaarsan xikmad qoto dheer, tilmaamayana aragti dheeri iyo waayo aragtinimo xagga nolosha qoyska ah. Gabaygu wuxu tilmaamayaa waxa dumar lagu xisho.

Si kastaba ha ahaatee, raggii martida ahaa ayaa la siiyay wax yaroo ay cunaan,  inkastoo uusan marti qaadku ahayn sidii loo baahnaa,  dhacdadaas ayaa Ciise tix yaroo gabay ah ka tiriyay,  wuxuuna yiri:-

1: In dhawaydba waataan hoyin haybtii gabay’e
 waa taan habkiisii dhigay oo soo hareer maray’e

2: Xalay buu hurdada iigu yimi hogo dhaxdoodiiyee
 hal yarba aan ka dhaho waa kano igu habaaseeyee

3: Haddii guur hiyiga kaa galoo talo la hee haasho
 hufan gabara waa lala hadlaa lala hadaaqaayee

4: Hadii aad hanti  u  dhibaatoo xero u haaqeyso
 oo mudanahaa kuu hargalo ama kusoo heebsho

5: Wixii kula habboonaa hadaad libato ood weeydo
 hoyata lama guursadiyo hadufla dumaree

6: Midaan heybad kuu yeelihayn lagu hanaasowyee
habka dumarka iyo heerartanka iyo hadal goobaadeedka
 haasawaha laga gartaa har iyo goor noolee.

7: Hablaha Cali waa wada halyeey laguna heeystaayee
 adigaan habkoodii gabay hiirna garan heynee.

Gunnaadkii qoraalkaygan, waxaan jeclahay in aan ku soo qaato tix yaroo gabay ah oo uu tiriyay nin la oran jiray Xirsi Boqor oo ahaa la taliyihii Xeyle Salaase (Haile Selassie), hayeyna xukunka boqortooyadii Itoobiya muddadii u dhaxeysay 1930- 1974.

Gabaygaas waxaa ku xusan magaalooyin dhawr ah oo ay Buruc ku jirto, odaygaan gabay-ga ka duubay wuxuu igu yiri gabaygaas waxaa waajib ah nin kastoo Cabdi Koombe ah in uu xifdiyaa si uu ula socdo halgankii dalka loo soo galay iyo kaalinta Buruci ku lahayd iska caabinta gumeystaha duulaanka ku soo qaaday dhulkii Soomaalida.

1: Xirsi waxaa laygu yiri waa bar igu taalee
 bilaad xabashiyeed iyo haddaan waadi bogax aadey

2: Budda inaan galeey moodayaan been oloosyadu’e
balase iima imaano haddaan soo bayaan kiciyee

3:Dhulka waan ka soo bixi bixi sidii baarka geedaha
 waan soo baloow oran sidaan baalo leeyahay’e

4: Baargaal bareedana haddaan laga baroor diiqin
Benderkii Caluula hadaan badomadiijiidin

5:Butiyaalo iyo Buruc hadaanan baa bah kaga siinin
Boosaaso iyo Qaw hadaanan calamadu begin

6:Haddaanan buuryo weeynoow kufriga boowe kaaga siinin
 Aaleelahay biyihii reer Cismaan waan ka baad maray!

Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir)
Email: [email protected]
——
Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.